Кабинет

Посты канала Xikmado Soomaali ™

сначала новые

#8220Текст

1. Tasbiixda iyo xuska Allah سُبْحَانَ اللَّهِ وَبِحَمْدِهِ 2. Istighfaarta أَسْتَغْفِرُ اللَّهَ الَّذِي لَا إِلَهَ إِلَّا هُوَ الْحَيُّ الْقَيُّومُ وَأَتُوبُ إِلَيْهِ 3. Dikriga Tawxiidka لَا إِلَهَ إِلَّا اللَّهُ وَحْدَهُ لَا شَرِيكَ لَهُ، وَاللَّهُ أَكْبَرُ، وَلَا حَوْلَ وَلَا قُوَّةَ إِلَّا بِاللَّهِ. 4. Xuska Allah marka cuntada la dhammeeyo الْحَمْدُ لِلَّهِ الَّذِي أَطْعَمَنِي هَذَا وَرَزَقَنِيهِ مِنْ غَيْرِ حَوْلٍ مِنِّي وَلَا قُوَّةٍ 5. Xuska Allah marka dharka la xidhanayo الْحَمْدُ لِلَّهِ الَّذِي كَسَانِي هَذَا وَرَزَقَنِيهِ مِنْ غَيْرِ حَوْلٍ مِنِّي وَلَا قُوَّةٍ 6. Xuska Allah marka Aadaanka la dhammeeyo أَشْهَدُ أَنْ لَا إِلَهَ إِلَّا اللَّهُ وَحْدَهُ لَا شَرِيكَ لَهُ، وَأَنَّ مُحَمَّدًا عَبْدُهُ وَرَسُولُهُ، رَضِيتُ بِاللَّهِ رَبًّا، وَبِالْإِسْلَامِ دِينًا، وَبِمُحَمَّدٍ رَسُولًا. 7. Ducada Majliska (Dhammaadka Fadhiga) سُبْحَانَكَ اللَّهُمَّ وَبِحَمْدِكَ، أَشْهَدُ أَنْ لَا إِلَهَ إِلَّا أَنْتَ، أَسْتَغْفِرُكَ وَأَتُوبُ إِلَيْكَ. 8. Xuska Allah marka waysada la dhammeeyo أَشْهَدُ أَنْ لَا إِلَهَ إِلَّا اللَّهُ وَحْدَهُ لَا شَرِيكَ لَهُ، وَأَشْهَدُ أَنَّ مُحَمَّدًا عَبْدُهُ وَرَسُولُهُ. 9. Xuska Allah ka hor hurdada لَا إِلَهَ إِلَّا اللَّهُ وَحْدَهُ لَا شَرِيكَ لَهُ، لَهُ الْمُلْكُ وَلَهُ الْحَمْدُ وَهُوَ عَلَى كُلِّ شَيْءٍ قَدِيرٌ، وَلَا حَوْلَ وَلَا قُوَّةَ إِلَّا بِاللَّهِ الْعَلِيِّ الْعَظِيمِ، سُبْحَانَ اللَّهِ، وَالْحَمْدُ لِلَّهِ، وَلَا إِلَهَ إِلَّا اللَّهُ، وَاللَّهُ أَكْبَرُ. 10. Xuska Allah marka habeenkii hurdada laga soo tooso لَا إِلَهَ إِلَّا اللَّهُ وَحْدَهُ لَا شَرِيكَ لَهُ، لَهُ الْمُلْكُ وَلَهُ الْحَمْدُ، وَهُوَ عَلَى كُلِّ شَيْءٍ قَدِيرٌ، الْحَمْدُ لِلَّهِ، وَسُبْحَانَ اللَّهِ، وَلَا إِلَهَ إِلَّا اللَّهُ، وَاللَّهُ أَكْبَرُ، وَلَا حَوْلَ وَلَا قُوَّةَ إِلَّا بِاللَّهِ. اللَّهُمَّ اغْفِرْ لِي

Открыть в Telegram
Просмотры338−39%к среднему
Пересылки—
Реакции8
Комментарии—
#8219Текст

"Mid ka mid ah Wiilasheyda oo hada Xaasle 4 Caruur ah dhalay ah ayaa Qadar anagoo joogna xanuunsaday oo Caloosha laga qabtay, ilaa uu sariir la koray oo Oxygen lagu xiray koomana uu la galay, Dowladda Qadar ayaa igu tiri Wiilka waxaan u diraynaa Dhakhtar Arimaha Caloosha takhasus ku eh oo England jooga, wixi qarash ahna anagaa qabna" "Marki Safarkii 4 Maalin ka harsan tahay ayaa waxaa la ogaaday in dhakharkii fasax galay, waxaana nalagu wargalshay in Safarkii uu dib u dhacay, Wiilka dhakhtarka lagama saari karo Oxygen tu joogto ayeey ugu xiran tahay walaacu waa intii la doono, anagoo Isbitaalka ku yaal Qadar ee Wiilka aan ku haynay joogna ayaa dhakhtar Bakistaani ah igu yiri inta gaar iila baxay Wiilkaan Isbitaalka ka saaro oo Qur'aan saar wax kale uma baahna, Hana isheegin hadii kale shaqada ayaa layga burinayaa ayuu igu yiri" "Markiba go'aankiisa ayaan qaatay waxaana dhaqaatiirti ku iri Wiilkeyga waa la baxayaa, waa layga diiday waxaana laygu yiri ma dhici karto Ninkaan xaaladiisa ma sahlana, waa ku madax adeegay oo waxaan ku iri sow anigu Aabbihii maahi ilaa marki dambe laygu yiri Saxiix wixii ka yimaada inaad adiga Masuul ka tahay, waan saxiixay Wiilkeygi ayaan soo kaxaystay Guriga ayaan keenay" "Ardaydii iyo macalimiintii ayaan isugu yeeray waxaana ku heshiinay in aan 7 Maalin oo isku xigta Maalin Walba qur'aanka ku dhameeno dushiisa oo aan qaybsanno, Maalinki koobaad aan bilownay ilaa Maalinki Sadaxaad Ninki Faleembada ay Cunada u ahayd wuxuu bilaabay in uu wax liqo, miirkiisu usoo laabto, Maalinki Lixaad markaan mareenay wuxuu bilaabay inuu soo fariisto socod bilaabo aadna u caafimaado, kadibna uuba na weydiiyo aaway Xaaskeygi oo markaas Xaasle ayuu ahaa" "Alle mahadii Wiilki oo noo fiicnaaday ayaan isbitaalki ku celinay dhakhaatiirti hawshiisi gacanta ku heesay waaba yaabeen war Ninkan sow maaha kii Gaari in la saaro mooyee aan kici karin, maxaad ku sameyseen, waxaan u sheegnay un in aan qur'aan ku akhrinay allena inoo caafiyey. "Dad ayaa igula talshay in Fursaddi Dowladda Qadar nasiisay aan uga faa'iideysto in aan dacwada ku fidiyo oo Aan bulshada la kulmo Halka wiilkeyguna uu uga faa'iideyto baaris guud oo uu maro, kadibna Wiilki loo qorsheeyey awal 6 Kursi oo isku xigta in Diyaarada looga qabto si sariir looga dhigo iyo anigi oo soconayna ayaa alle fadligii Diyaaradi fuulnay oo England u amba baxnay" "Markaa Isbitaalki tagnay ileen magaca iyo xaalka Wiilka Dhakhtarka waa loo gudbiyee waxaan irida uga galinay Wiilki oo soconaya, kadibna wuxuu yiri war Ninki xanuunsanaa oo dowladda Qadar iisoo gudbisay Nin sariir saaaran ayuu ahaaye waa maxay ninkan soconaya ma mid kale ayaad kusoo bedesheen ayuu na weydiiyey kadibna waxaan ugu jawaabay in uu isagii yahay, maxaa ku sameyseen ayuu na weydiiyey kadibna waxaan u sheegnay in aan Qur'aan uu Nabi Maxamed SCW Alle kusoo dajiyey ku akhrinay sidaasna uu ku caafimaaday" "Dhakhtarki wuxuu yiri anigu layaab ayeey ila tahay waxa aad sheegeysaan xaalada la iiga soo gudbiyey Ninkan iyo sida uu hada yahay waa kaaf iyo kala dheeri, balse baaris 2 bil qaadaneysa ayaan ku sameynayaa Ninkan ayuu yiri Maadaama Qadar ay Lacagta ka shubtay, labadaas bil uu wiilkeygu baarista ku jiray aniguna Masjidka ayaan kulamo Diimeed ku qabanayey oon Soomaalida muxaadaro ugu qabanayey" "2 Bil kadib waxay soo saareen jawaab ah in Wiilkeygu caafimaad qabo, taasoo cadeeneysa inaan helnay Dawadii Alle oo ah mid tooda ka qiima badan kana fiican, hadaba yaqiin la imaada oo Qur'aanka cidi idinka xanuunsan saara, Alle ayaaba Qur'aankiisa noogu sheegay in uu Dawo yahay Qur'aanku in aan isku akhrinana ay faa'iido weyn noogu jirto" Sheikh Cabdirashiid Sheikh Cali Suufi. ✍️ Daadir Ali Gurey

Открыть в Telegram
Просмотры458−17%к среднему
Пересылки—
Реакции7
Комментарии—
#8218Фото
Просмотры609+11%к среднему
Пересылки—
Реакции—
Комментарии—
#8217Текст

1. Upgrade Your Knowledge | Maalgasho Aqoontaada Mudnaanta sii helitaanka aqoon dheeraad ah, Dakhligaaga qayb kamid ah u qoontee sare u qaadista aqoontaada. Cilmiga inta aad taqaan kuguma filna Diini iyo Maadiba. Heerkaaga waxbarasho kor usii qaad, Hadii uu heerkaagu ku egyahay Dugsi sare biloow jamaacad, hadii heerkaagu ku egyahay Degree-ga 1-aad biloow master, iibso buugaag iyo kugubo cilmi, Xaadir Xalaqaad ka masjidka, ka qaybgal programs-ka aad cilmiga ka siyaasan karto sida tababbarrada iyo barnaamijyada kale ee waxbarashadaada iyo fahmkaaga kobcinaya . 2. Upgrade Your Skills | Horumari Xirfadahaaga Ku dadaal barashada iyo kobcinta xirfadaha waxtarka u leh shaqadaada iyo noloshaada xirfadeed. Sara uqaadida Xirfadaha la xiriira baahida aad qabto waxay kordhiyaan muhiimada aad dadka iyo environment-ga kugu xeeran u leedahay waxayna kuu abuuri karaan fursado shaqo, dallacsiin iyo dakhli dheeraad ah. Xirfadaha dheeraadka ah ee aad hesho waa investment aad ku samaysay naftaada, kuma qasaari doontid, waxay kuu sahli doonaan fursado cusub oo aad ku abuuri karto dakhli dheeraad ah. 3. Upgrade Your Financial Habits | Dhis Hab-maamul Maaliyadeed Dhaqaalaha uu Eebe kusoo galiyo mid yar iyo mid badanba, kharashaadka kaa baxa iyo aad hantida aad heysato dhamaan waxay u baahanyihiin aqoon la xiriirta sidaad u maamuli lahayd sidaas darteed waa lagama maarmaan inaad barato sida loo Maareeyo dakhligaaga iyo kharashaadka kaa baxa, waxaa Muhiim ah inaad barato sida loo sameeyo miisaaniyad dhaqaale, sida loo sameeyo kayd joogto ah iyo sida loo maalgashado kaydkaaga si masuuliyad leh. 4. Upgrade Your Health | Caafimaadkaaga mubiimad sii. Caafimaadku waa tiirka ugu muhiimsan noloshaada, waxa uu ka horeeya shaqadaada iyo wax-soo-saarka. Qayb ka mid ah dhaqaalahaaga u qoondee daryeelka caafimaadkaaga jireed iyo midkaaga maskaxeed. Cun cunto nafaqo leh oo xalaal ah, samee jimicsi joogto ah, seexo hurdo kugu filan, qaado iyo nasasho ayaduna kugu filan. Xasuusnoow waxaad shaqayn kartaa, wax tacbi kartaa islamarkaana ay dadkuna ku danaynayaan inta aad caafimaad qabto. Waxaan kuu soo Jeedinaya inaad daryeelkaaga muhiimad weyn siiso. 5. Upgrade Your Investments | Kordhi Kaydkaaga iyo Maalgashigaaga Marka dakhli kug filan kusoo galo ku dadaal inaad kaydsato kadibna aad maalgashato. Raadi fursado maalgashi oo macquul ah, khatartoodu yartahay, aad ka baarandagtay islamrkaana aysan maalkaagu ku dhumayn taas badalkeeda faa’ido dhaqaale iyo dakhli cusub kuu horseedi kara. CONCLUSION: Dakhligaaga hakuu noqdo aalad aad ku dhisto nolol wanaagsan iyo mustaqbal dhaqaale oo xasilloon. War iyo dhamaan u adeegso lacagta kusoo gasha dhisidda aqoon, xirfado, caafimaad iyo hanti waarta.

Открыть в Telegram
Просмотры680+23%к среднему
Пересылки—
Реакции1
Комментарии—
#8212Текст

Naftaada La Jihaad Nolosha qofka waxaa ku jira halgan joogto ah oo u dhexeeya waxa uu doonayo inuu noqdo iyo waxa naftiisu u janjeerto. Mararka qaar waxaad rabtaa inaad salaadda ilaaliso, Qur’aanka akhrido, cilmi barato, waqtigaaga ka faa’iidaysato, mustaqbal wanaagsan dhisato, laakiin waxaad la kulmaysaa caajis, dib-u-dhigis iyo rabitaanno kaa leexinaya jidkaas. Halkaas ayay ka bilaabataa naftaada la jihaadkeedu. Waa inaad naftaada ku tababarto samaynta waxyaabaha wanaagsan, xitaa marka aadan dareemayn rabitaan aad ku samayso. Maalin kasta ma dareemi doontid dhiirrigelin, mana heli doontid xaalad kugu habboon waxbarashada ama cibaadada. Laakiin qofka horumara waa kan aan go’aankiisa ku xirin dareenkiisa oo keliya. Alle wuxuu Qur’aanka ku yiri: وَالَّذِينَ جَاهَدُوا فِينَا لَنَهْدِيَنَّهُمْ سُبُلَنَا Macnaha: “Kuwa ku dadaala jidkayaga, waxaan hubaal ku hanuunin doonnaa jidadkayaga.” (Suuradda Al-Cankabuut: 69) Naftaada la dagaallankeeda waxaa ka mid ah inaad ka fogaato dembiyada, ilaaliso cibaadadaada, barato cilmi faa’iido leh, xakamayso caradaada, kana shaqayso hagaajinta akhlaaqdaada. Ma aha inaad hal maalin wax walba beddesho, balse waa inaad maalin kasta tallaabo qaaddo. Haddii aad rabto inaad Qur’aanka la saaxiibto, ku bilow akhris yar oo joogto ah. Haddii aad rabto inaad waxbarashada ku fiicnaato, maalin kasta waqti u qoondee. Haddii aad rabto inaad caajiska ka adkaato, samee hawshaada xitaa marka ay kugu adag tahay. Waxyaabaha yaryar ee aad joogtayso ayaa muddo ka dib kuu horseedi kara isbeddel weyn. Xusuusnow, guushu ma aha inaadan waligaa dhicin. Guushu waa inaad mar kasta isku daydo inaad kacdo, khaladkaaga wax ka barato, Alle u noqoto, dabadeedna jidkaaga sii waddo. Naftaada maanta hagaaji, berri naftaada ka wanaagsan ayaad noqon kartaa. 💪📖

Открыть в Telegram
Просмотры1 470+167%к среднему
Пересылки—
Реакции20
Комментарии—
#8210Текст
Просмотры1 750+218%к среднему
Пересылки—
Реакции11
Комментарии—
#8208Фото
Просмотры1 710+210%к среднему
Пересылки—
Реакции20
Комментарии—
#8207Текст

Dhacdo dhawaan i qabsatay ayaa ii bidhaamisey fikrad cusub. Maalin dhaweed ayaan ka guurayay guri oo u guurayay meel kale. Waxaa jirtay alaab badan oo u baahnayd in la qaado, laga soo dejiyo jaranjarooyin, laguna qaado gaari van ah si loo geeyo guriga cusub kadibna loo xirxiro, Wax walba waa diyaarsadey gaarigii Van-ka ahaana waa soo ijaartey , Maadaama ay alaabtu cuslayd, wiilal Soomaali ah ayaa iisoo bandhigay in ay iga caawiyaan maalintaas, iyagoo iga codsadey in aan ugu beego maalin aysan shaqaynayn. Dhowrkii sano ee u dambeeyay, completely wax caawimaad ah kama aan aqbalin mana aan weydiisan nin Soomaali ah xataa haddii ay dhacdo, waxaan doorbidaa in aan helo gabar iga caawisa hawsha. Waxaa maskaxdayda ku soo dhacay codadk leh "Maxaad nin Soomaali ah uga baahantahay? Xooga uu leeyahay ayaa leedahay umana baahnid aslan. Waxaan wacdey gabar saaxiibtey oo Maryan la dhaho, "is diyaari" baa iri. Gaarigii van-ka ahaa ayaan soo dhiganey guriga, alaabtiina ayaa halkaas ka bilaabney in aan qaadno. Cabaar kadib misigta ayaa xanuun igaga bilowdey waa is dhaafsiiyey "naag adag baa ahay". Anaga oo kala wadna oo meel dhexe culaysku ugu badnaa noo marayo ayaa hal mar alaabtii iga fakatay. Halkaas waxaa iga soo gaaray jug culus, taas oo hadda igu kaliftey in aan u baahdo baaritaanno caafimaad, dawooyin, iyo toddobaadyo badan oo nasasho ah iyo in aan birro ku socdo mudada soo socota ilaa xaaladeyda la xalinayo. Haddii aan aqbali lahaa gacan-qabashada wiilashaas, ama aan fahmi lahaa in nolosha aysan ahayn tartan shaqsiyadeed u dhexeeya rag iyo dumar markasta, malaha dhibaatadaasi iguma dhacdeen

Открыть в Telegram
Просмотры3 780+586%к среднему
Пересылки—
Реакции11
Комментарии—
#8205Фото
Просмотры6 370×12к среднему
Пересылки—
Реакции43
Комментарии—
#8204Текст
Просмотры5 310+864%к среднему
Пересылки—
Реакции9
Комментарии—
#8203Фото
Просмотры4 970+802%к среднему
Пересылки—
Реакции18
Комментарии—
#8202Текст

Maalinta Carafo waa mid ka mid ah maalmaha ugu fadliga iyo khayrka badan dhammaan maalmaha sannadka. Waa maalinta ay malaayiin xujaaj ahi taagan yihiin bannaanka Carafo iyagoo Alle baryaya, waana tiirka ugu weyn ee dhabarka u haya acmaasha Xajka. Halkan waxaan kuugu soo koobayaa qaar ka mid ah fadliga waaweyn ee ay leedahay Maalinta Carafo: 1. Dambi Dhaaf Wayn (Dhaafista Laba Sanno oo Dambi Ah) . Dadka aan xajka joogin, waxa aad loogu boorriyey inay soomaan maalintan. Nabiga (Naxariis iyo Nabadgelyo korkiisa ha ahaatee) waxaa la weydiiyey soonka maalinta Carafo, wuxuuna yiri: "Wuxuu asturaa (dhaafayaa) dambiyadii sannadkii la soo dhaafay iyo sannadka ka dambeeya." (Waxa wariyey Muslim). 2. Maalinta la Sii Daayo Inta ugu Badan ee Naarta oo kale . Maalintan waa maalin Alle uu addoomadiisa uga xoreeyo naarta si ka badan maalmaha kale oo dhan. Nabiga (NNKH) wuxuu yiri: "Ma jidho maalin Alle uu adoomada ka xoreeyo naarta ka badan maalinta Carafo."* (Waxa wariyey Muslim). 3. Maalinta Diinta la Dhammaystiray . Maalintan waa tii uu Alle soo dejiyey aayaddii sheegaysay in diinta Islaamka la dhammaystiray, taas oo ah nimco weyn oo loo dhiibay ummaddan. Alle wuxuu yiri: "Maanta waxaan idiin dhammaystiray diintiina, waxaanan idiin taam yeelay nicmadayda..." (Suuradda Al-Maa'idah: 3). 4. Maalinta Ducooyinka la Aqbalo . Ducada ugu khayrka badan waa ducada la kiciyo maalinta Carafo, iyadoo la raacayo hadalkii Nabiga (NNKH): "Ducada ugu khayrka badan waa ducada maalinta Carafo, waxa ugu khayrka badan ee aan niri aniga iyo nebiyadii iga horreeyeyna waa: لا إله إلا الله وحده لا شريك له، له الملك وله الحمد، وهو على كل شيء قدير (Laa ilaaha illallaahu wahdahu laa shariika lah, lahul mulku wa lahul hamdu, wa huwa calaa kulli shay'in qadiir). 5. Alle oo ku Faana Addoomadiisa . Maalintan, Alle (Subhaanahu wa Tacaalaa) wuxuu u soo degaa samada adduunka si ku habboon weynidadiisa, wuxuuna malaa'igta horteeda ku faanayaa addoomadiisa taagan Carafo ee u yimid isaga dartiis, isagoo leh: "Maxay doonayaan kuwan?" Maxaa La Gudboon Qofka Muslimka Ah Maalintan? ● Soonka: Inaad soonto haddii aadan xajka joogin. ● Ducada iyo weydiisashada dambi dhaafka: Inaad waqti badan u weeciso baryada Alle. ● Axdiga iyo Tasbiixda:*Inaad badiso agagaarka iyo xusidda Alle, gaar ahaan "Laa ilaaha illallah", "Alxamdullilah", iyo "Allahu Akbar" . ● Ka fogaanshaha dambiyada: Inaad ilaaliso xubnahaaga (sida indhaha, dhegaha, iyo carrabka) si aad u hesho raxmadda Alle. @Cadceed38

Открыть в Telegram
Просмотры4 050+635%к среднему
Пересылки—
Реакции17
Комментарии—
#8201Видео
Просмотры2 750+399%к среднему
Пересылки—
Реакции3
Комментарии—
#8199Текст

Taariikhda dheer ee kooxda Arsenal iyo safarkooda adag ee ku aaddan ku guuleysiga horyaalka Premier League wuxuu xambaarsan yahay casharro waaweyn oo nolosha iyo ganacsiga labadaba lagu dabaqi karo. Arsenal ma aha oo kaliya naadi kubadda cagta ah, laakiin waa astaan muujisa samirka, dhismaha mustaqbalka, iyo adkeysiga. Halkan waxaa ku yaal casharrada ugu waaweyn ee laga baran karo taariikhdooda: 1. Samirka iyo Muhiimadda "Aragtida Fog" (Long-term Vision) Waqtigii Arsène Wenger, iyo xitaa hadda oo uu joogo Mikel Arteta, Arsenal waxay caan ku tahay inay aaminto qorshe fog halkii ay ka raadin lahayd guul degdeg ah oo ku meel gaar ah. Casharka laga baranayo: Guulaha waaweyn ee waara ma dhashaan hal habeen. Waxay u baahan yihiin dulqaad, dhabar-adayg, iyo inaan lagu fashilmin dhibaatooyinka yar-yar ee jidka ka hor yimaada. 2. Maalgashiga Dhalinyarada iyo Akadeemiyada Arsenal taariikhdeeda waxaa saldhig u ah soo saarista iyo aaminidda ciyaartoyda da'da yar (sida Cesc Fàbregas, Bukayo Saka, iyo kuwo kale). Halkii ay lacag waali ah ku bixin lahaayeen xiddigo diyaarsan, waxay inta badan doortaan inay dhistaan hibooyinka cusub. Casharka laga baranayo:Inaad dhisto dadkaaga oo aad maalgashato jiilka cusub waxay aasaas u tahay guul waarta oo mustaqbal fog leh. 3. Ku adkaysiga Identity-ga (Hadafka iyo Hab-ciyaareedka) Xitaa xilliyadii ay dhibaatooyinka ugu xumaa ku jireen, Arsenal waligeed kama tanaasulin hab-ciyaareedkeeda quruxda badan ee ku salaysan baasaska gaagaaban iyo kubadda weerarka ah. Waxay aaminsan yihiin in *sida* loo guuleysto ay la mid tahay *muhiimadda* guusha lafteeda. Casharka laga baranayo: Waligaa ha lumin qiyamkaaga iyo aqoonsigaaga (identity) sababo la xiriira culaysyo ku-meel-gaar ah. 4. Ka Soo Kabashada Guuldarada (Resilience) Laga soo bilaabo waayihii adkaa ee ka dambeeyay dhismihii garoonka Emirates, ilaa sanadihii ay ku jireen kaalmaha 5-aad iyo 6-aad, Arsenal waxay muujisay adkeysi. Inay marnaba ka harin tartanka oo ay hadda mar kale u tartamayaan koobka ugu sarreeya waxay muujinaysaa in guuldarradu aysan ahayn dhamaadka wadada. Casharka laga baranayo: Fashilku waa qayb ka mid ah habka guusha. Muhiimadu ma aha inta jeer ee aad dhacdo, se waa inta jeer ee aad dib u istaagto adigoo ka xoog badan hore. 5. Hogganka iyo Kalsoonida (Leadership & Trust) Markii Mikel Arteta loo magacaabay tababaraha, dad badan ayaa ka shakiyay khibradiisa, kooxduna waxay soo martay xilli adag. Laakiin maamulka iyo taageerayaasha waxay doorteen inay "Aaminaan Habka" (Trust the Process). Kalsoonidaas waxay keentay in kooxdu dib ugu soo laabato fagaaraha sare ee kubadda cagta. Casharka laga baranayo: Hoggaanku wuxuu u baahan yahay kalsooni iyo wakhti. Haddii aad haysato qorshe cad iyo qofkii fulin lahaa, sii fursad ay ku shaqeeyaan. Guntie iyo Gabagabo: Taariikhda Arsenal waxay na baraysaa in horyaalka iyo guusha dhabta ah aysan ahayn kaliya kuwa ugu lacagta badan, laakiin ay tahay abaalmarin la siiyo kuwa garanaya halka ay u socdaan, u dhabar-adayga dhibaatooyinka, kuna kalsoon wadada ay u mareyso guusha. @cadceed38

Открыть в Telegram
Просмотры3 130+468%к среднему
Пересылки—
Реакции4
Комментарии—
#8198Текст

Qofkasta wuxuu leeyahay, 1- Public life, 2-Private life, 3-Secret life, ✅PUBLIC LIFE:-waa dhaqan Iyo dabeecad aad bulshada la wadaagto ama ay kugu taqaano, sida deriskaaga, Saaxiibada aad isku jaamacadda tihiin, kuwa aad meel ka wada shaqeysaan,Costumers kaaga, dadka kugu xeeran ama aad sheeko wadaaga tihiin, Etc, ✅PRIVATE LIFE:-Waa arimo iyo qorshayaal ku kooban dadka aad ku kalsoon tahay sida:- Xaaskaaga,Waalidkaa, walaalahaa iyo Saaxiibadaada gaarka ah, oo aadan ogoleyn iney idinka idin dhaafto, ama ay dadkale ogaadaan. ✅SECRET LIFE:-Waa Siro Adiga iyo naftaada oo keliya ku kooban, oo aysan cid kale kula ogeyn sida, Xaaskaaga,Caruurtaada,, Waalidkaa, Walaalahaa iyo Saaxiibadaada gaarka ah, waxaasi waxey noqon karaan, shaqo leexsan oo aad qabato, balwad kuu gaar ah, keydkaaga dhaqaale, waxyaabo aad aragtay oo hadii aad soo bandhigto mushkilad kale dhalinaya, Siro dowladeed ama Hey’addeed,& waxkasta oo aad naftaada oo keliya ku qarsatid,Etc. Dabcan, dadka oo dhan waa leeyihiin Secret Life, ha u badnaato ama ha u yaraatee, balse Adiga dadku waxey kugu xukminayaan Public Life-kaaga wixii ay ka yaqaanaan ama ay ka arkeen,sidaas daraadeed qofna si dhameystiran uma macneyn karo qofkale, xitaa hadii uu la nool yahay sanooyin badan, ogoow marwalba waxaa jira wax kaa qarsoon oo qofkaas u gaar ah. Balse, Maryooleey sida ka muuqata inbadan oo ka mid ah wax u kala soocan malaha, halmar bey wixiiba ooda ka soo wada qaadayaan, fadlan Private life ka & Secret Life kiina Social Media ha keeninina, ee guryihiina iyo laabtiina ku heysta, oo noqda dad wax u kala hara leh, noloshuna u kala qeybsan tahay.

Открыть в Telegram
Просмотры2 190+298%к среднему
Пересылки—
Реакции4
Комментарии—