Maanta oo kale 22kii November 1944 kii oo laga joogo muddo kusiman 82sano Waxaa dunida macsalaameeyey cirbixiyeenkii Caanka ahaa ee Arthur Eddington, isagoo jira da’da 60aad, wuxuu ahaa Faylasuuf ku takhasusay Cilmiga Xidigiska iyo hawada sare, cirbixiyeenku Waxa uu caan ku noqday inuu si weyn u taageeray oo u faafiyey aragtidii Albert Einstein ee Relativity, xilli ay weli ahayd aragti ku cusub caalamka oo dhan. Marka la eego taariikh-nololeedkiisa iyo qoraalladii ay asxaabtiisu ka tageen, shakhsiyaddiisa, Eddington wuxuu ahaa qof aan jeclayn inuu naftiisa dadka ka dhex muujiyo. Inkastoo uu ahaa aqoonyahan heer caalami ah, haddana wuxuu ahaa nin is-hoosaysiiya, hadal yar, oo aan ku faanin aqoontiisa. Ugu danbayn wuxuu u geeriyooday Cudurka Cancerka oo in muddo ah jirkiisa kujiray iyada oo aan la ogayn.
Открыть в TelegramDunida Suugaanta✨🥰
"Sida jidhkaaga oo kale ayay maskaxdaaduna u daasha, ee ku nasi odhaahyada xikmada leh" ~Hazrat Ali
Средние просмотры поста по дням
По дню публикации
Показать таблицей
| Дата | Просмотров на пост |
|---|---|
| 29 окт. 2026 г. | 1 730 |
| 1 нояб. 2026 г. | 1 430 |
| 2 нояб. 2026 г. | 1 380 |
| 3 нояб. 2026 г. | 1 900 |
| 5 нояб. 2026 г. | 1 610 |
| 6 нояб. 2026 г. | 1 840 |
| 10 нояб. 2026 г. | 1 620 |
| 13 нояб. 2026 г. | 1 535 |
| 17 нояб. 2026 г. | 1 190 |
| 22 нояб. 2026 г. | 557 |
Самые просматриваемые за месяц
- 01Просмотры1,9 тыс.Пересылки—Реакции12Комментарии—
- 02Просмотры1,84 тыс.Пересылки—Реакции3Комментарии—
- 03Просмотры1,82 тыс.Пересылки—Реакции12Комментарии—
- 04Просмотры1,73 тыс.Пересылки—Реакции10Комментарии—
Новые посты
Waxay yiraahdeen iyada ayaa la aasay, laakiin aniga ayaa dhintay.!! ~Fydor Dostoyevsky Sofya (Sonya) oo ahayd ilmihiisii ugu horreeyay, Waxay dhalatay 5 Maarso 1868,Waxayna geeriyootay isla sanadkaas 24 May, iyadoo qiyaastii 3 bilood jir ah, kadib xanuun sambabada ah (pneumonia). Geerideedu waxay Dostoevsky iyo xaaskiisa Anna ku reebtay murugo aad u weyn, Anna waxay xusuus-qorkeeda ku sheegtay in Dostoevsky si aad ah u ooyay markii ay gabadhoodii geeriyootay.
Открыть в TelegramADD YOUR CHANNEL/GROUPS 🌟 Listen. Learn. Grow. 🎙 Shuruudaha: kaliya channel nadiif ah ayaan aqbalnaa 🚫 cay · 🚫 sex/porno · 🚫 qabyaalad · 🚫 akhlaaq-xumo ✅ Aqoon · xikmad · buugaag · diin 📩 Channel-kaaga soo dir: @Mfaratoon 1️⃣ Aqoon & Fasalo 🎓 • Maanhage · 13k • Farsamada · 27k • Somali English 1 · 15k • Somali English 3 · 28k • Carabi · 11k 2️⃣ Aqoon & Xikmado 🅰️ • Hasan Caashaq · 18k • Dareen Side · 20k • Kobci Aqoontaada · 26k • Qalbi Dhaye · 18k • Xikmado · 42k • Noqo Xiddig · 16k • Dunida Suugaanta · 20k • Aisha Ahmed · 19k 3️⃣ Buugaag & Akhris 📚 • Somali Library · 76k • Somali Books · 160k 4️⃣ Diinta & Duunyada 🌙 • Kalimat Kariim · 15k • Al Xakiim · 20k • Albaani · 16k • Hogaan Dumar · 18k • Nasteex Media · 19k • Etminnan · 17k • Quruxda Islaamka · 26k
Открыть в TelegramWaxaan ilaahay uga mahadcelinayaa in uu xusuustayda katiray, Qoftii aan Mararka qaarkood moodi jiray inay tahay Ruuxdayda. ~zaki bootaan.
Открыть в TelegramLuggooyada ugu weyn ee xilka dawladdu keeno waxa ka mid ah, in qofku moodo in uuu muhiim yahay. Taasna waxa uu rumaystaa marka uu arko dadka raadinaya ama telefoonkiisa soo wacaya ee danaha kala duwan ka leh. Markaas ayuu qofku is moodaa in uu cirka iyo dhulka kala hayo. Laakiin xaqiiqadu waxa ay tahay, waxa muhiimka ahi adiga ma aha, ee waa kursiga aad ku fadhido. Kursiga ayay dadku soo wacayaan, kursiga ayay dan ka leeyihiin. Imisa ayaa hore kursigan ugu soo fadhiistay, oo maanta suuqyada shaah iskaga cabbaya, cidna aanay lambarkooda xitaa ku soo khaldamayn. Brother, waxa muhiimka ahi waa kursiga aad ku fadhido, ee adiga ma aha. Kolley berri ayaad dadka suuqa ugu iman doontaa adigoo macaan la il daran sidii kuwii kaa horreeyaye, dadka xurmo iyo wanaag sii gasho. W/Q Ismaaciil C Ubax
Открыть в TelegramWaxaanu soo qaadanayaa tusaallaha dhakhtar ka murugooday geerida gabadhiisa oo uu aad u jeclaa. Fg: silicu ma aha mid mahuraan ah si loo gaadho macnaha. Haddii la baajin karo ama la baabiin karayo waa in aynu isku dayno inaynu meesha ka saarno, haddii se uu yahay mid ina huran oo aynaan waxba ka qaban karayn; waa in aynu macne nololleed dhexdiisa ka fadhanaa. • Xurriyadda + Masuuliyada Faraankel waxa uu aaminsanaa masuuliyada iyada oo keligeed ah in aan la qeexin, se lala soo qaato mar kasta masuuliyada. Markaa waa in qofku go’aankiisana aqoonsado, isla markaana ogsoonaado natiijada ka dhalanaysa. Waxa uu ina leeyahay waa in aynaan mar walba nolosheena ka filan waxa aynu doonayno, laakiin waa in aynu is weydiino waxa ay iyadu inaga filayso. • In qofku is-dhaafo Halkanina waa qodob kale oo aad u muhiim ah marka la joogo aragtida Faraankel. Macnaha is-dhaafitaankuna waxa weeyi; in uu qofku u dedaalo oo tamartiisa geliyo wax isaga naftiisa iyo danihiisa ka baxsan, sida; qof kale oo kugu weyn, aragti, aqoon, masuuliyad, iyo hawlqabad macno leh. Farsamooyinka Logotherapy-ga: Labaynu ka soo qaadanaynaa Paradoxsical intension: waa in qofka bukaanka ah wixii uu ka baqanayay si xad dhaaf ah loola kulansiiyo, iyada oo lagu kalifayo in uu ka fikiro ama la macaamilo isla shaygaas doogta ku kicinaya. Dereflection: farsamadan waxa loo adeegsadaa si qofka looga jeediyo in waxa ugu badan ee uu ka fikiraa noqdo naftiisa iyo xaaladdiisa, iyada oo lagu jihaynayo in uu wax kale oo macno leh oo isaga ka baxsan. Waxaana tusaale loo soo qaadan karayaa dhakhtarkii gabadhiisu ka dhimatay ee aadka u murugaysnaa, dabadeedna Faraankel ku yidhi “ka fikir in gabadhaadu halkaaga ku jirtay, oo adiguna aad dhiman lahayd. Ma la jeclaan lahayd in ay sidan aad u murugaysan tahay noqoto, geeridaada darteed?” dabcan maya ayuu ku jawaabay, kadibna waxa uu Faraankel u sheegay in uu helay fursadii ay iyadu weyday, sidaa darteedna iyada darteed u faraxsanaado. Gunnaanad: Buuggani kuuma balanqaadayo in noloshu mar walba ahaanayso mid wada farxad ah, caddaalad leh, oo aad fahmi karayso. Wuxuu se ku siinayaa aduun arag cusub iyo diirad aad nolosha ka dhex eegi karaysid, kaas oo ah; “xiitaa haddii noloshu ina siin weydo waxa aynu doonayno, waxa weli jira wax macno leh oo aynu inagu qaadhaan ahaan ugu darsan karayno!
Открыть в TelegramWaxa uu xasuustaa marka la arko maxbuus roodhidiisii ku soo badashay sigaar, kolkiiba la garan jiray in uu is dhiibay, oo uu doonayo daqiiqadihiisa ugu danbeeya in uu sii raaxaysto. Mar kale waxa uu tilmaamayaa in aan rejadu kelideed qofka nooleynayn, hase ahaate waxa ay keenaysaa in uu qofku u dedaalo sidii uu u badbaadi lahaa isaga oo intii karaankiisa ah is daryeelaya. Xurriyada ugu danbeysa ee qofku leeyahay: doorashada hab-dhaqankiisa Waa qaybaha falsafad ahaa ugu riban buugga oo dhan, waxaanu qaybtan kaga jawaabayaa weydiina ah: dadka gebi ahaan ma waxa xukuma xaaladdaha ku hareeraysan? Faraankel waxa uu leeyahay; Maya. Waxa uu qirayaa in xeryuhu burburin karayaan ku dhawaad wax kasta oo qofka jiraalkiisa dibaddeed ah. hase ahaate waxa uu ku doodayaa in aanay taasi si dhamaystiran aanay u baabiin karayn xurriyada qaadashada go’aannada gudeed ee qofka. Waxa uu qoray: “wax kasta waa laga qaadi karayaa bani aadanka, marka laga reebo hal wax oo ah xurriyadiisa ugu danbeysa; cugashada habka uu u dhaqmayo iyo anshaxa uu la imanayo marka xaaladdo kala duwan uu ka kulmo.” Tusaalle waxa uu u soo qaadanayaa in maxaabiista qaar ay axmaqiin noqdeen daneystayaal ah, halka kuwo kalena cidda xanuusata siinayeen badh kamid ah cuntadooda iyaga oo u baahan. Dadkaasi may ahayn kuwo ladan, se waxay xanuun dheeri ah u qaadayeen si ay qof kale mid uga dul qaadaan. Halkan waxa uu Faraankel inoogu kala saarayaa kala duwanaanshaha u dhexeeya xaaladdaha dibaddeed ee qofka iyo xurriyadda gudeed, waxaanu leeyahay; qofku ma laha awood u si dhamaystiran ugu maamuli karayo wax kasta oo aggihiisa ka dhacaya, se waxa uu mar walba leeyahay awood uu ku dooran karo sida uu uga jawaab celinayo. Waxaanu ku dooddayaa in aan silica si fudud looga bixi karayn, laakiin sidoo kale silicu ma aha mid gaabaynaya qofka shakhsiyadiisa oo dhan. Xurriyada iyo saamaynteeda nafsiga ah: Waxa uu Faraankel sheegayaa dadkii nasiibka lahaa ee ka badbaaday xeryaha xasuuqu, in ay mareen maraaxil kala duwan oo nafsadeed. Waxaana keenay in sannado badan iyaga oo la qabsaday cadaab ba’an, si kadis ah loo soo fasaxay markii dagaalku dhamaaday ee Naasiyiintu jabeen. Marxaladdahaasi waxa ay ahaayeen: • In ay rumaysan waayeen: markii ay soo baxeenba waxa ay ku ciil baxeen cuntada, hurdada iyo in ay xidhaan dhar caadi ah. Socodka ayay miciinsadeen oo meel kasta oo ay tagaanba waxa ay la ahayd mid aad u qurux badan. • In ay dadkii soo baxeen iyaga oo qaba doog, kadibna dadkii kale ay kula dhaceen. • Dadku marka ay xor noqdaan, ciqaabtii ay soo mareen kama dhigto kuwo naxariis badan, ee in ay ciil-qabayaal noqdaan ayaa suure ah. • Ogaanshaha geerida kuwii rejadooda ay ku noolaayeen. Qaybta labaad: Logotherapy Qeexitaan: logotherapy waa nooc kamid ah daaweynta nafsiga ah (psychotherapy) oo uu sameeyay Fiktar Faraankel. Waxaanay ka timi erey oo Giriig ah Logos oo u taagan macne ama u jeedo iyo therapy oo ah dawayn. Waxaana udub dhexaad u ah in nolosha bani aadanka waxa ugu weyn ee shidaaliyaa aanu ahayn raadinta raaxadda sida uu Sigmund Freud sheegay, iyo raadinta awooda sida uu Alfred Alder sheegay; waxa se nolosha qofka shidaaliya waa raadinta macne nololleed. Sidaa daraadeed logotherapt-gu waxa uu isku dayayaa in uu dadka ka caawiyo helitaanka macnaha noloshooda, marka loo eego xaaladdahooda gaarka ah. Qofka bukaanka ah halkii laga waraysan lahaa dhibaatooyinkiisa, waxa laga waraysanayaa macnaha noloshiisa iyo sida uu u heli karayo. Waxa jira saddex qaab oo uu qofku ku heli karo: Shaqo iyo waxqabad: qaabka ugu horeeya waa in uu qofku samaysto wax uu sameeyo ama ka shaqeeyo, kaas oo uu dareemayo in uu agtiisa macne ka leeyahay. Jacaylka iyo samaha: waxa uu Faraakel aaminsanaa in jacaylku qofka u ogolaanayo in uu si qoto dheer u fahmo dadka kale. jacaylku waa ka inoo ogolaanaya in aynu qofka aqoonsano oo keliya aynaan aqoonsan sida uu imika yahay, se sida uu ahaan jiray iyo sida uu noqon karaba muddo kadib. Silica: qaabka saddexaad ee uu qofku macnaha noloshiisa ku heli karayo waxa weeyi sida uu ula macaamilo silica iyo jawaabta uu ka bixiyo.
Открыть в TelegramСвязи
Похожие каналы
- Hasan Caashaq ᥫ᭡@hasancaashaqЦитаты15,2 тыс.
- Qalbi Dhaye💡@qalbidhaye143Цитаты15,1 тыс.
- Kalimat kariim 😍@kalimakariimЦитаты13,7 тыс.
DAREEN SIDE 🫀 🍁@dareen_sideБлоги16,3 тыс.- Hogaan Dumar@hogaan_dumarРелигия15,5 тыс.
Maymuun thoughts ❤️😊@noqoxiddigTelegram13,4 тыс.
Somali_English Intermediate@somalienglish3Лингвистика25,7 тыс.- AL XAKIIM CHANNEL@al_xakiimРелигия17,4 тыс.
Кто упоминает
- Hogaan Dumar@hogaan_dumar2 упоминанияПоследний пост
- Qalbi Dhaye💡@qalbidhaye1432 упоминанияПоследний пост
Maymuun thoughts ❤️😊@noqoxiddig2 упоминанияПоследний пост
Somali_English Intermediate@somalienglish32 упоминанияПоследний пост- Kalimat kariim 😍@kalimakariim2 упоминанияПоследний пост
DAREEN SIDE 🫀 🍁@dareen_side2 упоминанияПоследний пост
QOSAL IYO QARAAXO@ilaqosal2 упоминанияПоследний пост- Hasan Caashaq ᥫ᭡@hasancaashaq2 упоминанияПоследний пост
Free AI, Courses & Udemy ⤵️@farsamada1 упоминаниеПоследний пост- Albaani ²⁴™| قناةالألباني@albaanichannel2521 упоминаниеПоследний пост
Кого упоминает
Free AI, Courses & Udemy ⤵️@farsamada1 упоминание
DAREEN SIDE 🫀 🍁@dareen_side1 упоминание
Somali_English Intermediate@somalienglish31 упоминание- AL XAKIIM CHANNEL@al_xakiim1 упоминание
- Kalimat kariim 😍@kalimakariim1 упоминание
- Albaani ²⁴™| قناةالألباني@albaanichannel2521 упоминание
- Qalbi Dhaye💡@qalbidhaye1431 упоминание
- Hogaan Dumar@hogaan_dumar1 упоминание
- Quruxda islaamka@quruxdaislaamka1 упоминание
- Hasan Caashaq ᥫ᭡@hasancaashaq1 упоминание