1. Tasbiixda iyo xuska Allah سُبْحَانَ اللَّهِ وَبِحَمْدِهِ 2. Istighfaarta أَسْتَغْفِرُ اللَّهَ الَّذِي لَا إِلَهَ إِلَّا هُوَ الْحَيُّ الْقَيُّومُ وَأَتُوبُ إِلَيْهِ 3. Dikriga Tawxiidka لَا إِلَهَ إِلَّا اللَّهُ وَحْدَهُ لَا شَرِيكَ لَهُ، وَاللَّهُ أَكْبَرُ، وَلَا حَوْلَ وَلَا قُوَّةَ إِلَّا بِاللَّهِ. 4. Xuska Allah marka cuntada la dhammeeyo الْحَمْدُ لِلَّهِ الَّذِي أَطْعَمَنِي هَذَا وَرَزَقَنِيهِ مِنْ غَيْرِ حَوْلٍ مِنِّي وَلَا قُوَّةٍ 5. Xuska Allah marka dharka la xidhanayo الْحَمْدُ لِلَّهِ الَّذِي كَسَانِي هَذَا وَرَزَقَنِيهِ مِنْ غَيْرِ حَوْلٍ مِنِّي وَلَا قُوَّةٍ 6. Xuska Allah marka Aadaanka la dhammeeyo أَشْهَدُ أَنْ لَا إِلَهَ إِلَّا اللَّهُ وَحْدَهُ لَا شَرِيكَ لَهُ، وَأَنَّ مُحَمَّدًا عَبْدُهُ وَرَسُولُهُ، رَضِيتُ بِاللَّهِ رَبًّا، وَبِالْإِسْلَامِ دِينًا، وَبِمُحَمَّدٍ رَسُولًا. 7. Ducada Majliska (Dhammaadka Fadhiga) سُبْحَانَكَ اللَّهُمَّ وَبِحَمْدِكَ، أَشْهَدُ أَنْ لَا إِلَهَ إِلَّا أَنْتَ، أَسْتَغْفِرُكَ وَأَتُوبُ إِلَيْكَ. 8. Xuska Allah marka waysada la dhammeeyo أَشْهَدُ أَنْ لَا إِلَهَ إِلَّا اللَّهُ وَحْدَهُ لَا شَرِيكَ لَهُ، وَأَشْهَدُ أَنَّ مُحَمَّدًا عَبْدُهُ وَرَسُولُهُ. 9. Xuska Allah ka hor hurdada لَا إِلَهَ إِلَّا اللَّهُ وَحْدَهُ لَا شَرِيكَ لَهُ، لَهُ الْمُلْكُ وَلَهُ الْحَمْدُ وَهُوَ عَلَى كُلِّ شَيْءٍ قَدِيرٌ، وَلَا حَوْلَ وَلَا قُوَّةَ إِلَّا بِاللَّهِ الْعَلِيِّ الْعَظِيمِ، سُبْحَانَ اللَّهِ، وَالْحَمْدُ لِلَّهِ، وَلَا إِلَهَ إِلَّا اللَّهُ، وَاللَّهُ أَكْبَرُ. 10. Xuska Allah marka habeenkii hurdada laga soo tooso لَا إِلَهَ إِلَّا اللَّهُ وَحْدَهُ لَا شَرِيكَ لَهُ، لَهُ الْمُلْكُ وَلَهُ الْحَمْدُ، وَهُوَ عَلَى كُلِّ شَيْءٍ قَدِيرٌ، الْحَمْدُ لِلَّهِ، وَسُبْحَانَ اللَّهِ، وَلَا إِلَهَ إِلَّا اللَّهُ، وَاللَّهُ أَكْبَرُ، وَلَا حَوْلَ وَلَا قُوَّةَ إِلَّا بِاللَّهِ. اللَّهُمَّ اغْفِرْ لِي
Открыть в TelegramXikmado Soomaali ™
Kusoo dhawaw XikmadoSomali waxaad ka heli doontaan Buugaag dhegeysi ah oo Somali ah & kowo lasoo koobay oo live loo sharaxaayo,Buugaag Qormooyin،wacyi gelin
Средние просмотры поста по дням
По дню публикации
Показать таблицей
| Дата | Просмотров на пост |
|---|---|
| 10 нояб. 2026 г. | 663 |
| 12 нояб. 2026 г. | 618 |
| 13 нояб. 2026 г. | 609 |
| 17 нояб. 2026 г. | 458 |
| 20 нояб. 2026 г. | 338 |
Самые просматриваемые за месяц
- 01Просмотры680Пересылки—Реакции1Комментарии—
- 02Просмотры663Пересылки—Реакции—Комментарии—
- 03Просмотры609Пересылки—Реакции—Комментарии—
- 04Просмотры557Пересылки—Реакции3Комментарии—
Новые посты
"Mid ka mid ah Wiilasheyda oo hada Xaasle 4 Caruur ah dhalay ah ayaa Qadar anagoo joogna xanuunsaday oo Caloosha laga qabtay, ilaa uu sariir la koray oo Oxygen lagu xiray koomana uu la galay, Dowladda Qadar ayaa igu tiri Wiilka waxaan u diraynaa Dhakhtar Arimaha Caloosha takhasus ku eh oo England jooga, wixi qarash ahna anagaa qabna" "Marki Safarkii 4 Maalin ka harsan tahay ayaa waxaa la ogaaday in dhakharkii fasax galay, waxaana nalagu wargalshay in Safarkii uu dib u dhacay, Wiilka dhakhtarka lagama saari karo Oxygen tu joogto ayeey ugu xiran tahay walaacu waa intii la doono, anagoo Isbitaalka ku yaal Qadar ee Wiilka aan ku haynay joogna ayaa dhakhtar Bakistaani ah igu yiri inta gaar iila baxay Wiilkaan Isbitaalka ka saaro oo Qur'aan saar wax kale uma baahna, Hana isheegin hadii kale shaqada ayaa layga burinayaa ayuu igu yiri" "Markiba go'aankiisa ayaan qaatay waxaana dhaqaatiirti ku iri Wiilkeyga waa la baxayaa, waa layga diiday waxaana laygu yiri ma dhici karto Ninkaan xaaladiisa ma sahlana, waa ku madax adeegay oo waxaan ku iri sow anigu Aabbihii maahi ilaa marki dambe laygu yiri Saxiix wixii ka yimaada inaad adiga Masuul ka tahay, waan saxiixay Wiilkeygi ayaan soo kaxaystay Guriga ayaan keenay" "Ardaydii iyo macalimiintii ayaan isugu yeeray waxaana ku heshiinay in aan 7 Maalin oo isku xigta Maalin Walba qur'aanka ku dhameeno dushiisa oo aan qaybsanno, Maalinki koobaad aan bilownay ilaa Maalinki Sadaxaad Ninki Faleembada ay Cunada u ahayd wuxuu bilaabay in uu wax liqo, miirkiisu usoo laabto, Maalinki Lixaad markaan mareenay wuxuu bilaabay inuu soo fariisto socod bilaabo aadna u caafimaado, kadibna uuba na weydiiyo aaway Xaaskeygi oo markaas Xaasle ayuu ahaa" "Alle mahadii Wiilki oo noo fiicnaaday ayaan isbitaalki ku celinay dhakhaatiirti hawshiisi gacanta ku heesay waaba yaabeen war Ninkan sow maaha kii Gaari in la saaro mooyee aan kici karin, maxaad ku sameyseen, waxaan u sheegnay un in aan qur'aan ku akhrinay allena inoo caafiyey. "Dad ayaa igula talshay in Fursaddi Dowladda Qadar nasiisay aan uga faa'iideysto in aan dacwada ku fidiyo oo Aan bulshada la kulmo Halka wiilkeyguna uu uga faa'iideyto baaris guud oo uu maro, kadibna Wiilki loo qorsheeyey awal 6 Kursi oo isku xigta in Diyaarada looga qabto si sariir looga dhigo iyo anigi oo soconayna ayaa alle fadligii Diyaaradi fuulnay oo England u amba baxnay" "Markaa Isbitaalki tagnay ileen magaca iyo xaalka Wiilka Dhakhtarka waa loo gudbiyee waxaan irida uga galinay Wiilki oo soconaya, kadibna wuxuu yiri war Ninki xanuunsanaa oo dowladda Qadar iisoo gudbisay Nin sariir saaaran ayuu ahaaye waa maxay ninkan soconaya ma mid kale ayaad kusoo bedesheen ayuu na weydiiyey kadibna waxaan ugu jawaabay in uu isagii yahay, maxaa ku sameyseen ayuu na weydiiyey kadibna waxaan u sheegnay in aan Qur'aan uu Nabi Maxamed SCW Alle kusoo dajiyey ku akhrinay sidaasna uu ku caafimaaday" "Dhakhtarki wuxuu yiri anigu layaab ayeey ila tahay waxa aad sheegeysaan xaalada la iiga soo gudbiyey Ninkan iyo sida uu hada yahay waa kaaf iyo kala dheeri, balse baaris 2 bil qaadaneysa ayaan ku sameynayaa Ninkan ayuu yiri Maadaama Qadar ay Lacagta ka shubtay, labadaas bil uu wiilkeygu baarista ku jiray aniguna Masjidka ayaan kulamo Diimeed ku qabanayey oon Soomaalida muxaadaro ugu qabanayey" "2 Bil kadib waxay soo saareen jawaab ah in Wiilkeygu caafimaad qabo, taasoo cadeeneysa inaan helnay Dawadii Alle oo ah mid tooda ka qiima badan kana fiican, hadaba yaqiin la imaada oo Qur'aanka cidi idinka xanuunsan saara, Alle ayaaba Qur'aankiisa noogu sheegay in uu Dawo yahay Qur'aanku in aan isku akhrinana ay faa'iido weyn noogu jirto" Sheikh Cabdirashiid Sheikh Cali Suufi. ✍️ Daadir Ali Gurey
Открыть в TelegramDiiwan gilinta dufcadii 39aad ee Graphic Design Waxaa ka harsan Maalin Kaliya. ------- F.G: Hada is diiwan gili oo hel Cawinaad Joogta ah. ___________________________________ Si aad isku diiwan gilisid Nagala soo xiriir Whatsapp: https://wa.me/message/6HVONJCAOERII1 Telegram: https://t.me/samewadeacademy Telphone: 0619545300 / +252619545300
Открыть в Telegram1. Upgrade Your Knowledge | Maalgasho Aqoontaada Mudnaanta sii helitaanka aqoon dheeraad ah, Dakhligaaga qayb kamid ah u qoontee sare u qaadista aqoontaada. Cilmiga inta aad taqaan kuguma filna Diini iyo Maadiba. Heerkaaga waxbarasho kor usii qaad, Hadii uu heerkaagu ku egyahay Dugsi sare biloow jamaacad, hadii heerkaagu ku egyahay Degree-ga 1-aad biloow master, iibso buugaag iyo kugubo cilmi, Xaadir Xalaqaad ka masjidka, ka qaybgal programs-ka aad cilmiga ka siyaasan karto sida tababbarrada iyo barnaamijyada kale ee waxbarashadaada iyo fahmkaaga kobcinaya . 2. Upgrade Your Skills | Horumari Xirfadahaaga Ku dadaal barashada iyo kobcinta xirfadaha waxtarka u leh shaqadaada iyo noloshaada xirfadeed. Sara uqaadida Xirfadaha la xiriira baahida aad qabto waxay kordhiyaan muhiimada aad dadka iyo environment-ga kugu xeeran u leedahay waxayna kuu abuuri karaan fursado shaqo, dallacsiin iyo dakhli dheeraad ah. Xirfadaha dheeraadka ah ee aad hesho waa investment aad ku samaysay naftaada, kuma qasaari doontid, waxay kuu sahli doonaan fursado cusub oo aad ku abuuri karto dakhli dheeraad ah. 3. Upgrade Your Financial Habits | Dhis Hab-maamul Maaliyadeed Dhaqaalaha uu Eebe kusoo galiyo mid yar iyo mid badanba, kharashaadka kaa baxa iyo aad hantida aad heysato dhamaan waxay u baahanyihiin aqoon la xiriirta sidaad u maamuli lahayd sidaas darteed waa lagama maarmaan inaad barato sida loo Maareeyo dakhligaaga iyo kharashaadka kaa baxa, waxaa Muhiim ah inaad barato sida loo sameeyo miisaaniyad dhaqaale, sida loo sameeyo kayd joogto ah iyo sida loo maalgashado kaydkaaga si masuuliyad leh. 4. Upgrade Your Health | Caafimaadkaaga mubiimad sii. Caafimaadku waa tiirka ugu muhiimsan noloshaada, waxa uu ka horeeya shaqadaada iyo wax-soo-saarka. Qayb ka mid ah dhaqaalahaaga u qoondee daryeelka caafimaadkaaga jireed iyo midkaaga maskaxeed. Cun cunto nafaqo leh oo xalaal ah, samee jimicsi joogto ah, seexo hurdo kugu filan, qaado iyo nasasho ayaduna kugu filan. Xasuusnoow waxaad shaqayn kartaa, wax tacbi kartaa islamarkaana ay dadkuna ku danaynayaan inta aad caafimaad qabto. Waxaan kuu soo Jeedinaya inaad daryeelkaaga muhiimad weyn siiso. 5. Upgrade Your Investments | Kordhi Kaydkaaga iyo Maalgashigaaga Marka dakhli kug filan kusoo galo ku dadaal inaad kaydsato kadibna aad maalgashato. Raadi fursado maalgashi oo macquul ah, khatartoodu yartahay, aad ka baarandagtay islamrkaana aysan maalkaagu ku dhumayn taas badalkeeda faa’ido dhaqaale iyo dakhli cusub kuu horseedi kara. CONCLUSION: Dakhligaaga hakuu noqdo aalad aad ku dhisto nolol wanaagsan iyo mustaqbal dhaqaale oo xasilloon. War iyo dhamaan u adeegso lacagta kusoo gasha dhisidda aqoon, xirfado, caafimaad iyo hanti waarta.
Открыть в TelegramMUHIIM: Marka Dakhli intuu doonaba hala ekaado e’ uu Ilaahay kusoo galiyo waxaan kuusoo jeedinayaa inaad Shantan Arrimood Mudnaan siiso.
Открыть в TelegramWaxaa Si Rasmi Inoogu bilowday Diiwaan Gilinta Dufcadii 3aad ee Basic Computer ------- F.G: Hada is diiwan gili oo hel Cawinaad Joogta ah. _________________________________________________ Whatsapp: https://wa.me/message/6HVONJCAOERII1 Telegram: https://t.me/samewadeacademy Telphone: 0619545300 / +252619545300
Открыть в TelegramNaftaada La Jihaad Nolosha qofka waxaa ku jira halgan joogto ah oo u dhexeeya waxa uu doonayo inuu noqdo iyo waxa naftiisu u janjeerto. Mararka qaar waxaad rabtaa inaad salaadda ilaaliso, Qur’aanka akhrido, cilmi barato, waqtigaaga ka faa’iidaysato, mustaqbal wanaagsan dhisato, laakiin waxaad la kulmaysaa caajis, dib-u-dhigis iyo rabitaanno kaa leexinaya jidkaas. Halkaas ayay ka bilaabataa naftaada la jihaadkeedu. Waa inaad naftaada ku tababarto samaynta waxyaabaha wanaagsan, xitaa marka aadan dareemayn rabitaan aad ku samayso. Maalin kasta ma dareemi doontid dhiirrigelin, mana heli doontid xaalad kugu habboon waxbarashada ama cibaadada. Laakiin qofka horumara waa kan aan go’aankiisa ku xirin dareenkiisa oo keliya. Alle wuxuu Qur’aanka ku yiri: وَالَّذِينَ جَاهَدُوا فِينَا لَنَهْدِيَنَّهُمْ سُبُلَنَا Macnaha: “Kuwa ku dadaala jidkayaga, waxaan hubaal ku hanuunin doonnaa jidadkayaga.” (Suuradda Al-Cankabuut: 69) Naftaada la dagaallankeeda waxaa ka mid ah inaad ka fogaato dembiyada, ilaaliso cibaadadaada, barato cilmi faa’iido leh, xakamayso caradaada, kana shaqayso hagaajinta akhlaaqdaada. Ma aha inaad hal maalin wax walba beddesho, balse waa inaad maalin kasta tallaabo qaaddo. Haddii aad rabto inaad Qur’aanka la saaxiibto, ku bilow akhris yar oo joogto ah. Haddii aad rabto inaad waxbarashada ku fiicnaato, maalin kasta waqti u qoondee. Haddii aad rabto inaad caajiska ka adkaato, samee hawshaada xitaa marka ay kugu adag tahay. Waxyaabaha yaryar ee aad joogtayso ayaa muddo ka dib kuu horseedi kara isbeddel weyn. Xusuusnow, guushu ma aha inaadan waligaa dhicin. Guushu waa inaad mar kasta isku daydo inaad kacdo, khaladkaaga wax ka barato, Alle u noqoto, dabadeedna jidkaaga sii waddo. Naftaada maanta hagaaji, berri naftaada ka wanaagsan ayaad noqon kartaa. 💪📖
Открыть в Telegram╔═══❀🌹❀═══╗ 🌹 Ha ku hammin inaad ka fiicnaato dadka kale 🌹 ✨ Ku hammi inaad ka fiicnaato naftaadii hore ✨ 🌿 Maskaxdu way yaraataa marka ay ku mashquusho dadka kale, 🤍 waxayna weynaataa marka ay ku mashquusho nafteeda.. ╚═══❀🌹❀═══╝
Открыть в Telegram1. 💔 Culays baa kugu soo kordhay oo xal ma u la'dahay? 2. 👉🏼 Salliga Nabiga ﷺ badi. 2. 🤲🏼 Ducooyinkaagii ma la aqbali waayay? Maxaad samayn kartaa? 👉🏼 Salliga Nabiga ﷺ badi. 3. 🌿 Dambi-dhaaf aad Ilaahay waydiisanayso sidee kuugu fududaan karaa? 👉🏼 Salliga Nabiga ﷺ badi. 4. 🗣️ Kalmadda ugu khayrka badan ee aad dhihi karto maxay tahay? 👉🏼 Salliga Nabiga ﷺ badi. 5. 🌧️ Murugo iyo walaac baa kugu xeeran? Maxaad samayn kartaa? 👉🏼 Salliga Nabiga ﷺ badi. 6. 🪙 arsaaq la'aan baa ku haysata oo xaaladdii baa kugu adkaatay? 👉🏼 Salliga Nabiga ﷺ badi. 7. 💼 Shaqo-la’aan baad tahay, xaaladduna way kugu adkaatay? 👉🏼 Salliga Nabiga ﷺ badi. 8. ✨ Sidee ku heli kartaa waxa aad rabto si fudud? 👉🏼 Salliga Nabiga ﷺ badi. 9. ❓ Maxay tahay sababta Salliga Nabiga ﷺ loogu dadaalo? 10. 👉🏼 Waayo, Salliga Nabiga ﷺ waa cibaado fadli badan, Nabiguna ﷺ wuxuu inoo sheegay fadliga weyn ee uu leeyahay iyo inuu sabab u noqon karo in qofka laga dulqaado welwelkiisa, dambigiisana loo dhaafo. 🤍 Ha sugin “maalin kale” si aad Salliga Nabiga ﷺ ugu dadaasho… maanta bilow. 🕊️ 🌿 Waxaa laga yaabaa in salliga yar ee aad maanta fududaysatay uu noqdo sababta uu Ilaahay berri dhibkaaga kuugu fududeeyo, khayrkna kuugu furo. 🤲🏼✨
Открыть в TelegramСвязи
Похожие каналы
Manhajonline@manhajonlineРелигия2,85 тыс.
التراث المسجل لعلماء الصومال@turaasculimoРелигия130 тыс.
مركز إشراق - Ishraq@ishraqcenterРелигия146 тыс.
Правблог@pravblog1Религия8,71 тыс.
Egziabher Meslene እግዚአብሔር ምስሌነ@emisleneРелигия8,71 тыс.
النَسيلْ • ✿@mariamaihРелигия8,69 тыс.
کانال رسمی "حاج علیرضا اسفندیاری"@ya_robab_alhoseeinРелигия8,72 тыс.
عبدالرحمن المُشِدّ (للدراسات القرآنية)@abdulrahman_almoshedРелигия8,72 тыс.