Account
๐Ÿ“š๐Š๐จ๐›๐œ๐ข๐€๐ช๐จ๐จ๐ง๐ญ๐š๐š๐๐š ๐‚๐ก๐š๐ง๐ง๐ž๐ฅ๐Ÿ“š

๐Ÿ“š๐Š๐จ๐›๐œ๐ข๐€๐ช๐จ๐จ๐ง๐ญ๐š๐š๐๐š ๐‚๐ก๐š๐ง๐ง๐ž๐ฅ๐Ÿ“š

๐™บ๐š˜๐š‹๐šŒ๐š’๐™ฐ๐šš๐š˜๐š˜๐š—๐š๐šŠ๐šŠ๐š๐šŠ ๐š†๐šŠ๐šŠ ๐™ถ๐š˜๐š˜๐š‹ ๐šŠ๐šŠ๐š ๐š”๐šŠ ๐š‘๐šŽ๐š•๐š’ ๐š”๐šŠ๐š›๐š๐š’๐š โ˜ž๏ธŽ๏ธŽ๏ธŽ๐šƒ๐šŠ๐šก๐šŠ๐š—๐šŠ๐šข๐šŠ๐šŠ๐š• ๐™ณ๐š’๐š’๐š—๐š’ ๐™ฐ๐š‘ โ˜ž๏ธŽ๏ธŽ๏ธŽ๐šƒ๐šŠ๐šก๐šŠ๐š—๐šŠ๐šข๐šŠ๐šŠ๐š• ๐™น๐šŠ๐šŒ๐šŠ๐šข๐š• ๐™ฐ๐š‘ โ˜ž๏ธŽ๏ธŽ๏ธŽ๐šƒ๐šŠ๐šก๐šŠ๐š—๐šŠ๐šข๐šŠ๐šŠ๐š• ๐šƒ๐šŠ๐šŠ๐š›๐š’๐š’๐š”๐š‘๐š’ ๐™ฐ๐š‘ โ˜ž๏ธŽ๏ธŽ๏ธŽ๐™ฑ๐šž๐šž๐š๐šŠ๐šŠ๐š ๐™ฟ๐š๐š

Username
@kobciaqoontaada2
Category
Religion
Country
SomaliaSomalia
Subscribers23,961+30 in 1 day
Avg views per post, 7d229last 7 days
ERR0.96%last 7 days

Subscribers, 30 days

Nov 28 โ€“ Nov 29+30 (+0.1%)

Show as table
DateSubscribers
Nov 28, 202623,931
Nov 29, 202623,961

Average views per post by day

By publication day

Show as table
DateAvg views per post
Nov 6, 20261,410
Nov 12, 2026930
Nov 28, 2026229

Most viewed this month

  1. 01
    Views1.41K
    Forwardsโ€”
    Reactions2
    Commentsโ€”
  2. 02

    ๐— ๐—˜๐—˜๐—ฅ๐—ง๐—”๐——๐—” ๐—ค๐—ข๐—ฅ๐—ฅ๐—”๐—ซ๐——๐—” Caawa oo ah habeen Hakis Bila/Jimce, malluugteeduna waa Maqalaxidh/Suhuura/Venus. Dhanka Nayruuska, caawa wuxuu marayaa habeenkii 121aad ee sanno Khamiiseed. Haddii aynu in yar dul istaagno halka ay kala marayaan falag-wareegga dusheenna saaran, aynu ku horrayno ubucda ay ku joogaan, oo ah Qorraxda. ๐—ค๐—ผ๐—ฟ๐—ฟ๐—ฎ๐˜…๐—ฑ๐—ฎ/๐—–๐—ฎ๐—ฑ๐—ฐ๐—ฒ๐—ฒ๐—ฑ/๐—ฆ๐˜‚๐—ป Waxay u muuqataa mid ka soo tallaabsatay balaysinkii Miisaanka iyo godkiisii Bayaxow. Waxay berri oo Jimce ah la kowsan doontaa godka 17aad ee Gudban. Qorraxdu waxay maalinba maalinta ka dambaysa u sii dhawaanaysaa kulaalaha koonfureed (Tropic of Capricorn). ๐——๐—ฎ๐˜†๐—ฎ๐˜…/๐— ๐—ผ๐—ผ๐—ป Caawa wuxuu u muuqday mid karmo ku jira oo u dhexeeya laba god: Xoorey iyo Mareegadheer. Waa dayax ka tallaabay Xoorey, una sii jeeda dhanka balaysinka Qaansada, gaar ahaan Mareegadheer. ๐——๐—ผ๐—ฐ๐—ฎ๐˜†/๐—ก๐—ฒ๐—ฝ๐˜๐˜‚๐—ป๐—ฒ Docay waa meere il-ma-qabatin ah. Wuxuu la joogaa godka 27aad ee Duugato, oo dhaca ururta Faraska (Pegasus). ๐—๐—ถ๐—น๐—ฏ๐—ผ๐—ผ๐—น๐—ฒ/๐—ฅ๐—ฎ๐—ฎ๐—ด๐—ฒ/๐—ฆ๐—ฎ๐˜๐˜‚๐—ฟ๐—ป Waa meere Eebbe ku mannaystay ashqaraar, waana boqorka quruxda meerayaasha. Se waa meere socodkiisu gaabis yahay. Dhaqdhaqaaqiisa awgii, Soomaalidu waxay ula baxday Jilboole iyo Raage. Meerahan wuxuu joogaa godka Farangaag/Dhawaaq-dhowr, oo dhaca moorrada Nibiriga. ๐—จ๐—ฟ๐—ฎ๐—ป๐˜‚๐˜€ Meerahan wuxuu joogaa godka Laxmarka/Galgaal/Cadaad, oo dhaca moorrada Dibiga. ๐—™๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฒ/๐— ๐—ฎ๐—ฟ๐˜€ Mariikh wuxuu u muuqdaa mid la jooga Tar/Kodxin Tareed, oo dhaca moorrada Libaaxa. ๐—–๐—ถ๐—ฟ๐—ท๐—ถ๐—ถ๐—ฑ๐—ต/๐—๐˜‚๐—ฝ๐—ถ๐˜๐—ฒ๐—ฟ Cirjeex wuxuu la mid yahay Faraare; waa kuwo la jooga godka Kodxin Tareed. ๐—ช๐—ฎ๐˜…๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐˜…๐—ถ๐—ฑ๐—ต/๐—ฉ๐—ฒ๐—ป๐˜‚๐˜€ Boqoradda iftiinka meerayaashu waa Waxaraxidh. Wuxuu u muuqdaa mid hareer fadhiya godka Dirirka, oo dhaca moorrada Gashaantida. ๐——๐˜‚๐˜€๐˜€๐—ฎ๐—ฎ/๐— ๐—ฒ๐—ฟ๐—ฐ๐˜‚๐—ฟ๐˜† Boqorkii xawaaraha meerayaashu waa mid la jooga godka Garbo, oo dhaca moorrada Gashaantida. Intaas ayaynu ka calaamadinnay falag-wareegga dusheenna saaran.

    Text
    Views1.08K
    Forwardsโ€”
    Reactions5
    Commentsโ€”
  3. 03

    No text

    Photo
    Views781
    Forwardsโ€”
    Reactions1
    Commentsโ€”
  4. 04
    Views229
    Forwardsโ€”
    Reactionsโ€”
    Commentsโ€”

Latest posts

#8847Link preview
Views229โˆ’74%vs avg
Forwardsโ€”
Reactionsโ€”
Commentsโ€”
Views growthHide views growth

Views growth

Hours after publication

Show as table
Hours after publicationViews
0 h0
4 h128
11 h229
  1. Total to date229
#8846Text

๐— ๐—˜๐—˜๐—ฅ๐—ง๐—”๐——๐—” ๐—ค๐—ข๐—ฅ๐—ฅ๐—”๐—ซ๐——๐—” Caawa oo ah habeen Hakis Bila/Jimce, malluugteeduna waa Maqalaxidh/Suhuura/Venus. Dhanka Nayruuska, caawa wuxuu marayaa habeenkii 121aad ee sanno Khamiiseed. Haddii aynu in yar dul istaagno halka ay kala marayaan falag-wareegga dusheenna saaran, aynu ku horrayno ubucda ay ku joogaan, oo ah Qorraxda. ๐—ค๐—ผ๐—ฟ๐—ฟ๐—ฎ๐˜…๐—ฑ๐—ฎ/๐—–๐—ฎ๐—ฑ๐—ฐ๐—ฒ๐—ฒ๐—ฑ/๐—ฆ๐˜‚๐—ป Waxay u muuqataa mid ka soo tallaabsatay balaysinkii Miisaanka iyo godkiisii Bayaxow. Waxay berri oo Jimce ah la kowsan doontaa godka 17aad ee Gudban. Qorraxdu waxay maalinba maalinta ka dambaysa u sii dhawaanaysaa kulaalaha koonfureed (Tropic of Capricorn). ๐——๐—ฎ๐˜†๐—ฎ๐˜…/๐— ๐—ผ๐—ผ๐—ป Caawa wuxuu u muuqday mid karmo ku jira oo u dhexeeya laba god: Xoorey iyo Mareegadheer. Waa dayax ka tallaabay Xoorey, una sii jeeda dhanka balaysinka Qaansada, gaar ahaan Mareegadheer. ๐——๐—ผ๐—ฐ๐—ฎ๐˜†/๐—ก๐—ฒ๐—ฝ๐˜๐˜‚๐—ป๐—ฒ Docay waa meere il-ma-qabatin ah. Wuxuu la joogaa godka 27aad ee Duugato, oo dhaca ururta Faraska (Pegasus). ๐—๐—ถ๐—น๐—ฏ๐—ผ๐—ผ๐—น๐—ฒ/๐—ฅ๐—ฎ๐—ฎ๐—ด๐—ฒ/๐—ฆ๐—ฎ๐˜๐˜‚๐—ฟ๐—ป Waa meere Eebbe ku mannaystay ashqaraar, waana boqorka quruxda meerayaasha. Se waa meere socodkiisu gaabis yahay. Dhaqdhaqaaqiisa awgii, Soomaalidu waxay ula baxday Jilboole iyo Raage. Meerahan wuxuu joogaa godka Farangaag/Dhawaaq-dhowr, oo dhaca moorrada Nibiriga. ๐—จ๐—ฟ๐—ฎ๐—ป๐˜‚๐˜€ Meerahan wuxuu joogaa godka Laxmarka/Galgaal/Cadaad, oo dhaca moorrada Dibiga. ๐—™๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฒ/๐— ๐—ฎ๐—ฟ๐˜€ Mariikh wuxuu u muuqdaa mid la jooga Tar/Kodxin Tareed, oo dhaca moorrada Libaaxa. ๐—–๐—ถ๐—ฟ๐—ท๐—ถ๐—ถ๐—ฑ๐—ต/๐—๐˜‚๐—ฝ๐—ถ๐˜๐—ฒ๐—ฟ Cirjeex wuxuu la mid yahay Faraare; waa kuwo la jooga godka Kodxin Tareed. ๐—ช๐—ฎ๐˜…๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐˜…๐—ถ๐—ฑ๐—ต/๐—ฉ๐—ฒ๐—ป๐˜‚๐˜€ Boqoradda iftiinka meerayaashu waa Waxaraxidh. Wuxuu u muuqdaa mid hareer fadhiya godka Dirirka, oo dhaca moorrada Gashaantida. ๐——๐˜‚๐˜€๐˜€๐—ฎ๐—ฎ/๐— ๐—ฒ๐—ฟ๐—ฐ๐˜‚๐—ฟ๐˜† Boqorkii xawaaraha meerayaashu waa mid la jooga godka Garbo, oo dhaca moorrada Gashaantida. Intaas ayaynu ka calaamadinnay falag-wareegga dusheenna saaran.

Open in Telegram
Views1,080+23%vs avg
Forwardsโ€”
Reactions5
Commentsโ€”
#8843Link preview
Views1,410+61%vs avg
Forwardsโ€”
Reactions2
Commentsโ€”
#8841Text

๐—ช๐—”๐—ซ๐—”๐—ฅ๐—”-๐—ซ๐—œ๐——๐—›/๐—•๐—”๐—ž๐—”๐—”๐—Ÿ ษดแด€สส€แดœแดœs/แด…แด€ส™แด›แดœแดœส€/แด…แด€ส™sสœษชแด… สœแด€แด‹ษชsแด€/แด‹สœแด€แดษชษชs แดแด แดแด€ส€ษช 81 แด€สแด€แด€ษดแด›แดœ แดกแด€แด€ แด‹แดแดส™ษชษด/แด€xแด€แด… แดแด€สŸสŸแดœษข แดกแด€แด€ วซแดส€ส€แด€xแด…แด€ แดแดœแด…แดœแด… แดกแด€แด€ แด…แด€ส™/ษดแด€แด€ส€ษช ๐–๐š๐ฑ๐š๐ซ๐š๐ฑ๐ข๐๐ก/๐’๐ฎ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐š/๐•๐ž๐ง๐ฎ๐ฌ Waa meeraha labaad ee innaga xiga dhanka qorraxda. Waana meeraha dhulkeenu ku xigo tirsiga meerayaasha qorraxda Waxaraxidh wuxuu ku wareegaa qorraxda meel uga dhow dhulka. Sidaa darteed waxa badanaa lagu arkaa laba ambo Gal-beed iyo Bari Marka uu ku suganyahay Gal-beed iyo Bari waxa loo kala yaqaan Bakaal/Xiddigta-waaberi Maqalaxidh/xiddigta fiidkii ๐— ๐˜‚๐˜‚๐—พ๐—ฎ๐˜€๐—ต๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐—บ๐—ฒ๐—ฒ๐—ฟ๐—ฎ๐—ต๐—ฎ๐—ป Meerahan oo dhowrkii bilood ee la soo dhaafay wuxuu ahaa mid innala cawayn jiray ๐——๐—ผ๐—ฐ๐—ฑ๐—ฎ ๐—š๐—ฎ๐—น-๐—•๐—ฒ๐—ฒ๐—ฑ Wuxuu ahaa mid socodka Galbeed ka bilaabay Godka jed-duruqle oo hada guud keena saaran ama samada badhtan keeda iyo godadkan oo mid walba ambada gal-beed ku dhaafay Jed-duruqle Duugato farangaag Godan Hada waxa ay isla dhacayaan Godka 15 Garbo Laakiin waxa ayna nasiibku kulansiin Bayaxoy ilaa jad-cuur Waxaraxir waxa ay isku diyaarisay Socdaalkii ay ku badalan lahayd aaga Gal-beed Walow aynu tabi doono maqnaashiheeda. Maxaa yeelaya waxa aynu ka heli jirnay nuurkedfa bilic ay ku ladhnayd Ashqaraar dhaayaha u roonaa Laakiin waxa inoo badali doona Jilboole/Raage/Saturn ๐Ÿช oo duugato dhex jooga ๐—œ๐—บ๐—ถ๐˜€๐—ฎ ๐—บ๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—บ๐—ผ๐—ผ๐—ฑ ๐—ฎ๐˜†๐—ฎ๐˜† ๐—บ๐—ฎ๐—พ๐—ป๐—ฎ๐—ฎ๐—ป๐—ฑ๐—ผ๐—ผ๐—ป๐˜๐—ฎ๐—ฎ? Sida aynu filayno 7maalmood kadib way soo afmeeri doonaa aaga galbeed Isadoo innaga maqnaan doona mudo ku siman laba toddobaad ama 14 caano maal Mudadaa marka ay dhamaysato waxa aynu markale ku arki doonaa aaga Bari sidaas ayay ku noqon doonaa Xiddigta waaberi ๐——๐—ต๐—ฎ๐—ป๐—ธ๐—ฎ ๐— ๐—ถ๐—น๐—น๐—ถ๐—ฐ๐—ฑ๐—ฎ Qorraxdu waxay maalin teedii ugu danbeeyay ku jirtaa godka 13aad ee Naaso-gaale Maalinta berri isniin waxay la kowsan doontaa godka dirirka Cirka naga koreeyiyo shamsada caamka laga yeeley Cibaarooyinkaa falagga iyo calawyadaas meeri Caadkaa sareeyiyo daruur cadar ah guudkeena Dabeylaha cel-celiskooda iyo curashadii roobka Cadadkii shuhuurtiyo bilaha la isku caadeeyey Cawadiyo dharaartiyo wakhtiga labada ceynood ah Carrada waasaceediyo khalqiga ku camirane jooga Intaas oo xikmado culus ahoo caaddil ku abuurey Nin cabbaar yar eegaaba waa la cajabaayaaye Haddii aadan cilmiga leyna farey caynna ka aqoonin Calaamadaha Ilaah dhigeyna sow kuma ciraab qaadan Cismaan Yuusuf Keenadiid Hayaame

Open in Telegram
Views3,110+255%vs avg
Forwardsโ€”
Reactions11
Commentsโ€”
#8840Text

๐— ๐—ฒ๐—ฒ๐—ฟ๐˜๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐—ค๐—ผ๐—ฟ๐—ฟ๐—ฎ๐˜…๐—ฑ๐—ฎ ๐—•๐—ถ๐—น๐—ผ๐˜„๐—ด๐—ฎ ๐——๐—ฒ๐˜†๐—ฟ๐˜๐—ฎ Caawa oo dabshidku marayo 70 maalmood. Maalinteedu waa koodaar Malluugtu waa Dusaa Qorraxdu waa godka 13aad ee Naaso-gaale. Dayaxuna waa godka 23 ee jad-kabare/kabaal-cir waxaynu inyar ka taaban doonaa isbeddelka xilliyeedka deyrta. Sida aynu wada ognahay, Qorraxdu waxay ku jirtay dhinaca waqooyi, oo ahaa xilligii xagaaga. Hadda waxay ku soo noqotay dhul-badhaha. Waa dhacdo muhiim ah oo ka mid ah meertada sannadlaha ah ee Dhulku ku sameeyo Qorraxda. ๐— ๐—ฎ๐˜…๐—ฎ๐˜† ๐˜๐—ฎ๐—ต๐—ฎ๐˜† ๐—ฏ๐—ถ๐—น๐—ผ๐˜„๐—ด๐—ฎ ๐—ฑ๐—ฒ๐˜†๐—ฟ๐˜๐—ฎ? Waa xilli uu Dhulku gaadho meel ka mid ah meertadiisa sannadlaha ah, taas oo Qorraxdu ka gudubto xariiqda mala-awaalka ah ee dhul-badhaha samada (celestial equator). Waa xariiq samada ku beegan dhul-badhaha Dhulka. Qorraxdu waxay ka timid Kulaalaha Waqooyi (Tropic of Cancer), waxayna u sii gudbaysaa dhanka Kulaalaha Koonfureed (Tropic of Capricorn). Halkaan, marka Qorraxdu soo gaadho, waxa ka dhasha laba xilli oo muhiim u ah Waqooyiga iyo Koonfurta: Waqooyiga waxa ka bilaabma xilliga deyrta. Koonfurta waxa ka bilaabma xilliga gu'ga. Xilligan waxa dhaca isu-dheellitirnaan ku dhow dhererka habeenka iyo dharaarta. ๐— ๐—ฎ๐—ฟ๐—ธ๐—ฎ ๐˜…๐—ถ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฏ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ๐—ธ๐—ฎ ๐˜…๐—ถ๐—ฑ๐—ฑ๐—ถ๐—ด๐—ฒ๐—ฒ๐—ฑ ๐—น๐—ฎ๐—ด๐—ฎ ๐˜†๐—ถ๐—บ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ๐—ผ, ๐—บ๐—ฎ๐˜…๐—ฎ๐—ฎ ๐—น๐—ฎ๐—ด๐˜‚ ๐—ด๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐—ป ๐—ธ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐—ฎ ๐˜€๐—ผ๐—ผ๐—ฟ๐—ฎ๐—ป๐—ธ๐—ฎ๐—ป? Calaamadaha lagu garto waxa ka mid ah: โœทWaaberigu wuu soo daahaa. โœทQorrax-dhacu wuu soo hormaraa. โœทQorraxdu waxay u muuqataa mid si tartiib ah ugu jihaysanaysa dhanka koonfureed. โœทShimbiruhu waxay u dhaqaaqaan dhanka koonfureed. โœทCaleemaha geeduhu midabkooda ayay beddelaan. โœทHawadu marba marka ka dambaysa way sii qabowdaan. โœทQorraxdu waxay u muuqataa inay dhex marayso moorada Gashaantida (Virgo). โœทXiddiga Dirirka wuxuu la dhacaa Qorraxda. September equinox waxa ay dhacaysaa caawa 3:05 am geeska africa.hadii uu rabi raali ka noqdo Waa goorta ay qorraxdu xariiqdan celestial equator ka uga gudbi doonto dhanka koonfureed insha allah Hayaame

Open in Telegram
Views3,080+252%vs avg
Forwardsโ€”
Reactions15
Commentsโ€”
#8838Text
Views2,800+220%vs avg
Forwardsโ€”
Reactions13
Commentsโ€”
#8837Link preview

๐ŸŒ™โ˜ช๏ธ Hambalyo! Team Somali ๐ŸŒ™ ๐Ÿ‘‰ Idaacada-halkan โ”โ”โ”โ”โ”โ”โ”โ”โ”โ”โ”โ” 1๏ธโƒฃ ๐ŸŽ“ Aqoon & Fasalo โ€ข 13k โžœ ๐Ÿ”ฅ Taabo Halkan โ€ข 27k โžœ ๐Ÿ”ฅ Taabo Halkan โ€ข 15k โžœ ๐Ÿ”ฅ Taabo Halkan โ€ข 28k โžœ ๐Ÿ”ฅ Taabo Halkan โ€ข 11k โžœ ๐Ÿ”ฅ Taabo Halkan โ”โ”โ”โ”โ”โ”โ”โ”โ”โ” 2๏ธโƒฃ ๐Ÿšบ Aqoon & Xikmado โ€ข 18k โžœ ๐Ÿ’ซ Taabo Halkan โ€ข 20k โžœ ๐Ÿ’ซ Taabo Halkan โ€ข 26k โžœ ๐Ÿ’ซ Taabo Halkan โ€ข 18k โžœ ๐Ÿ’ซ Taabo Halkan โ€ข 42k โžœ ๐Ÿ’ซ Taabo Halkan โ€ข 16k โžœ ๐Ÿ’ซ Taabo Halkan โ€ข 20k โžœ ๐Ÿ’ซ Taabo Halkan โ€ข 19k โžœ ๐Ÿ’ซ Taabo Halkan โ”โ”โ”โ”โ”โ”โ”โ” 3๏ธโƒฃ ๐Ÿ“š Buugaag & Akhris โ€ข 76k โžœ ๐Ÿ“Œ Taabo Halkan โ€ข 160k โžœ ๐Ÿ“Œ Taabo Halkan โ”โ”โ”โ” 4๏ธโƒฃ ๐ŸŒ™ Diinta & Duunyada โ€ข 15k โžœ ๐ŸŒ™ Taabo Halkan โ€ข 20k โžœ ๐ŸŒ™ Taabo Halkan โ€ข 16k โžœ ๐ŸŒ™ Taabo Halkan โ€ข 18k โžœ ๐ŸŒ™ Taabo Halkan โ€ข 20k โžœ ๐ŸŒ™ Taabo Halkan โ€ข 19k โžœ ๐ŸŒ™ Taabo Halkan โ€ข 17k โžœ ๐ŸŒ™ Taabo Halkan โ€ข 26k โžœ ๐ŸŒ™ Taabo Halkan โ”โ” ๐Ÿ“ญ Powered by: ๐Ÿ›‘ Dhegeyso Buug ๐Ÿ›‘ Maktabada Buugta

Open in Telegram
Views2,920+234%vs avg
Forwardsโ€”
Reactions5
Commentsโ€”
#8835Text

๐— ๐—˜๐—˜๐—ฅ๐—ง๐—”๐——๐—” ๐—ค๐—ข๐—ฅ๐—ฅ๐—”๐—ซ๐——๐—” Maanta oo nayruusku mari 44 Ayaanteeduna tahay Hakis bila/Jimca Malluugtuna Waxaraxidh/Venus/ุงู„ุฒู‡ุฑุฉ Waxay qorraxdu la kowsan doontaa godka 11aad Majin ee balaysinka libaaxa/Leo/ุงู„ุฃุณุฏ Waana degmo-cireedka sooranka xagaaga Oo mudugooduna waa dab Majin sida aynu wada naqaano waxay millicdu la joogi doontaa muddo 13 maalmood. Waana godadka dhanka waqooyi ka xiga xariiq beenaadka ay malluugtu ku socdaalaan ๐——๐—ต๐—ฎ๐—ป๐—ธ๐—ฎ ๐—ฑ๐—ฎ๐˜†๐—ฎ๐˜…๐—ฎ Wuxuu ku jiraa hayaankiisii Wuxuuna xaley soo dul joogsadey godka jed kabare ee degmo -cireedka biyo shubka Dayaxu wuxuu salaan carraabeed siiyey qorraxda. habeenkii hakiso soo galeysay Milaygu marka uu ahaa casar-liiq ๐—Ÿ๐—ฎ๐—ฏ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ ๐—ฑ๐—ฎ๐—ฐ๐—ฎ๐—น Shaley galab goortii aan ku jirey socodkaygii maalin laha aha. Waxa aan dhexda u galey oo aan u marag fureyย  gaado ka ciyaarkii dayaxa iyo qorraxda Goortii aan u daymooday labada dalac ee kala ahaa bari iyo gal-beed. Waxa igu soo dhacdey maansadii bacrin ee abwaan cabdiqaadir xirsi siyaad yamyam Aun Cadceed dhigatay baalkoo Shuucaac ay bixisiyo Birdhicyada xariirtiyo Casuus baro leh nuur ugub Daruuraha bur-ciidka Baalka ugu xinnaysoo Dhanka dayaxa Adoo taa u beer naqay Gadaal ma isu babacdoo Bishoo madaxa keentiyo Hadda kaaha bari xiga Ma u baydhay lahashoo Sida baadi ruux tebay Tallaabada ma boobtoo? Fadad bururay galabtoo Biriir iyo xayaabiyo Jeegaan beddelashada Barbarrada u kala kacay Jeexada bannaanka Dayax garab la soo baxay Oo booddadii hore Barki le'eg qof jooggii Badda iyo iftiinkuna Isu-baaqiddoodii Intay labo bogleeyeen Qurux bood haldhaa iyo Biyo dahab sameeyeen Dareen bogoshadaa iyo Bed-samaanta aragga le Naf bugtaa inay farax Ku bogsooto waa gare Goortaan la kala baxay Garabka iyo baallaha Oon buub is leeyahay Sow boholyow-yadaadii Halkaad beerka uga taal Inaan kuu buseeliyo Xusuus igu ma soo bixin Hayaame

Open in Telegram
Views3,030+246%vs avg
Forwardsโ€”
Reactions6
Commentsโ€”

All posts

Connections

Similar channels

Mentioned by

All mentions

Mentions