๐ก๐ฎ๐๐ฟ๐๐๐ / ๐๐ฎ๐ฏ๐๐ต๐ถ๐ฑ
Waxa caawa inoo curtay gu' hakisa (sanad khamiiseed).
Aadamuhu male iyo odoroska saadaasha ma daaye, bal aynu eegno wixii laga odhan jirey sanadkan oo kale.
Cilmiga iyo garashadaba Eebbaa iska leh. Aadamaha garashadiisu waxay leedahay xad aan la dhaafi karin.
In kasta oo uu bani-aadamku dadaalo, wax barto, oo uu gaadho horumar cilmiyeed iyo farsamo oo cajiib ah, haddana wax walba oo uu ogaado waxay ka mid yihiin qayb yar oo ka mid ah cilmiga Eebbe siiyey. Aadamuhu wuxuu ogaadaa oo keliya waxa Eebbe u fududeeyey inuu fahmo.
Aadamuhu wuxuu ku tiirsan yahay xogta hore si uu u odoroso waxa soo socda.
Qofku wuu odorosi karaa, wuu qorshayn karaa, wuxuuna dejisan karaa tiirar uu mustaqbalka ku tiiriyo, balse ma haysto xaqiijinta. Waxa jirey hadal hore oo ahaa:
"Wixii maanta ka horreeya waa waayo-aragnimo, wixii maanta ka dambeeya waa mustaqbal."
Haddaba, sanadkan cusub habeenka uu kala guurku dhaco, xeeldheerayaashu waxay ka saadaalin jireen:
- Meere
- Mooro
- Maalin
Hadda Nayruusku sanadkan wuxuu ku curtay maalin Khamiis oo naari ah.
Mooradeedu: Qaansada (Sagittarius / ุงูููุณ) ๐น
Meeraheeduna: Cirjiidh (Jupiter / ุงูู
ุดุชุฑู)
Mooradan waxa loo tixgeliyaa dhinaca xorriyadda, sahaminta iyo raadinta aqoonta.
Meerahan xukuma ee Cirjiidh waxa lala xidhiidhiyaa nasiibka, aqoonta iyo falsafadda.
Dhanka Soomaalida waxa looga arkaa mid fadareeya godadka, balse ka shar yar Farraare (Mars / ุงูู
ุฑูุฎ).
Nayruuskan hakisa (Khamiiseed) waxa lala mataaneeyaa Nayruus Koodaar (Arbacaad).
Markaa waxa la odhan jirey: abaarta la arko Nayruus Koodaar (Arbacaad) waxay gashaa Nayruus Hakis-bila (Jimce).
Sanad waliba kiisii horuu
Sanacsanayaaye.
Saadaasha roob waxay wadaa,
Sagal kaliileede.
Dhirtuna waxay suno
Qaadataa sanadka Nayriise.
Gu' samuulad kama
Baaqsadiye Seermaeydadee.
Habeenka Dabshid waxa la fiiriyaa saddex qodob:
1. Habeenkaa roob ma jiraa mise ma jiro?
2. Haddii uusan jirin, daruuro ma jiraan mise ma jiraan?
3. Haddii ayna daruuro jirin, dabayl ma jirtaa? Haddii ay jirto, intee ayay le'eg tahay awoodeedu?
Habeenkan waxa ugu fiicani waa roob la'aanta.
Haddii uu roob da'o habeenkan, waxa la yidhaahdaa waa saadaal dagaal. Hadba inta roobku le'eg yahay ayaa lagu qiyaasaa heerka dhibta dagaalkaasi yeelan doono.
Soomaalidii hore waxay odhan jireen:
"Nayruus onkoday waa lixdan jir ooyay."
Lixdan jir ooyaana waxa jidhkiisa ku dhacay kama ooyee, col iyo abaar ayaa ka oohisay.
Isku soo wada duuboo, saadaasha ugu wanaagsan habeenkani waa in cirku yeesho daruuro.
Odhaah hore:
"Caad waa xab ama waa madheer."
๐๐ต๐ฎ๐ป๐ธ๐ฎ ๐๐ฎ๐๐ฎ๐
๐ฎ
Nayruus Khamiiseed oo dayaxu ku jiro mooro biyo ah waxa looga soo joogay roobab waaweyn oo wabiyada iyo balliyada fatahaadiya.
Wuxuu baabi'iyaa dalagga beeraha ilaa ay xumaadaan oo saracaasi ba'o.
Waxa la sheegaa in Nayruus Khamiiseed oo muduggiisu biyo yahay, dayaxuna ku curtay, la arko ayax badan oo dalagga iyo dhirtaba baabi'iya.
Sanadkani wuxuu u fiicanyahay socdaalka iyo safarrada.
Waxa la sheegaa inuu dhibaato u leeyahay dhanka badaha, isla markaana ay waxyeello soo gaadhi karto maraakiibta.
Waa sanad lagu sheego dhimasho badan oo dhinaca madaxda ah, sidoo kalena dagaallo lama filaan ah.
Runtana Rabbi ayaa og, cid la wadaagtana ma jirto mulkiga iyo maamulkaba.
Se xogahani waa saadaalo; iyana laba mid uun bay noqon jireen:
in sidaa u dhacaan ama inaanay dhicin.
Sanadka soo socda Ilaahow, haraatiidiisa naga salaamad bixi,
Sanadkii tegay na Ilaahow, haraatiidiisa naga nabad geli,
Sanadka soo socda Ilaahow, hirdidiisa naga salaama bixi,
Hawaarsigiisana Ilaahow, naga samata bixi,
Samihiisana Ilaahow nasii,
Saban kheyr leh Ilaahow nooga dhig,
Sabankii nabadda Ilaahow nooga dhig,
Kii caafimadleh Ilaahow nooga dhig,
Kii cirleh Ilaahow nooga dhig,
Sama-barwaaqo, Ilaahow nooga dhig,
Kii lagu nasto, Ilaahow nooga dhig
Ilaahow sanadkii hore leleel buu nagu soo maree,
Kii lagu dego Ilaahow nooga dhig,
Deeqnaan buu nagu soo galee,
Kan dambana kii noo adkeeya Allow nooga dhig.
Ilaahow waalidiintayadii
Ilaahow qabriga u nuur,