Account

Posts of NUXUR SIDA️

newest first

#2505Photo
Views187−54%vs avg
Forwards—
Reactions3
Comments—
#2503Text

KAALAY... Kaalay aan noqono sidii laba ilmood kuwaas oo aan ka fekerayn wax dhaafsan daqiiqadaas ay joogaan. Aynu ruuxaheena jaceyl ka buuxino,naxariis ku darno oo kalgacal ku dabbaalannee. Inoo saar magaalada dibaddeeda galabkii kolka samadu rooban tahay dhulkuna degan yahay. Ina mari magaalo aynu labadeenuba ku cusub nahay kadib aynu si wada jir ah u lugayno badhtamaha suuqa inaga oo gacmaha is haysanee.   Kol aan iibsanno cuntooyinka wadada aynu qaadano laba sharaab oo qabow kadibna aynu kaxaysanno gaadhi yar oo mark two )qadiim) ah. Inagee xeebta dacalkeeda aynu sida dhallaanka biyaha ugu ciyaarno oo mar isku saydhino marna dhex orodnee. Kolka gabalku dhaco fiidkii gaadhiga dhexdiisa ina gali aan dhagaysano guuxa biyaha oo daawanno hirarka mawjadaha isrogayee. Aynu sugno inta uu kasoo baxayo dayaxa 16aad ama 18aad kadibna aynu u wada daawano sida filin action ah oo xallad badan inagoo aan nuuxsaneyn oo aamusan quruxda uu eebbe ku galadayna la ashqaraarno. Marka aynu soo laabanno inaga oo daallana aynu tagno hudheel yar oo saxmad badan,kadibna aynu u cashayno si degan. Maaha sida Soomalida oo boob wax ku cuna laakiin aynu ku raaxaysano illaa ay baxaan dhamaan dadkii aynu meesha ugu nimid. Aan seexano albeerko yar oo dhismaheedu qadiimi yahay  Hareerahana dhir waaweyni ka xigto si aan u maqalo shanqartooda marka ay dabayshu ruxaysee. Ina mari aan wada safarro,Safar dheer oo saacado badan qaata inaga oo raacayna gaadiidka dadwaynaha. Aan erfoonada kala qaybsanno oo si wada jir ah u dhagaysanno BK heestiisa "Calafkoo iskeen badoo". Ama Hoddan Cabdiraxmaan heesaheeda aan kala dhicin, Ama aan dhagaysanno Mustafe Kante iyo Rooda kayf marka uu dhahayo: "Fallaynta naftaada oodhan markaan falanqayn sameeyey waxan fahankii ku daystay alla kugu faro yareystay" iyadana ay dhahayso: "Fariid baad tahay cajiiba waxaad tahay ruux faciisa filkiisa kasoo dhalaalay dadkoo dhana loogu faano". Marka aynu kursiga gaadhiga ku daalana midiba midka kale garabkiisa barkin haka dhigto mayee adigu kaalay ku seexo garabkayga intii aad doontana ku led. ~Abdirisak Dhamaad..Augost 22-2026

Open in Telegram
Views540+33%vs avg
Forwards—
Reactions4
Comments—
#2501Text
Views1,020+150%vs avg
Forwards—
Reactions8
Comments—
#2499Text

"Kolka ay amuuruhu walaac ina galiyaan Waxaynu u soo baxnaa si aynu u ducaysano Inaga oo aan haynin hal kalmad oo aynu ku qeexno waxaan gudaha ka dareemayno. Ilahay wuu maqlaa culaysyada qalbiyada inaga saaran Waxa laga yaabaa inaynu daalno,dhaawacano,jaahwareero ama aynu gubanayno. Waxa macquul ah inaynaan dhab u garanayn waxaynu u baahanahay.ama aynu ka cabsi qabno inaynu dalbano wax khaldan. Waa macquul inaynu rabbi hor istaagno,oo dibnaheenu culays noqdaan,qalbiguna dareen buuxsamo, maskaxdeenuna qorshayn kari waydo ducada saxdaa ee aynu rabno. Waxaan rajeynaya inaad ogtahay: Ilahay ma sugaayo kalmadahaaga.wuxuu dhagaysanayaa qalbigaaga wuuna og yahay waxa aad gudaha ka dareemayso. Uma baahnid muujin dheeraad ah si laguu maqlo. Uma baahnid inaad haysid jawaab kasta si laguu aqbalo. Xataa uma baahnid inaad ogaato waxa saxda ah ee aad dalbanayso. Allah wuuba ogyahay baahidaada. Uu ogyahay wuxu kugu daweynaayo. waxa uu kuugu gargaarayo. Waxa xasilooni ku galin karaya iyo waxa kugu haboon ee kaaga wanaagsan xataa shay kasta oo aad dalbatay. Shaqadaada ma aha inaad soo gudbiso baryada ugu haboon;shaqadaadu waa si fudud inaad u soo laabatay isaga(allah)si daacad ah,isdhuldhig ay aaminaad ku lammaan tahay. Kolka aad kalmad kari waydo dheh; "Ooh allah waad ogtahay gudaha qalbigayga,waad ogtahay waxaan u baahanay,waanad ogtahay waxa ugu fiican ee ii wanaagsan. Sidaas darteed iigu deeq wax ii wanaagsan igana ilaali wixii aan ii wanaagsanayn".Intaasi way kugu filan tahay. Waa isdhiibid waana TAWAKAL. Baryadu maaha sidii inaad ilahay wax ku qancinaysid si uu kuu siiyo. Waa xasuusasho inuu rabbi ahaa midka jaceyl oodhan leh xikmad oodhan leh uguna deeqsi san.iskama indha tiro oohinta qalbiga kasoo go'day isaga dartiis. Ha joojin ducada xataa kolka ay dibnuhu awoodi waayaan,qalbigaaga ayaa hadlaya.xataa marka aanad garanayn wax aad ku hadasho waayo isagu wuu ogyahay alle wuu ogyahay. Ilahayow naga aqbal ducooyinkayaga xataa markay yar yihiin,buuqsan yihiin ama daciifnimo ka buuxdo noogu deeq wixii noo wanaagsan nagana ilaali wixii aan noo fiicnayn nagana yeel kuwo kugu xidhan. Allahuma ameen." Tarjumaad.

Open in Telegram
Views1,490+266%vs avg
Forwards—
Reactions4
Comments—
#2494Text
Views2,360+479%vs avg
Forwards—
Reactions17
Comments—
#2490Text
Views2,170+433%vs avg
Forwards—
Reactions4
Comments—
#2489Text

ASLI. 01 Ma xasuusataa goortii ugu horeysay ee aan kulanay Asliyey? Miyaan kuu sheegay se inay aheyd habeenkii koowaad ee aan booqdo xeebta. Inkasta oo aan waligayba deganaa magaalada hadana maalin mooyiye ma jeclayn xilliyada kale aadista badda. Waa tii aheyd habeenkii labaad ee ciidda fidriga. Anigoo caajis dareemaya jawiguna iga qasan yahay ayaan iskaga dhaqaaqay dhanka badda. Laakiin farxad iyo rayn-rayn aanan waligay dareemin baan kala soo laabtay. Dad badan oo ciiddaa ka badan baa meel walba taagna. Koox koox ayey uwada socdeen qaar kalena qoys-qoys kuwa ugu qurxoon waxay ahaayeen lamaanayaal dhalinyaro ah. Se markii aan adiga ku arkay ayey waxwaliba isbedeleen. Waxaad xidhnayd toob cad iyo shalmad madaw khafiifa. Way kuu fadhiday dhanka labiska run ahaantii. Joogaaga dheer,dhexdaada taakada ah iyo talaabadaada indhahaygii baad sixratay. Anigu abuur kula mid ah hore umaanan arag. "Waaw oo ileen waa kaligeed!"ayaan u idhi qaab aanan illaa hadda hubin in ay qaylo aheyd iyo inkale. Kolay adigu waad maqashay,misna indho ay cabsi ka muuqato baad igusoo eegtahay. laftaydu waan cabsanaayey oo hadalkaba dhawr jeer baan ku margaday. Horta eraygii u horeeyey ee aan ku idhi ma xasuusto. Waynu kala baqaynay,laakiin ugu danbeyntii, Haddii aanay dhoolacadayntaadu ii miciini laheyn qajilaadu igama ba'deen, haasaawuhuna muu bilaabmeen. Intaa kadib waynagii u wada sheekaysanay sidii labo waligood isyaqaanay. Ma xasuusataa markii uu dayaxu kasoo baxay dhanka badda Ee aad tidhi "Alla dayaxii meel fog buu kasoo bidhaamay"! Anna aan ku idhi "maya ee wuu dhawyahay". Dayax aan kaas i horfadhiya aheyni iima muuqan. Waa runtay oo kaliya adiga ayaa ii iftiimayey. W/Q Abdirisak. 25/3/2026.

Open in Telegram
Views1,950+379%vs avg
Forwards—
Reactions8
Comments—