Кабинет
📚𝐊𝐨𝐛𝐜𝐢𝐀𝐪𝐨𝐨𝐧𝐭𝐚𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐡𝐚𝐧𝐧𝐞𝐥📚

📚𝐊𝐨𝐛𝐜𝐢𝐀𝐪𝐨𝐨𝐧𝐭𝐚𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐡𝐚𝐧𝐧𝐞𝐥📚

𝙺𝚘𝚋𝚌𝚒𝙰𝚚𝚘𝚘𝚗𝚝𝚊𝚊𝚍𝚊 𝚆𝚊𝚊 𝙶𝚘𝚘𝚋 𝚊𝚊𝚍 𝚔𝚊 𝚑𝚎𝚕𝚒 𝚔𝚊𝚛𝚝𝚒𝚍 ☞︎︎︎𝚃𝚊𝚡𝚊𝚗𝚊𝚢𝚊𝚊𝚕 𝙳𝚒𝚒𝚗𝚒 𝙰𝚑 ☞︎︎︎𝚃𝚊𝚡𝚊𝚗𝚊𝚢𝚊𝚊𝚕 𝙹𝚊𝚌𝚊𝚢𝚕 𝙰𝚑 ☞︎︎︎𝚃𝚊𝚡𝚊𝚗𝚊𝚢𝚊𝚊𝚕 𝚃𝚊𝚊𝚛𝚒𝚒𝚔𝚑𝚒 𝙰𝚑 ☞︎︎︎𝙱𝚞𝚞𝚐𝚊𝚊𝚐 𝙿𝚍𝚏

Юзернейм
@kobciaqoontaada2
Категория
Религия
Страна
СомалиСомали
Подписчики23 961+30 за 1 день
Просмотров на пост, 7 дн.229за 7 дней
ERR0,96 %за 7 дней

Подписчики, 30 дней

28 нояб. – 29 нояб.+30 (+0,1%)

Показать таблицей
ДатаПодписчики
28 нояб. 2026 г.23 931
29 нояб. 2026 г.23 961

Средние просмотры поста по дням

По дню публикации

Показать таблицей
ДатаПросмотров на пост
6 нояб. 2026 г.1 410
12 нояб. 2026 г.930
28 нояб. 2026 г.229

Самые просматриваемые за месяц

  1. 01
    Просмотры1,41 тыс.
    Пересылки—
    Реакции2
    Комментарии—
  2. 02

    𝗠𝗘𝗘𝗥𝗧𝗔𝗗𝗔 𝗤𝗢𝗥𝗥𝗔𝗫𝗗𝗔 Caawa oo ah habeen Hakis Bila/Jimce, malluugteeduna waa Maqalaxidh/Suhuura/Venus. Dhanka Nayruuska, caawa wuxuu marayaa habeenkii 121aad ee sanno Khamiiseed. Haddii aynu in yar dul istaagno halka ay kala marayaan falag-wareegga dusheenna saaran, aynu ku horrayno ubucda ay ku joogaan, oo ah Qorraxda. 𝗤𝗼𝗿𝗿𝗮𝘅𝗱𝗮/𝗖𝗮𝗱𝗰𝗲𝗲𝗱/𝗦𝘂𝗻 Waxay u muuqataa mid ka soo tallaabsatay balaysinkii Miisaanka iyo godkiisii Bayaxow. Waxay berri oo Jimce ah la kowsan doontaa godka 17aad ee Gudban. Qorraxdu waxay maalinba maalinta ka dambaysa u sii dhawaanaysaa kulaalaha koonfureed (Tropic of Capricorn). 𝗗𝗮𝘆𝗮𝘅/𝗠𝗼𝗼𝗻 Caawa wuxuu u muuqday mid karmo ku jira oo u dhexeeya laba god: Xoorey iyo Mareegadheer. Waa dayax ka tallaabay Xoorey, una sii jeeda dhanka balaysinka Qaansada, gaar ahaan Mareegadheer. 𝗗𝗼𝗰𝗮𝘆/𝗡𝗲𝗽𝘁𝘂𝗻𝗲 Docay waa meere il-ma-qabatin ah. Wuxuu la joogaa godka 27aad ee Duugato, oo dhaca ururta Faraska (Pegasus). 𝗝𝗶𝗹𝗯𝗼𝗼𝗹𝗲/𝗥𝗮𝗮𝗴𝗲/𝗦𝗮𝘁𝘂𝗿𝗻 Waa meere Eebbe ku mannaystay ashqaraar, waana boqorka quruxda meerayaasha. Se waa meere socodkiisu gaabis yahay. Dhaqdhaqaaqiisa awgii, Soomaalidu waxay ula baxday Jilboole iyo Raage. Meerahan wuxuu joogaa godka Farangaag/Dhawaaq-dhowr, oo dhaca moorrada Nibiriga. 𝗨𝗿𝗮𝗻𝘂𝘀 Meerahan wuxuu joogaa godka Laxmarka/Galgaal/Cadaad, oo dhaca moorrada Dibiga. 𝗙𝗮𝗿𝗮𝗮𝗿𝗲/𝗠𝗮𝗿𝘀 Mariikh wuxuu u muuqdaa mid la jooga Tar/Kodxin Tareed, oo dhaca moorrada Libaaxa. 𝗖𝗶𝗿𝗷𝗶𝗶𝗱𝗵/𝗝𝘂𝗽𝗶𝘁𝗲𝗿 Cirjeex wuxuu la mid yahay Faraare; waa kuwo la jooga godka Kodxin Tareed. 𝗪𝗮𝘅𝗮𝗿𝗮𝘅𝗶𝗱𝗵/𝗩𝗲𝗻𝘂𝘀 Boqoradda iftiinka meerayaashu waa Waxaraxidh. Wuxuu u muuqdaa mid hareer fadhiya godka Dirirka, oo dhaca moorrada Gashaantida. 𝗗𝘂𝘀𝘀𝗮𝗮/𝗠𝗲𝗿𝗰𝘂𝗿𝘆 Boqorkii xawaaraha meerayaashu waa mid la jooga godka Garbo, oo dhaca moorrada Gashaantida. Intaas ayaynu ka calaamadinnay falag-wareegga dusheenna saaran.

    Текст
    Просмотры1,08 тыс.
    Пересылки—
    Реакции5
    Комментарии—
  3. 03
    Просмотры781
    Пересылки—
    Реакции1
    Комментарии—
  4. 04
    Просмотры229
    Пересылки—
    Реакции—
    Комментарии—

Новые посты

#8847Превью ссылки
Просмотры229−74%к среднему
Пересылки—
Реакции—
Комментарии—
Динамика просмотровСкрыть динамику

Рост просмотров

Часов после публикации

Показать таблицей
Часов после публикацииПросмотры
0 ч0
4 ч128
11 ч229
  1. Всего сейчас229
#8846Текст

𝗠𝗘𝗘𝗥𝗧𝗔𝗗𝗔 𝗤𝗢𝗥𝗥𝗔𝗫𝗗𝗔 Caawa oo ah habeen Hakis Bila/Jimce, malluugteeduna waa Maqalaxidh/Suhuura/Venus. Dhanka Nayruuska, caawa wuxuu marayaa habeenkii 121aad ee sanno Khamiiseed. Haddii aynu in yar dul istaagno halka ay kala marayaan falag-wareegga dusheenna saaran, aynu ku horrayno ubucda ay ku joogaan, oo ah Qorraxda. 𝗤𝗼𝗿𝗿𝗮𝘅𝗱𝗮/𝗖𝗮𝗱𝗰𝗲𝗲𝗱/𝗦𝘂𝗻 Waxay u muuqataa mid ka soo tallaabsatay balaysinkii Miisaanka iyo godkiisii Bayaxow. Waxay berri oo Jimce ah la kowsan doontaa godka 17aad ee Gudban. Qorraxdu waxay maalinba maalinta ka dambaysa u sii dhawaanaysaa kulaalaha koonfureed (Tropic of Capricorn). 𝗗𝗮𝘆𝗮𝘅/𝗠𝗼𝗼𝗻 Caawa wuxuu u muuqday mid karmo ku jira oo u dhexeeya laba god: Xoorey iyo Mareegadheer. Waa dayax ka tallaabay Xoorey, una sii jeeda dhanka balaysinka Qaansada, gaar ahaan Mareegadheer. 𝗗𝗼𝗰𝗮𝘆/𝗡𝗲𝗽𝘁𝘂𝗻𝗲 Docay waa meere il-ma-qabatin ah. Wuxuu la joogaa godka 27aad ee Duugato, oo dhaca ururta Faraska (Pegasus). 𝗝𝗶𝗹𝗯𝗼𝗼𝗹𝗲/𝗥𝗮𝗮𝗴𝗲/𝗦𝗮𝘁𝘂𝗿𝗻 Waa meere Eebbe ku mannaystay ashqaraar, waana boqorka quruxda meerayaasha. Se waa meere socodkiisu gaabis yahay. Dhaqdhaqaaqiisa awgii, Soomaalidu waxay ula baxday Jilboole iyo Raage. Meerahan wuxuu joogaa godka Farangaag/Dhawaaq-dhowr, oo dhaca moorrada Nibiriga. 𝗨𝗿𝗮𝗻𝘂𝘀 Meerahan wuxuu joogaa godka Laxmarka/Galgaal/Cadaad, oo dhaca moorrada Dibiga. 𝗙𝗮𝗿𝗮𝗮𝗿𝗲/𝗠𝗮𝗿𝘀 Mariikh wuxuu u muuqdaa mid la jooga Tar/Kodxin Tareed, oo dhaca moorrada Libaaxa. 𝗖𝗶𝗿𝗷𝗶𝗶𝗱𝗵/𝗝𝘂𝗽𝗶𝘁𝗲𝗿 Cirjeex wuxuu la mid yahay Faraare; waa kuwo la jooga godka Kodxin Tareed. 𝗪𝗮𝘅𝗮𝗿𝗮𝘅𝗶𝗱𝗵/𝗩𝗲𝗻𝘂𝘀 Boqoradda iftiinka meerayaashu waa Waxaraxidh. Wuxuu u muuqdaa mid hareer fadhiya godka Dirirka, oo dhaca moorrada Gashaantida. 𝗗𝘂𝘀𝘀𝗮𝗮/𝗠𝗲𝗿𝗰𝘂𝗿𝘆 Boqorkii xawaaraha meerayaashu waa mid la jooga godka Garbo, oo dhaca moorrada Gashaantida. Intaas ayaynu ka calaamadinnay falag-wareegga dusheenna saaran.

Открыть в Telegram
Просмотры1 080+23%к среднему
Пересылки—
Реакции5
Комментарии—
#8843Превью ссылки
Просмотры1 410+61%к среднему
Пересылки—
Реакции2
Комментарии—
#8841Текст

𝗪𝗔𝗫𝗔𝗥𝗔-𝗫𝗜𝗗𝗛/𝗕𝗔𝗞𝗔𝗔𝗟 ɴᴀʏʀᴜᴜs/ᴅᴀʙᴛᴜᴜʀ/ᴅᴀʙsʜɪᴅ ʜᴀᴋɪsᴀ/ᴋʜᴀᴍɪɪs ᴏᴏ ᴍᴀʀɪ 81 ᴀʏᴀᴀɴᴛᴜ ᴡᴀᴀ ᴋᴏᴏʙɪɴ/ᴀxᴀᴅ ᴍᴀʟʟᴜɢ ᴡᴀᴀ ǫᴏʀʀᴀxᴅᴀ ᴍᴜᴅᴜᴅ ᴡᴀᴀ ᴅᴀʙ/ɴᴀᴀʀɪ 𝐖𝐚𝐱𝐚𝐫𝐚𝐱𝐢𝐝𝐡/𝐒𝐮𝐡𝐮𝐮𝐫𝐚/𝐕𝐞𝐧𝐮𝐬 Waa meeraha labaad ee innaga xiga dhanka qorraxda. Waana meeraha dhulkeenu ku xigo tirsiga meerayaasha qorraxda Waxaraxidh wuxuu ku wareegaa qorraxda meel uga dhow dhulka. Sidaa darteed waxa badanaa lagu arkaa laba ambo Gal-beed iyo Bari Marka uu ku suganyahay Gal-beed iyo Bari waxa loo kala yaqaan Bakaal/Xiddigta-waaberi Maqalaxidh/xiddigta fiidkii 𝗠𝘂𝘂𝗾𝗮𝘀𝗵𝗮𝗱𝗮 𝗺𝗲𝗲𝗿𝗮𝗵𝗮𝗻 Meerahan oo dhowrkii bilood ee la soo dhaafay wuxuu ahaa mid innala cawayn jiray 𝗗𝗼𝗰𝗱𝗮 𝗚𝗮𝗹-𝗕𝗲𝗲𝗱 Wuxuu ahaa mid socodka Galbeed ka bilaabay Godka jed-duruqle oo hada guud keena saaran ama samada badhtan keeda iyo godadkan oo mid walba ambada gal-beed ku dhaafay Jed-duruqle Duugato farangaag Godan Hada waxa ay isla dhacayaan Godka 15 Garbo Laakiin waxa ayna nasiibku kulansiin Bayaxoy ilaa jad-cuur Waxaraxir waxa ay isku diyaarisay Socdaalkii ay ku badalan lahayd aaga Gal-beed Walow aynu tabi doono maqnaashiheeda. Maxaa yeelaya waxa aynu ka heli jirnay nuurkedfa bilic ay ku ladhnayd Ashqaraar dhaayaha u roonaa Laakiin waxa inoo badali doona Jilboole/Raage/Saturn 🪐 oo duugato dhex jooga 𝗜𝗺𝗶𝘀𝗮 𝗺𝗮𝗮𝗹𝗺𝗼𝗼𝗱 𝗮𝘆𝗮𝘆 𝗺𝗮𝗾𝗻𝗮𝗮𝗻𝗱𝗼𝗼𝗻𝘁𝗮𝗮? Sida aynu filayno 7maalmood kadib way soo afmeeri doonaa aaga galbeed Isadoo innaga maqnaan doona mudo ku siman laba toddobaad ama 14 caano maal Mudadaa marka ay dhamaysato waxa aynu markale ku arki doonaa aaga Bari sidaas ayay ku noqon doonaa Xiddigta waaberi 𝗗𝗵𝗮𝗻𝗸𝗮 𝗠𝗶𝗹𝗹𝗶𝗰𝗱𝗮 Qorraxdu waxay maalin teedii ugu danbeeyay ku jirtaa godka 13aad ee Naaso-gaale Maalinta berri isniin waxay la kowsan doontaa godka dirirka Cirka naga koreeyiyo shamsada caamka laga yeeley Cibaarooyinkaa falagga iyo calawyadaas meeri Caadkaa sareeyiyo daruur cadar ah guudkeena Dabeylaha cel-celiskooda iyo curashadii roobka Cadadkii shuhuurtiyo bilaha la isku caadeeyey Cawadiyo dharaartiyo wakhtiga labada ceynood ah Carrada waasaceediyo khalqiga ku camirane jooga Intaas oo xikmado culus ahoo caaddil ku abuurey Nin cabbaar yar eegaaba waa la cajabaayaaye Haddii aadan cilmiga leyna farey caynna ka aqoonin Calaamadaha Ilaah dhigeyna sow kuma ciraab qaadan Cismaan Yuusuf Keenadiid Hayaame

Открыть в Telegram
Просмотры3 110+255%к среднему
Пересылки—
Реакции11
Комментарии—
#8840Текст

𝗠𝗲𝗲𝗿𝘁𝗮𝗱𝗮 𝗤𝗼𝗿𝗿𝗮𝘅𝗱𝗮 𝗕𝗶𝗹𝗼𝘄𝗴𝗮 𝗗𝗲𝘆𝗿𝘁𝗮 Caawa oo dabshidku marayo 70 maalmood. Maalinteedu waa koodaar Malluugtu waa Dusaa Qorraxdu waa godka 13aad ee Naaso-gaale. Dayaxuna waa godka 23 ee jad-kabare/kabaal-cir waxaynu inyar ka taaban doonaa isbeddelka xilliyeedka deyrta. Sida aynu wada ognahay, Qorraxdu waxay ku jirtay dhinaca waqooyi, oo ahaa xilligii xagaaga. Hadda waxay ku soo noqotay dhul-badhaha. Waa dhacdo muhiim ah oo ka mid ah meertada sannadlaha ah ee Dhulku ku sameeyo Qorraxda. 𝗠𝗮𝘅𝗮𝘆 𝘁𝗮𝗵𝗮𝘆 𝗯𝗶𝗹𝗼𝘄𝗴𝗮 𝗱𝗲𝘆𝗿𝘁𝗮? Waa xilli uu Dhulku gaadho meel ka mid ah meertadiisa sannadlaha ah, taas oo Qorraxdu ka gudubto xariiqda mala-awaalka ah ee dhul-badhaha samada (celestial equator). Waa xariiq samada ku beegan dhul-badhaha Dhulka. Qorraxdu waxay ka timid Kulaalaha Waqooyi (Tropic of Cancer), waxayna u sii gudbaysaa dhanka Kulaalaha Koonfureed (Tropic of Capricorn). Halkaan, marka Qorraxdu soo gaadho, waxa ka dhasha laba xilli oo muhiim u ah Waqooyiga iyo Koonfurta: Waqooyiga waxa ka bilaabma xilliga deyrta. Koonfurta waxa ka bilaabma xilliga gu'ga. Xilligan waxa dhaca isu-dheellitirnaan ku dhow dhererka habeenka iyo dharaarta. 𝗠𝗮𝗿𝗸𝗮 𝘅𝗶𝘀𝗮𝗮𝗯𝗮𝗮𝗱𝗸𝗮 𝘅𝗶𝗱𝗱𝗶𝗴𝗲𝗲𝗱 𝗹𝗮𝗴𝗮 𝘆𝗶𝗺𝗮𝗮𝗱𝗼, 𝗺𝗮𝘅𝗮𝗮 𝗹𝗮𝗴𝘂 𝗴𝗮𝗿𝗮𝗻 𝗸𝗮𝗿𝗮𝗮 𝘀𝗼𝗼𝗿𝗮𝗻𝗸𝗮𝗻? Calaamadaha lagu garto waxa ka mid ah: ✷Waaberigu wuu soo daahaa. ✷Qorrax-dhacu wuu soo hormaraa. ✷Qorraxdu waxay u muuqataa mid si tartiib ah ugu jihaysanaysa dhanka koonfureed. ✷Shimbiruhu waxay u dhaqaaqaan dhanka koonfureed. ✷Caleemaha geeduhu midabkooda ayay beddelaan. ✷Hawadu marba marka ka dambaysa way sii qabowdaan. ✷Qorraxdu waxay u muuqataa inay dhex marayso moorada Gashaantida (Virgo). ✷Xiddiga Dirirka wuxuu la dhacaa Qorraxda. September equinox waxa ay dhacaysaa caawa 3:05 am geeska africa.hadii uu rabi raali ka noqdo Waa goorta ay qorraxdu xariiqdan celestial equator ka uga gudbi doonto dhanka koonfureed insha allah Hayaame

Открыть в Telegram
Просмотры3 080+252%к среднему
Пересылки—
Реакции15
Комментарии—
#8838Текст
Просмотры2 800+220%к среднему
Пересылки—
Реакции13
Комментарии—
#8837Превью ссылки
Просмотры2 920+234%к среднему
Пересылки—
Реакции5
Комментарии—
#8835Текст

𝗠𝗘𝗘𝗥𝗧𝗔𝗗𝗔 𝗤𝗢𝗥𝗥𝗔𝗫𝗗𝗔 Maanta oo nayruusku mari 44 Ayaanteeduna tahay Hakis bila/Jimca Malluugtuna Waxaraxidh/Venus/الزهرة Waxay qorraxdu la kowsan doontaa godka 11aad Majin ee balaysinka libaaxa/Leo/الأسد Waana degmo-cireedka sooranka xagaaga Oo mudugooduna waa dab Majin sida aynu wada naqaano waxay millicdu la joogi doontaa muddo 13 maalmood. Waana godadka dhanka waqooyi ka xiga xariiq beenaadka ay malluugtu ku socdaalaan 𝗗𝗵𝗮𝗻𝗸𝗮 𝗱𝗮𝘆𝗮𝘅𝗮 Wuxuu ku jiraa hayaankiisii Wuxuuna xaley soo dul joogsadey godka jed kabare ee degmo -cireedka biyo shubka Dayaxu wuxuu salaan carraabeed siiyey qorraxda. habeenkii hakiso soo galeysay Milaygu marka uu ahaa casar-liiq 𝗟𝗮𝗯𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗱𝗮𝗰𝗮𝗹 Shaley galab goortii aan ku jirey socodkaygii maalin laha aha. Waxa aan dhexda u galey oo aan u marag furey  gaado ka ciyaarkii dayaxa iyo qorraxda Goortii aan u daymooday labada dalac ee kala ahaa bari iyo gal-beed. Waxa igu soo dhacdey maansadii bacrin ee abwaan cabdiqaadir xirsi siyaad yamyam Aun Cadceed dhigatay baalkoo Shuucaac ay bixisiyo Birdhicyada xariirtiyo Casuus baro leh nuur ugub Daruuraha bur-ciidka Baalka ugu xinnaysoo Dhanka dayaxa Adoo taa u beer naqay Gadaal ma isu babacdoo Bishoo madaxa keentiyo Hadda kaaha bari xiga Ma u baydhay lahashoo Sida baadi ruux tebay Tallaabada ma boobtoo? Fadad bururay galabtoo Biriir iyo xayaabiyo Jeegaan beddelashada Barbarrada u kala kacay Jeexada bannaanka Dayax garab la soo baxay Oo booddadii hore Barki le'eg qof jooggii Badda iyo iftiinkuna Isu-baaqiddoodii Intay labo bogleeyeen Qurux bood haldhaa iyo Biyo dahab sameeyeen Dareen bogoshadaa iyo Bed-samaanta aragga le Naf bugtaa inay farax Ku bogsooto waa gare Goortaan la kala baxay Garabka iyo baallaha Oon buub is leeyahay Sow boholyow-yadaadii Halkaad beerka uga taal Inaan kuu buseeliyo Xusuus igu ma soo bixin Hayaame

Открыть в Telegram
Просмотры3 030+246%к среднему
Пересылки—
Реакции6
Комментарии—

Все посты

Связи

Похожие каналы

Кто упоминает

Все упоминания

Кого упоминает