Кабинет

Посты канала 📚𝐊𝐨𝐛𝐜𝐢𝐀𝐪𝐨𝐨𝐧𝐭𝐚𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐡𝐚𝐧𝐧𝐞𝐥📚

сначала новые

#8847Превью ссылки
Просмотры229−74%к среднему
Пересылки—
Реакции—
Комментарии—
Динамика просмотровСкрыть динамику

Рост просмотров

Часов после публикации

Показать таблицей
Часов после публикацииПросмотры
0 ч0
4 ч128
11 ч229
  1. Всего сейчас229
#8846Текст

𝗠𝗘𝗘𝗥𝗧𝗔𝗗𝗔 𝗤𝗢𝗥𝗥𝗔𝗫𝗗𝗔 Caawa oo ah habeen Hakis Bila/Jimce, malluugteeduna waa Maqalaxidh/Suhuura/Venus. Dhanka Nayruuska, caawa wuxuu marayaa habeenkii 121aad ee sanno Khamiiseed. Haddii aynu in yar dul istaagno halka ay kala marayaan falag-wareegga dusheenna saaran, aynu ku horrayno ubucda ay ku joogaan, oo ah Qorraxda. 𝗤𝗼𝗿𝗿𝗮𝘅𝗱𝗮/𝗖𝗮𝗱𝗰𝗲𝗲𝗱/𝗦𝘂𝗻 Waxay u muuqataa mid ka soo tallaabsatay balaysinkii Miisaanka iyo godkiisii Bayaxow. Waxay berri oo Jimce ah la kowsan doontaa godka 17aad ee Gudban. Qorraxdu waxay maalinba maalinta ka dambaysa u sii dhawaanaysaa kulaalaha koonfureed (Tropic of Capricorn). 𝗗𝗮𝘆𝗮𝘅/𝗠𝗼𝗼𝗻 Caawa wuxuu u muuqday mid karmo ku jira oo u dhexeeya laba god: Xoorey iyo Mareegadheer. Waa dayax ka tallaabay Xoorey, una sii jeeda dhanka balaysinka Qaansada, gaar ahaan Mareegadheer. 𝗗𝗼𝗰𝗮𝘆/𝗡𝗲𝗽𝘁𝘂𝗻𝗲 Docay waa meere il-ma-qabatin ah. Wuxuu la joogaa godka 27aad ee Duugato, oo dhaca ururta Faraska (Pegasus). 𝗝𝗶𝗹𝗯𝗼𝗼𝗹𝗲/𝗥𝗮𝗮𝗴𝗲/𝗦𝗮𝘁𝘂𝗿𝗻 Waa meere Eebbe ku mannaystay ashqaraar, waana boqorka quruxda meerayaasha. Se waa meere socodkiisu gaabis yahay. Dhaqdhaqaaqiisa awgii, Soomaalidu waxay ula baxday Jilboole iyo Raage. Meerahan wuxuu joogaa godka Farangaag/Dhawaaq-dhowr, oo dhaca moorrada Nibiriga. 𝗨𝗿𝗮𝗻𝘂𝘀 Meerahan wuxuu joogaa godka Laxmarka/Galgaal/Cadaad, oo dhaca moorrada Dibiga. 𝗙𝗮𝗿𝗮𝗮𝗿𝗲/𝗠𝗮𝗿𝘀 Mariikh wuxuu u muuqdaa mid la jooga Tar/Kodxin Tareed, oo dhaca moorrada Libaaxa. 𝗖𝗶𝗿𝗷𝗶𝗶𝗱𝗵/𝗝𝘂𝗽𝗶𝘁𝗲𝗿 Cirjeex wuxuu la mid yahay Faraare; waa kuwo la jooga godka Kodxin Tareed. 𝗪𝗮𝘅𝗮𝗿𝗮𝘅𝗶𝗱𝗵/𝗩𝗲𝗻𝘂𝘀 Boqoradda iftiinka meerayaashu waa Waxaraxidh. Wuxuu u muuqdaa mid hareer fadhiya godka Dirirka, oo dhaca moorrada Gashaantida. 𝗗𝘂𝘀𝘀𝗮𝗮/𝗠𝗲𝗿𝗰𝘂𝗿𝘆 Boqorkii xawaaraha meerayaashu waa mid la jooga godka Garbo, oo dhaca moorrada Gashaantida. Intaas ayaynu ka calaamadinnay falag-wareegga dusheenna saaran.

Открыть в Telegram
Просмотры1 080+23%к среднему
Пересылки—
Реакции5
Комментарии—
#8843Превью ссылки
Просмотры1 410+61%к среднему
Пересылки—
Реакции2
Комментарии—
#8841Текст

𝗪𝗔𝗫𝗔𝗥𝗔-𝗫𝗜𝗗𝗛/𝗕𝗔𝗞𝗔𝗔𝗟 ɴᴀʏʀᴜᴜs/ᴅᴀʙᴛᴜᴜʀ/ᴅᴀʙsʜɪᴅ ʜᴀᴋɪsᴀ/ᴋʜᴀᴍɪɪs ᴏᴏ ᴍᴀʀɪ 81 ᴀʏᴀᴀɴᴛᴜ ᴡᴀᴀ ᴋᴏᴏʙɪɴ/ᴀxᴀᴅ ᴍᴀʟʟᴜɢ ᴡᴀᴀ ǫᴏʀʀᴀxᴅᴀ ᴍᴜᴅᴜᴅ ᴡᴀᴀ ᴅᴀʙ/ɴᴀᴀʀɪ 𝐖𝐚𝐱𝐚𝐫𝐚𝐱𝐢𝐝𝐡/𝐒𝐮𝐡𝐮𝐮𝐫𝐚/𝐕𝐞𝐧𝐮𝐬 Waa meeraha labaad ee innaga xiga dhanka qorraxda. Waana meeraha dhulkeenu ku xigo tirsiga meerayaasha qorraxda Waxaraxidh wuxuu ku wareegaa qorraxda meel uga dhow dhulka. Sidaa darteed waxa badanaa lagu arkaa laba ambo Gal-beed iyo Bari Marka uu ku suganyahay Gal-beed iyo Bari waxa loo kala yaqaan Bakaal/Xiddigta-waaberi Maqalaxidh/xiddigta fiidkii 𝗠𝘂𝘂𝗾𝗮𝘀𝗵𝗮𝗱𝗮 𝗺𝗲𝗲𝗿𝗮𝗵𝗮𝗻 Meerahan oo dhowrkii bilood ee la soo dhaafay wuxuu ahaa mid innala cawayn jiray 𝗗𝗼𝗰𝗱𝗮 𝗚𝗮𝗹-𝗕𝗲𝗲𝗱 Wuxuu ahaa mid socodka Galbeed ka bilaabay Godka jed-duruqle oo hada guud keena saaran ama samada badhtan keeda iyo godadkan oo mid walba ambada gal-beed ku dhaafay Jed-duruqle Duugato farangaag Godan Hada waxa ay isla dhacayaan Godka 15 Garbo Laakiin waxa ayna nasiibku kulansiin Bayaxoy ilaa jad-cuur Waxaraxir waxa ay isku diyaarisay Socdaalkii ay ku badalan lahayd aaga Gal-beed Walow aynu tabi doono maqnaashiheeda. Maxaa yeelaya waxa aynu ka heli jirnay nuurkedfa bilic ay ku ladhnayd Ashqaraar dhaayaha u roonaa Laakiin waxa inoo badali doona Jilboole/Raage/Saturn 🪐 oo duugato dhex jooga 𝗜𝗺𝗶𝘀𝗮 𝗺𝗮𝗮𝗹𝗺𝗼𝗼𝗱 𝗮𝘆𝗮𝘆 𝗺𝗮𝗾𝗻𝗮𝗮𝗻𝗱𝗼𝗼𝗻𝘁𝗮𝗮? Sida aynu filayno 7maalmood kadib way soo afmeeri doonaa aaga galbeed Isadoo innaga maqnaan doona mudo ku siman laba toddobaad ama 14 caano maal Mudadaa marka ay dhamaysato waxa aynu markale ku arki doonaa aaga Bari sidaas ayay ku noqon doonaa Xiddigta waaberi 𝗗𝗵𝗮𝗻𝗸𝗮 𝗠𝗶𝗹𝗹𝗶𝗰𝗱𝗮 Qorraxdu waxay maalin teedii ugu danbeeyay ku jirtaa godka 13aad ee Naaso-gaale Maalinta berri isniin waxay la kowsan doontaa godka dirirka Cirka naga koreeyiyo shamsada caamka laga yeeley Cibaarooyinkaa falagga iyo calawyadaas meeri Caadkaa sareeyiyo daruur cadar ah guudkeena Dabeylaha cel-celiskooda iyo curashadii roobka Cadadkii shuhuurtiyo bilaha la isku caadeeyey Cawadiyo dharaartiyo wakhtiga labada ceynood ah Carrada waasaceediyo khalqiga ku camirane jooga Intaas oo xikmado culus ahoo caaddil ku abuurey Nin cabbaar yar eegaaba waa la cajabaayaaye Haddii aadan cilmiga leyna farey caynna ka aqoonin Calaamadaha Ilaah dhigeyna sow kuma ciraab qaadan Cismaan Yuusuf Keenadiid Hayaame

Открыть в Telegram
Просмотры3 110+255%к среднему
Пересылки—
Реакции11
Комментарии—
#8840Текст

𝗠𝗲𝗲𝗿𝘁𝗮𝗱𝗮 𝗤𝗼𝗿𝗿𝗮𝘅𝗱𝗮 𝗕𝗶𝗹𝗼𝘄𝗴𝗮 𝗗𝗲𝘆𝗿𝘁𝗮 Caawa oo dabshidku marayo 70 maalmood. Maalinteedu waa koodaar Malluugtu waa Dusaa Qorraxdu waa godka 13aad ee Naaso-gaale. Dayaxuna waa godka 23 ee jad-kabare/kabaal-cir waxaynu inyar ka taaban doonaa isbeddelka xilliyeedka deyrta. Sida aynu wada ognahay, Qorraxdu waxay ku jirtay dhinaca waqooyi, oo ahaa xilligii xagaaga. Hadda waxay ku soo noqotay dhul-badhaha. Waa dhacdo muhiim ah oo ka mid ah meertada sannadlaha ah ee Dhulku ku sameeyo Qorraxda. 𝗠𝗮𝘅𝗮𝘆 𝘁𝗮𝗵𝗮𝘆 𝗯𝗶𝗹𝗼𝘄𝗴𝗮 𝗱𝗲𝘆𝗿𝘁𝗮? Waa xilli uu Dhulku gaadho meel ka mid ah meertadiisa sannadlaha ah, taas oo Qorraxdu ka gudubto xariiqda mala-awaalka ah ee dhul-badhaha samada (celestial equator). Waa xariiq samada ku beegan dhul-badhaha Dhulka. Qorraxdu waxay ka timid Kulaalaha Waqooyi (Tropic of Cancer), waxayna u sii gudbaysaa dhanka Kulaalaha Koonfureed (Tropic of Capricorn). Halkaan, marka Qorraxdu soo gaadho, waxa ka dhasha laba xilli oo muhiim u ah Waqooyiga iyo Koonfurta: Waqooyiga waxa ka bilaabma xilliga deyrta. Koonfurta waxa ka bilaabma xilliga gu'ga. Xilligan waxa dhaca isu-dheellitirnaan ku dhow dhererka habeenka iyo dharaarta. 𝗠𝗮𝗿𝗸𝗮 𝘅𝗶𝘀𝗮𝗮𝗯𝗮𝗮𝗱𝗸𝗮 𝘅𝗶𝗱𝗱𝗶𝗴𝗲𝗲𝗱 𝗹𝗮𝗴𝗮 𝘆𝗶𝗺𝗮𝗮𝗱𝗼, 𝗺𝗮𝘅𝗮𝗮 𝗹𝗮𝗴𝘂 𝗴𝗮𝗿𝗮𝗻 𝗸𝗮𝗿𝗮𝗮 𝘀𝗼𝗼𝗿𝗮𝗻𝗸𝗮𝗻? Calaamadaha lagu garto waxa ka mid ah: ✷Waaberigu wuu soo daahaa. ✷Qorrax-dhacu wuu soo hormaraa. ✷Qorraxdu waxay u muuqataa mid si tartiib ah ugu jihaysanaysa dhanka koonfureed. ✷Shimbiruhu waxay u dhaqaaqaan dhanka koonfureed. ✷Caleemaha geeduhu midabkooda ayay beddelaan. ✷Hawadu marba marka ka dambaysa way sii qabowdaan. ✷Qorraxdu waxay u muuqataa inay dhex marayso moorada Gashaantida (Virgo). ✷Xiddiga Dirirka wuxuu la dhacaa Qorraxda. September equinox waxa ay dhacaysaa caawa 3:05 am geeska africa.hadii uu rabi raali ka noqdo Waa goorta ay qorraxdu xariiqdan celestial equator ka uga gudbi doonto dhanka koonfureed insha allah Hayaame

Открыть в Telegram
Просмотры3 080+252%к среднему
Пересылки—
Реакции15
Комментарии—
#8838Текст
Просмотры2 800+220%к среднему
Пересылки—
Реакции13
Комментарии—
#8837Превью ссылки
Просмотры2 920+234%к среднему
Пересылки—
Реакции5
Комментарии—
#8835Текст

𝗠𝗘𝗘𝗥𝗧𝗔𝗗𝗔 𝗤𝗢𝗥𝗥𝗔𝗫𝗗𝗔 Maanta oo nayruusku mari 44 Ayaanteeduna tahay Hakis bila/Jimca Malluugtuna Waxaraxidh/Venus/الزهرة Waxay qorraxdu la kowsan doontaa godka 11aad Majin ee balaysinka libaaxa/Leo/الأسد Waana degmo-cireedka sooranka xagaaga Oo mudugooduna waa dab Majin sida aynu wada naqaano waxay millicdu la joogi doontaa muddo 13 maalmood. Waana godadka dhanka waqooyi ka xiga xariiq beenaadka ay malluugtu ku socdaalaan 𝗗𝗵𝗮𝗻𝗸𝗮 𝗱𝗮𝘆𝗮𝘅𝗮 Wuxuu ku jiraa hayaankiisii Wuxuuna xaley soo dul joogsadey godka jed kabare ee degmo -cireedka biyo shubka Dayaxu wuxuu salaan carraabeed siiyey qorraxda. habeenkii hakiso soo galeysay Milaygu marka uu ahaa casar-liiq 𝗟𝗮𝗯𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗱𝗮𝗰𝗮𝗹 Shaley galab goortii aan ku jirey socodkaygii maalin laha aha. Waxa aan dhexda u galey oo aan u marag furey  gaado ka ciyaarkii dayaxa iyo qorraxda Goortii aan u daymooday labada dalac ee kala ahaa bari iyo gal-beed. Waxa igu soo dhacdey maansadii bacrin ee abwaan cabdiqaadir xirsi siyaad yamyam Aun Cadceed dhigatay baalkoo Shuucaac ay bixisiyo Birdhicyada xariirtiyo Casuus baro leh nuur ugub Daruuraha bur-ciidka Baalka ugu xinnaysoo Dhanka dayaxa Adoo taa u beer naqay Gadaal ma isu babacdoo Bishoo madaxa keentiyo Hadda kaaha bari xiga Ma u baydhay lahashoo Sida baadi ruux tebay Tallaabada ma boobtoo? Fadad bururay galabtoo Biriir iyo xayaabiyo Jeegaan beddelashada Barbarrada u kala kacay Jeexada bannaanka Dayax garab la soo baxay Oo booddadii hore Barki le'eg qof jooggii Badda iyo iftiinkuna Isu-baaqiddoodii Intay labo bogleeyeen Qurux bood haldhaa iyo Biyo dahab sameeyeen Dareen bogoshadaa iyo Bed-samaanta aragga le Naf bugtaa inay farax Ku bogsooto waa gare Goortaan la kala baxay Garabka iyo baallaha Oon buub is leeyahay Sow boholyow-yadaadii Halkaad beerka uga taal Inaan kuu buseeliyo Xusuus igu ma soo bixin Hayaame

Открыть в Telegram
Просмотры3 030+246%к среднему
Пересылки—
Реакции6
Комментарии—
#8834Текст

MOWLIIDKA NABI MUXAMMAD ﷺ NAXARIIS IFTIIMISAY ADDUUNKA 1448ℛ𝒶𝒷𝒾𝒾𝒸𝓊𝓁 𝒜𝓌𝒶𝓁 12 Waxaa jira dhacdooyin taariikhda ku qoran oo aan ahayn oo keliya xusuus la soo dhaafay, balse qalbiyada jiilba jiil ugu gudba iftiin, jacayl iyo xusuus aan duugoobin. Waxaa ka mid ah dhalashadii suubbanayd ee Nabi Muxammad ﷺ; Nabi Alle u doortay inuu noqdo hanuunka bani’aadamka iyo naxariista loo soo diray caalamka. Mowliidka Nabigeennu ﷺ ma aha oo keliya in la xuso maalin taariikhi ah; waa fursad lagu xasuusto akhlaaqdiisii suubbanayd, samirkiisii, naxariistiisii, caddaaladdiisii iyo sida uu ugu dadaalay inuu dadka ka saaro mugdigii jaahilnimada una horseedo iftiinka tawxiidka iyo hanuunka. Alle SWT wuxuu Qur’aanka Kariimka ah ku yiri: ﴿وَمَا أَرْسَلْنَاكَ إِلَّا رَحْمَةً لِّلْعَالَمِينَ﴾ “Annagu kuuma aan dirin inaad noqoto waxaan ahayn naxariis loo fidiyey caalamka.” Rasuulku ﷺ wuxuu ahaa naxariis socota, hadalkiisuna wuxuu ahaa hanuun, dhaqankiisuna wuxuu ahaa tusaale. Wuxuu u naxariisan jiray carruurta, wuxuu tixgelin jiray dadka tabarta yar, wuxuu cafin jiray markii uu awoodo inuu ciqaabo, wuxuuna dadka kula dhaqmi jiray akhlaaq wanaagsan. Jacaylka dhabta ah ee Nabiga ﷺ laguma cabbiro hadal keliya, ee waxaa lagu muujiyaa raacidda jidkiisa. Qofkii jecel Rasuulka ﷺ wuxuu jeclaadaa sunnadiisa, wuxuu qurxiyaa akhlaaqdiisa, wuxuu dhowraa salaaddiisa, wuxuu wanaajiyaa xiriirka uu la leeyahay dadka, wuxuuna ka fogaadaa dulmiga, beenta iyo xumaanta. Mowliidku ha inoo noqdo xusuusin ah in ummadda Muxammad ﷺ ay leedahay Nabi mudan in lagu daydo. Haddii aan doonayno in jacaylkeenna Nabiga ﷺ uu noqdo mid miro dhala, aan ka dhigno jacaylkaas camal: salaad, salawaat, akhlaaq wanaagsan, samir, naxariis, cafis iyo ku-dhaqanka sunnada. Nabi Muxammad ﷺ wuxuu dunida uga tagay dhaxal aan maal lagu cabbiri karin; wuxuu uga tagay ummaddiisa Qur’aanka iyo Sunnada, wuxuuna baray in sharafta bani’aadamku aysan ku jirin maal iyo mansab, balse ay ku jirto taqwo, akhlaaq iyo caddaalad. Sidaas darteed, marka aynu xusno Mowliidka Nabigeenna ﷺ, aynu xusuusanno noloshiisii oo dhan; carruurnimadiisii, runnimadiisii, aaminaaddiisii, samirkiisii intii dacwadu socotay, hijradiisii, halgankiisii iyo naxariistii uu ku hoggaamiyey ummadda. اللهم صل وسلم وبارك على نبينا محمد، وعلى آله وصحبه أجمعين. Ilaahayow, nagu gallad jacaylka Nabi Muxammad ﷺ, nagu astur raacidda sunnadiisa, nagu qurxi akhlaaqdiisa, qalbiyadeennana ku beer jacaylka Alle iyo Rasuulkiisa. ﷺ اللهم صل وسلم على نبينا محمد

Открыть в Telegram
Просмотры2 620+199%к среднему
Пересылки—
Реакции17
Комментарии—
#8833Текст

𝗠𝗘𝗘𝗥𝗧𝗔𝗗𝗔 𝗤𝗢𝗥𝗥𝗔𝗫𝗗𝗔 Maanta oo ayaanteedu tahay koobin, dabshidkuna mari 39 habeen Waxa aynu dib ugu soo laabanay mareegtii aynu fagaaga sare kusoo bandhigi jirnay. Intii aynu kala maqnayn, wax badan oo falaga ah ayaa kala wareegay. Aynu ku bilownee kala-wareegyadii dhacay. 𝗠𝗜𝗟𝗟𝗜𝗖 / 𝗤𝗢𝗥𝗥𝗔𝗫 ☀️ Sida aynu wada ognahay, socodka meertada milicdu maalinkii waa 0°59′8″. Taas oo la macno ah in Qorraxdu hadda joogto 116° ilaa 126°, inta u dhexaysa oo ah godka 𝗧𝗮𝗿 / 𝗔𝗳𝗾𝗼𝘆𝘀. Waana godka 10aad ee tirsiga guud, kana mid ah godadka ku bahoobay moorada Libaaxa / Leo 🦁. 𝗗𝗵𝗮𝗻𝗸𝗮 𝗗𝗮𝘆𝗮𝘅𝗮 🌙 Dayaxu wuxuu ku jirayaa da’da koritaanka, maxaa yeelay wali ma buuxsamin. Hayaame wuxuu caawa la caweyn doonaa godka Mareegadheer / Daalalo Hadhweyn, oo dhacda moorada Qaansada / Sagittarius 🏹. Waana godka 20aad ee tirsiga guud. Waana mid u janjeedha dhanka haweenka, sidaa darteed waxa lagu tiriyaa godadka dhidiga. Mareegadheer wuxuu ka mid yahay godadka dhanka koonfureed kaga beegan xariiqda ay ku socdaalaan malluugtu. Waa godadka u janjeedha qudbiga koonfureed. 𝗠𝗲𝗲𝗿𝗮𝘆𝗮𝗮𝘀𝗵𝗮 🪐 Inta badan aragtida isha ibnu-aadamku way qabataa qaar ka mid ah meerayaasha. 𝗪𝗮𝘅𝗮𝗿𝗮𝘅𝗶𝗱𝗵 / 𝗕𝗮𝗸𝗮𝗮𝗹 / 𝗩𝗲𝗻𝘂𝘀 ♀ Kani waa meeraha 2aad marka loo eego kuwa dhanka libdhada u xiga. Waxa lagu sheegaa inuu yahay boqorka iftiinka meerayaasha. Waxa la yidhaahdaa waxay ku sigatay dayax-qaana. Waxaraxir waxay u dhaxaysaa laba god oo kala ahaa Naaso-gaale iyo Dirirka. Waa laba god oo ku yaalla moorada Gashaantida / Virgo ♍. 𝗗𝘂𝘀𝘀𝗮𝗮 / 𝗠𝗲𝗿𝗰𝘂𝗿𝘆 ☿ Kani waa 1aad ee dhanka libdhada ugu xiga. Waa meeraha ugu socodka badan marka la barbardhigo malluugta kale. Dussaa wuxuu hoos joogaa Millicda, gaar ahaan godka 10aad ee Tar. 𝗖𝗶𝗿𝗷𝗶𝗶𝗱𝗵 / 𝗝𝘂𝗽𝗶𝘁𝗲𝗿 ♃ Waa boqorka meerayaasha, weynaantiisa awgeed. Cirjeex hadda wuxuu la jiraa godka 9aad ee Naaf-madoobe, oo dhacda moorada Libaaxa 🦁. 𝗙𝗮𝗿𝗮𝗮𝗿𝗲 / 𝗠𝗮𝗿𝘀 ♂ Kani waa meerihii casaanaa ee Mariikh, oo dhiigle lagu naanaysi jiray. Faraare wuxuu u muuqdaa mid ka doo-karaar qaatey hogag aad inooga fog. Hadda wuxuu la joogaa godka 6aad ee Agaali-caanood, oo dhacda moorada Mataanaha / Gemini ♊. 𝗥𝗮𝗮𝗴𝗲 / 𝗦𝗮𝘁𝘂𝗿𝗻 ♄ Kani waa meerihii giraanta lahaa. Waa meere ka soocan kuwa kale, maxaa yeelay wuxuu caan ku yahay fargalkiisa quruxda iyo qaayaha leh. Raage wuxuu la joogaa godka 28aad ee Farangaag / Dhawaaq-dhowr / Rab-danbe. 𝗗𝗼𝗰𝗮𝘆 / 𝗡𝗲𝗽𝘁𝘂𝗻𝗲 ♆ Docay wuxuu dhex mushaaxayaa godka 22aad ee Faruur-cirir, oo dhacda moorada Waxarka / Capricorn ♑. 𝗨𝗿𝗮𝗻𝘂𝘀 ♅ Meeraha Uranus wuxuu la joogaa godka 4aad ee Lisan, oo dhacda moorada Dibiga / Taurus ♉.

Открыть в Telegram
Просмотры2 330+166%к среднему
Пересылки—
Реакции5
Комментарии—
#8831Текст
Просмотры2 160+147%к среднему
Пересылки—
Реакции8
Комментарии—
#8827Текст
Просмотры4 770+445%к среднему
Пересылки—
Реакции7
Комментарии—
#8826Текст

𝗡𝗮𝘆𝗿𝘂𝘂𝘀 / 𝗗𝗮𝗯𝘀𝗵𝗶𝗱 Waxa caawa inoo curtay gu' hakisa (sanad khamiiseed). Aadamuhu male iyo odoroska saadaasha ma daaye, bal aynu eegno wixii laga odhan jirey sanadkan oo kale. Cilmiga iyo garashadaba Eebbaa iska leh. Aadamaha garashadiisu waxay leedahay xad aan la dhaafi karin. In kasta oo uu bani-aadamku dadaalo, wax barto, oo uu gaadho horumar cilmiyeed iyo farsamo oo cajiib ah, haddana wax walba oo uu ogaado waxay ka mid yihiin qayb yar oo ka mid ah cilmiga Eebbe siiyey. Aadamuhu wuxuu ogaadaa oo keliya waxa Eebbe u fududeeyey inuu fahmo. Aadamuhu wuxuu ku tiirsan yahay xogta hore si uu u odoroso waxa soo socda. Qofku wuu odorosi karaa, wuu qorshayn karaa, wuxuuna dejisan karaa tiirar uu mustaqbalka ku tiiriyo, balse ma haysto xaqiijinta. Waxa jirey hadal hore oo ahaa: "Wixii maanta ka horreeya waa waayo-aragnimo, wixii maanta ka dambeeya waa mustaqbal." Haddaba, sanadkan cusub habeenka uu kala guurku dhaco, xeeldheerayaashu waxay ka saadaalin jireen: - Meere - Mooro - Maalin Hadda Nayruusku sanadkan wuxuu ku curtay maalin Khamiis oo naari ah. Mooradeedu: Qaansada (Sagittarius / القوس) 🏹 Meeraheeduna: Cirjiidh (Jupiter / المشتري) Mooradan waxa loo tixgeliyaa dhinaca xorriyadda, sahaminta iyo raadinta aqoonta. Meerahan xukuma ee Cirjiidh waxa lala xidhiidhiyaa nasiibka, aqoonta iyo falsafadda. Dhanka Soomaalida waxa looga arkaa mid fadareeya godadka, balse ka shar yar Farraare (Mars / المريخ). Nayruuskan hakisa (Khamiiseed) waxa lala mataaneeyaa Nayruus Koodaar (Arbacaad). Markaa waxa la odhan jirey: abaarta la arko Nayruus Koodaar (Arbacaad) waxay gashaa Nayruus Hakis-bila (Jimce). Sanad waliba kiisii horuu Sanacsanayaaye. Saadaasha roob waxay wadaa, Sagal kaliileede. Dhirtuna waxay suno Qaadataa sanadka Nayriise. Gu' samuulad kama Baaqsadiye Seermaeydadee. Habeenka Dabshid waxa la fiiriyaa saddex qodob: 1. Habeenkaa roob ma jiraa mise ma jiro? 2. Haddii uusan jirin, daruuro ma jiraan mise ma jiraan? 3. Haddii ayna daruuro jirin, dabayl ma jirtaa? Haddii ay jirto, intee ayay le'eg tahay awoodeedu? Habeenkan waxa ugu fiicani waa roob la'aanta. Haddii uu roob da'o habeenkan, waxa la yidhaahdaa waa saadaal dagaal. Hadba inta roobku le'eg yahay ayaa lagu qiyaasaa heerka dhibta dagaalkaasi yeelan doono. Soomaalidii hore waxay odhan jireen: "Nayruus onkoday waa lixdan jir ooyay." Lixdan jir ooyaana waxa jidhkiisa ku dhacay kama ooyee, col iyo abaar ayaa ka oohisay. Isku soo wada duuboo, saadaasha ugu wanaagsan habeenkani waa in cirku yeesho daruuro. Odhaah hore: "Caad waa xab ama waa madheer." 𝗗𝗵𝗮𝗻𝗸𝗮 𝗗𝗮𝘆𝗮𝘅𝗮 Nayruus Khamiiseed oo dayaxu ku jiro mooro biyo ah waxa looga soo joogay roobab waaweyn oo wabiyada iyo balliyada fatahaadiya. Wuxuu baabi'iyaa dalagga beeraha ilaa ay xumaadaan oo saracaasi ba'o. Waxa la sheegaa in Nayruus Khamiiseed oo muduggiisu biyo yahay, dayaxuna ku curtay, la arko ayax badan oo dalagga iyo dhirtaba baabi'iya. Sanadkani wuxuu u fiicanyahay socdaalka iyo safarrada. Waxa la sheegaa inuu dhibaato u leeyahay dhanka badaha, isla markaana ay waxyeello soo gaadhi karto maraakiibta. Waa sanad lagu sheego dhimasho badan oo dhinaca madaxda ah, sidoo kalena dagaallo lama filaan ah. Runtana Rabbi ayaa og, cid la wadaagtana ma jirto mulkiga iyo maamulkaba. Se xogahani waa saadaalo; iyana laba mid uun bay noqon jireen: in sidaa u dhacaan ama inaanay dhicin. Sanadka soo socda Ilaahow, haraatiidiisa naga salaamad bixi, Sanadkii tegay na Ilaahow, haraatiidiisa naga nabad geli, Sanadka soo socda Ilaahow, hirdidiisa naga salaama bixi, Hawaarsigiisana Ilaahow, naga samata bixi, Samihiisana Ilaahow nasii, Saban kheyr leh Ilaahow nooga dhig, Sabankii nabadda Ilaahow nooga dhig, Kii caafimadleh Ilaahow nooga dhig, Kii cirleh Ilaahow nooga dhig, Sama-barwaaqo, Ilaahow nooga dhig, Kii lagu nasto, Ilaahow nooga dhig Ilaahow sanadkii hore leleel buu nagu soo maree, Kii lagu dego Ilaahow nooga dhig, Deeqnaan buu nagu soo galee, Kan dambana kii noo adkeeya Allow nooga dhig. Ilaahow waalidiintayadii Ilaahow qabriga u nuur,

Открыть в Telegram
Просмотры3 560+307%к среднему
Пересылки—
Реакции10
Комментарии—
#8825Текст

𝗠𝗲𝗲𝗿𝘁𝗮𝗱𝗮 𝗤𝗼𝗿𝗿𝗮𝘅𝗱𝗮 Maanta oo ah hakis bila/jumca dabshidkuna mari 360 maalmood Qorraxdu waxay maalinkii 6aad la joogtaa godka/mansilka 7aad ee afagaal/pollux/castor & Procyon/Gomeisa/الذراع Afagaal waa afar xiddigood oo iska soo horjeeda markaa laba xiddig ayaa ka tirsan moorada mataanaha/Gemini/ الْجَوْزَاء Afagaal waa godka ugu danbeeya kooxda la isku yidhaa faraaci/Hogaan/Raqo Sida aynu filayno qorraxdu waxay ka soo talaabi doontaa godkani afagaal 17/July Waxayna usii gudbi doontaa Naafka oo dhaca moorada carsaanyada 🦀 /cancer/ السَّرَطَان Dhanka xiddigaha milicda la dhacaya waxa kamida Naaf madoobe iyo naaf cade Tar iyo majin Xidigaha soo baxayana waa mareegadheer. madhan Faruur cirir iyo jed kabare Dhanka dayaxa isagu wuxuu isku diyaarinayaa bilasho cusub Isagoo dhalashada cusub kusoo dhawaynaya sanadka cusub ee Dabshidka/Nayruuska Kaasoo inoo bilaabmi doonaa habeenka hakisa/khamiiseed ee 16/July 𝗗𝗵𝗮𝗻𝗸𝗮.𝗺𝗲𝗲𝗿𝗮𝘆𝗮𝗮𝘀𝗵𝗮 Hadii aynu ku bilowno dayaxa waxaynu fili in uu joogo godka lisanka 𝗥𝗮𝗮𝗴𝗲/𝘀𝗮𝘁𝘂𝗿𝗻/زُحَل 🪐 Kani waa raage wuxuu ku beeganyahay godka 28aad ee dhawaaq-dhowr/Foocaar/meecaad 𝗗𝗼𝗰𝗮𝘆/𝗡𝗲𝗽𝘁𝘂𝗻𝗲/نِبْتُون Kani waa docay wuxuu jooga Godka farangaag/meecaad cokan 𝗙𝗮𝗿𝗮𝗮𝗿𝗲/𝗱𝗵𝗮𝘆𝗹 𝗴𝘂𝗱𝘂𝘂𝗱/𝗺𝗮𝗿𝘀/المِرِّيخ Kani waa meerihii 4aad meerayaasha wuxuuna la jooga godka laxmarka Waxa darajo aan kadoo fogayn jooga meeraha Uranus 𝗗𝘂𝘀𝗮𝗮/𝗠𝗲𝗿𝗰𝘂𝗿𝘆/عُطَارِد Kani waa meerihii 1aad ee dhanka qorraxda u xigay Hada wuxuu bilaabay in uu qorraxda raaco oo aasku u dumo Waxayna joogaan godka afagaal 𝗖𝗶𝗿𝗷𝗶𝗶𝗱𝗵/𝗝𝘂𝗽𝗶𝘁𝗲𝗿/المُشْتَرِي Waa boqorka meerayaasha waana Cirjeex oo mudo badan habeenkii inala cawayn jirey se Hada wuxuu isku diyaariyay in uu la dhaco millicda wuxuuna joogaa godka naaf-madoobe 𝗪𝗮𝘅𝗮𝗿𝗮𝘅𝗶𝗱𝗵/𝗫𝗶𝗱𝗶𝗴𝘁𝗮 𝘄𝗮𝗮𝗯𝗲𝗿𝗶/𝗩𝗲𝗻𝘂𝘀/الزُّهَرَة Bakaal waa meeraha kaliya ee ku sigtay iftiinkiisu in uu isku badalo dayax qaan ah Waxa lagu sheegta waa ilayska 1aad marka dayaxa iyo qorraxda laga reebo Wuxuu ku dhex mushaaxayaa godka Tar ee moorada libaaxa Hadii uu rabi raali ka noqdo Waxaan ku soo af meershay gabaygii Axmed Diiriye Qaasim allah u naxariisto Duqeydii dhammaataye, tolow dirirka yaa eegi? Dabshidkii hadduu galo, ayaa dhuxulihii daadin? Ayaa daaha laantii ku xirin, qurac intuu diiro? Degmo tuhun ma guurtee ayaa sahanka loo dooran? Reerkoo yaqleel degay, ayaa guri u soo dayri? Hangoolkiyo degsaartii ayaa, gudinta soo daabin? Haddii geelu deyr dhalo ayaa, doobiga u qaadan? Qaniinkiyo dugaaggii ayaa, daabta ka ilaalin? Hayaame

Открыть в Telegram
Просмотры2 990+242%к среднему
Пересылки—
Реакции13
Комментарии—