Ha oranin noloshu dhadhan malaha adiga oo aan dhadhamin. Adiga oo aan goor fiid ah kaligaa intaad soo fadhiisatay goob jawi degan oo aad macruuf katahay kolka aad saas salka dhulka u dhigto koobkii bunka ahaa ee aad jeclaydna laguu soo dhigin. Kadib inta aad labada dhegood gashato heestii aad jeclayd ama waxkale oo ku farxad galiya aad suubiso. Ha oran dhadhan malaha Adiga oo aan habeen barkintaada tiirsimo udhigan kadibna aan fiirsanin oo saqdhexe ku gaadhin. Film aad u macaan oo xiiso leh. Sida: Angry men, Godfather ama About time. Ha oran dhadhan malaha. Adigoo aan shantaada wakhti jimca ku tukan,juz quraan ah akhriyin tasbiixda iyo wardigana intii aad karto aan sameyn. Ha oran dhadhan malaha . Adigoo aan kolka aad hawlahaagii maalinimo soo dhameysay. Fiidkii u iman asxaabtaada,kadibna aydaan isu raacin goob aad jeceshihin sida; magaalada banaankeeda, maqaaxi jawi degan ama wada sheekaysi iyo qaraaxo galin. Ha oran noloshu dhadhan malaha adiga oo aan dhadhamin.
Open in TelegramNUXUR SIDA️
Halkan waxaan kusoo gudbiyaa barnaamijyo wax ku ool ah Nuxur iigu imow ❤️
Average views per post by day
By publication day
Show as table
| Date | Avg views per post |
|---|---|
| Nov 12, 2026 | 578 |
| Nov 15, 2026 | 540 |
| Nov 22, 2026 | 325 |
| Nov 25, 2026 | 187 |
Most viewed this month
- Views578Forwards—Reactions3Comments—
- Views540Forwards—Reactions4Comments—
- Views325Forwards—Reactions4Comments—
- Views187Forwards—Reactions3Comments—
Latest posts
"Waan ka badbaaday masaskii oodhan. Balse waxa jirtay balanbaalis aan dhayalsaday. Midaas oo ugu danbayn sababtay geeridayda".
Open in TelegramKAALAY... Kaalay aan noqono sidii laba ilmood kuwaas oo aan ka fekerayn wax dhaafsan daqiiqadaas ay joogaan. Aynu ruuxaheena jaceyl ka buuxino,naxariis ku darno oo kalgacal ku dabbaalannee. Inoo saar magaalada dibaddeeda galabkii kolka samadu rooban tahay dhulkuna degan yahay. Ina mari magaalo aynu labadeenuba ku cusub nahay kadib aynu si wada jir ah u lugayno badhtamaha suuqa inaga oo gacmaha is haysanee. Kol aan iibsanno cuntooyinka wadada aynu qaadano laba sharaab oo qabow kadibna aynu kaxaysanno gaadhi yar oo mark two )qadiim) ah. Inagee xeebta dacalkeeda aynu sida dhallaanka biyaha ugu ciyaarno oo mar isku saydhino marna dhex orodnee. Kolka gabalku dhaco fiidkii gaadhiga dhexdiisa ina gali aan dhagaysano guuxa biyaha oo daawanno hirarka mawjadaha isrogayee. Aynu sugno inta uu kasoo baxayo dayaxa 16aad ama 18aad kadibna aynu u wada daawano sida filin action ah oo xallad badan inagoo aan nuuxsaneyn oo aamusan quruxda uu eebbe ku galadayna la ashqaraarno. Marka aynu soo laabanno inaga oo daallana aynu tagno hudheel yar oo saxmad badan,kadibna aynu u cashayno si degan. Maaha sida Soomalida oo boob wax ku cuna laakiin aynu ku raaxaysano illaa ay baxaan dhamaan dadkii aynu meesha ugu nimid. Aan seexano albeerko yar oo dhismaheedu qadiimi yahay Hareerahana dhir waaweyni ka xigto si aan u maqalo shanqartooda marka ay dabayshu ruxaysee. Ina mari aan wada safarro,Safar dheer oo saacado badan qaata inaga oo raacayna gaadiidka dadwaynaha. Aan erfoonada kala qaybsanno oo si wada jir ah u dhagaysanno BK heestiisa "Calafkoo iskeen badoo". Ama Hoddan Cabdiraxmaan heesaheeda aan kala dhicin, Ama aan dhagaysanno Mustafe Kante iyo Rooda kayf marka uu dhahayo: "Fallaynta naftaada oodhan markaan falanqayn sameeyey waxan fahankii ku daystay alla kugu faro yareystay" iyadana ay dhahayso: "Fariid baad tahay cajiiba waxaad tahay ruux faciisa filkiisa kasoo dhalaalay dadkoo dhana loogu faano". Marka aynu kursiga gaadhiga ku daalana midiba midka kale garabkiisa barkin haka dhigto mayee adigu kaalay ku seexo garabkayga intii aad doontana ku led. ~Abdirisak Dhamaad..Augost 22-2026
Open in TelegramTayada(quality)fekerkaaga iyo waxaad naftaada kula hadlayso ayaa noloshaada qaabeeya. Psychologist say; "Qofku waxa uu yahay uun fekerkiisa". Halka uu ubadan yahay fekerkaagu ayuu mustaqbal natiijadaada iyo meeshaad u socotaanan noqonaysaa.
Open in TelegramBal sawiro adigoo buug muhiim ah akhrinaya. Halka bog ee aad hal mar soo dhaaftana aanad dib ugusoo laabanayn. Intee in leeg oo taxaddar ah baad ubaahan tahay? Taas waxa ka dhigan nolosha. Daqiiqad kastaa waa bog cajiib ah. Mar labaad ma calaamadin kartid barina dib uma akhrin kartid. Jiraalku waa buug aan kusoo laabasho lahayn. Kaliya hadda ayuunbaad qori kartaa HADDII AAD TAAS OGAATO OO DAREENTO: Miyaanad indhaha ku hortaagan ka ilsugan lahayn? Miyaanad hug kasta si qoto dheer usamayn lahayn? Miyaanad taleefanka dhulka dhigi lahayn oo wada sheekaysiga ugu noolan lahayn sidii oo ay tahay markii ugu danbaysay? MAANTA XASUUSO MIDDAN: Bogga maantu dib uma soo laaban doono. Ku akhri ruux degan. Sababtoo ah taasi.. taasi waa nolosha.
Open in TelegramAdaa aragtida shabbaha Ubaxa ugu quruxda badan Adaa sida dayaxa nuura Adaa ashqaraar ku beera Indhihii eegmada ku fiirsha Adaa ugu mudan hablaha Dhamaan inta aynigaaga.
Open in Telegram"Kolka ay amuuruhu walaac ina galiyaan Waxaynu u soo baxnaa si aynu u ducaysano Inaga oo aan haynin hal kalmad oo aynu ku qeexno waxaan gudaha ka dareemayno. Ilahay wuu maqlaa culaysyada qalbiyada inaga saaran Waxa laga yaabaa inaynu daalno,dhaawacano,jaahwareero ama aynu gubanayno. Waxa macquul ah inaynaan dhab u garanayn waxaynu u baahanahay.ama aynu ka cabsi qabno inaynu dalbano wax khaldan. Waa macquul inaynu rabbi hor istaagno,oo dibnaheenu culays noqdaan,qalbiguna dareen buuxsamo, maskaxdeenuna qorshayn kari waydo ducada saxdaa ee aynu rabno. Waxaan rajeynaya inaad ogtahay: Ilahay ma sugaayo kalmadahaaga.wuxuu dhagaysanayaa qalbigaaga wuuna og yahay waxa aad gudaha ka dareemayso. Uma baahnid muujin dheeraad ah si laguu maqlo. Uma baahnid inaad haysid jawaab kasta si laguu aqbalo. Xataa uma baahnid inaad ogaato waxa saxda ah ee aad dalbanayso. Allah wuuba ogyahay baahidaada. Uu ogyahay wuxu kugu daweynaayo. waxa uu kuugu gargaarayo. Waxa xasilooni ku galin karaya iyo waxa kugu haboon ee kaaga wanaagsan xataa shay kasta oo aad dalbatay. Shaqadaada ma aha inaad soo gudbiso baryada ugu haboon;shaqadaadu waa si fudud inaad u soo laabatay isaga(allah)si daacad ah,isdhuldhig ay aaminaad ku lammaan tahay. Kolka aad kalmad kari waydo dheh; "Ooh allah waad ogtahay gudaha qalbigayga,waad ogtahay waxaan u baahanay,waanad ogtahay waxa ugu fiican ee ii wanaagsan. Sidaas darteed iigu deeq wax ii wanaagsan igana ilaali wixii aan ii wanaagsanayn".Intaasi way kugu filan tahay. Waa isdhiibid waana TAWAKAL. Baryadu maaha sidii inaad ilahay wax ku qancinaysid si uu kuu siiyo. Waa xasuusasho inuu rabbi ahaa midka jaceyl oodhan leh xikmad oodhan leh uguna deeqsi san.iskama indha tiro oohinta qalbiga kasoo go'day isaga dartiis. Ha joojin ducada xataa kolka ay dibnuhu awoodi waayaan,qalbigaaga ayaa hadlaya.xataa marka aanad garanayn wax aad ku hadasho waayo isagu wuu ogyahay alle wuu ogyahay. Ilahayow naga aqbal ducooyinkayaga xataa markay yar yihiin,buuqsan yihiin ama daciifnimo ka buuxdo noogu deeq wixii noo wanaagsan nagana ilaali wixii aan noo fiicnayn nagana yeel kuwo kugu xidhan. Allahuma ameen." Tarjumaad.
Open in TelegramAynu ku sallino xabiibkeena Si gaar ahna jimcaha aynu badsano. اللَّهُمَّ صَلِّ وَسَلِّمْ وَبَارِكْ على نَبِيِّنَا مُحمَّد ♥️
Open in TelegramUsoo noqda rabbi Midka baryo kasta ajiiba,illinkasta tirtira,awoodkastana ay tiisu ka wayn tahay. Xasuuso waxkasta oo adiga kugu culus agtiisa waxba kama aha. Barya,kaalmeysta oo wax waydiista. Allahayow noo qurxi subaxayaga xeeladaadana xeeladkasta noogu furfur oo noogu fudaydi.
Open in TelegramWaaxyaha jidhkiyo Wadnihii dadkaba Wacan ugu jeclaa wali waa sidii Mana wiiqmayee Wiigii kastaba Wuu sii battaa. Abdirisak✒️
Open in Telegram