
Salah Muse Hassan
Anigu yaan ahay
Average views per post by day
By publication day
Show as table
| Date | Avg views per post |
|---|---|
| Nov 16, 2026 | 228 |
| Nov 20, 2026 | 132 |
| Nov 21, 2026 | 110 |
| Nov 22, 2026 | 110 |
| Nov 23, 2026 | 88 |
Most viewed this month
- 01Views228Forwards—Reactions—Comments—
- 02Views142Forwards—Reactions—Comments—
- 03Views127Forwards—Reactions—Comments—
- 04Views121Forwards—Reactions—Comments—
Latest posts
2. XAAALADDA HADA EE DUGSIGA IYO CAQABADAHA JIRA Dhismaha dugsigu wuxuu ka samaysan yahay alwaax iyo jiingado. Xilliga roobka, biyaha roobku waxay ka soo galaan saqafka iyo dhinacyada dhismaha, taas oo sababta in fasalladu noqdaan kuwo qoyan oo dhoobo leh. Waxaan haynaa muuqaallo laga duubay dugsiga markii roobku istaagay, kuwaas oo muujinaya xaaladda dhabta ah ee dugsiga iyo dhibaatada ay biyaha roobku geystaan. Xaaladdani waxay ardayda ku adkaynaysaa inay helaan goob waxbarasho oo nadiif ah kuna habboon waxbarashada. 3. UJEEDDOOYINKA MASHRUUCA Ujeeddooyinka mashruucan waa: - In ardayda loo helo goob waxbarasho oo nadiif ah oo ammaan ah. - In laga hortago soo gelitaanka biyaha roobka ee dhismaha dugsiga. - In la hagaajiyo dhismaha iyo sagxadaha fasallada. - In la dayactiro lana horumariyo musqusha iyo nadaafadda dugsiga. - In ardayda loo helo agab waxbarasho iyo meelo ku habboon oo ay fariistaan. 4. BAHAHIDA MASHRUUCA A. DAYACTIRKA DHISMAHA 1. Dayactirka iyo hagaajinta saqafka jiingadda ah. 2. Xiridda dhinacyada dhismaha si looga hortago soo gelitaanka biyaha roobka. 3. Sibidh ku shubidda iyo hagaajinta sagxadaha labada fasal. B. ADEEGYADA DUGSIGA IYO NADAafadda 4. Dayactirka iyo hagaajinta musqusha dugsiga. 5. Hagaajinta nadaafadda guud ee dugsiga. C. AGABKA WAXBARASHADA 6. Helidda roogag ay ardaydu ku fariistaan. 7. Helidda miisas iyo agab kale oo waxbarasho. D. KHARASHKA SHAQAALAHA DAYACTIRKA 8. Taageeridda shaqaalaha iyo farsamayaqaannada fulinaya hawlaha dayactirka. 5. MIISAANIYADDA MASHRUUCA Sida ku cad qiyaasta kharashka ee uu diyaariyey injineerku: - Agabka dhismaha: $1,850. - Shaqaalaha dayactirka: Weli waxaa loo baahan yahay qiimeyn dheeraad ah. - Roogagga: Weli waxaa loo baahan yahay qiimeyn dheeraad ah. - Miisaska iyo agabka waxbarashada: Weli waxaa loo baahan yahay qiimeyn dheeraad ah. - Baahiyaha kale ee dugsiga: Weli waxaa loo baahan yahay qiimeyn dheeraad ah. WADARTA QIIMAHA AGABKA DHISMAHA: $1,850. Fiiro gaar ah: Lacagta $1,850 waxay daboolaysaa agabka dhismaha oo keliya, mana aha wadarta guud ee kharashka mashruuca. Baahiyaha kale weli waxay u baahan yihiin qiimeyn iyo xisaab-celin dheeraad ah. 6. CODSIGA TAAGEERADA Waxaan si xushmad leh uga codsanaynaa hay'adaha samafalka, xarumaha waxbarashada, ganacsatada, jaaliyadaha Soomaaliyeed ee dibadda ku nool iyo dhammaan dadka kheyrka jecel inay naga taageeraan hirgelinta mashruucan. Waxaan soo dhoweynaynaa nooc kasta oo taageero ah, sida: - Taageero dhaqaale. - Bixinta agabka dhismaha. - Shaqaale xirfad leh iyo kaalmo farsamo oo ku saabsan dayactirka. - Roogag, miisas iyo agab waxbarasho. Hay'adaha iyo dadka taageeraya waxay dooran karaan qayb kasta oo mashruuca ka mid ah, iyagoo ku salaynaya awooddooda. 7. DAH-FURNAAN IYO ISLA XISAABTAN Waxaan diyaar u nahay inaan soo bandhigno qiyaasta kharashka ee injineerku diyaariyey, sawirrada, muuqaallada muujinaya xaaladda dugsiga iyo warbixinno caddeynaya sida loo isticmaalay taageero kasta oo nala soo gaarsiiyo. Sidoo kale, waxaan diyaar u nahay in agabka dhismaha si toos ah dugsiga loogu keeno ama dayactirka si toos ah looga fuliyo goobta dugsiga. 8. GUNAANAD Dayactirka Dugsiga Shamsul-Culuum ma aha oo keliya hagaajinta dhisme, balse waa maalgelin lagu samaynayo waxbarashada iyo mustaqbalka 75 arday oo baranaya Kitaabka Alle. Waxaan si kal iyo laab ah u rajaynaynaa in codsigani gaaro hay'adaha iyo dadka garanaya muhiimadda ay leedahay taageeridda waxbarashada Qur’aanka Kariimka ah. Waxaan Alle ka baryaynaa inuu ajar iyo xasanaad ka siiyo cid kasta oo ka qayb qaadata mashruucan. جزاكم الله خيراً وبارك الله في جهودكم XOGTA DUGSIGA IYO XIRIIRKA Magaca Dugsiga: Dugsiga Shamsul-Culuum ee Barashada Qur’aanka Kariimka ah Goobta: Jowhar, Gobolka Shabeellaha Dhexe, Soomaaliya Jagada: Macalinka Dugsiga Telefoon/WhatsApp: +252617657171
Open in TelegramMASHRUUCA DAYACTIRKA IYO HORUMARINTA DUGSIGA SHAMSUL-CULUUM EE BARASHADA QUR’AANKA KARIIMKA AH Goobta: Jowhar, Gobolka Shabeellaha Dhexe, Soomaaliya Tirada Ardayda: 75 arday Tirada Fasallada: 2 fasal Xaaladda Dhismaha: Hanti Waqaf ah 1. HORDHAC Dugsiga Shamsul-Culuum waa xarun waxbarasho oo ku taalla magaalada Jowhar, Gobolka Shabeellaha Dhexe, Soomaaliya. Dugsigu wuxuu door muhiim ah ka qaataa barbaarinta iyo waxbaridda carruurta, isagoo siinaya fursad ay ku bartaan Qur’aanka Kariimka ah iyo qiyamka Islaamka. Hase yeeshee, dugsigu wuxuu hadda wajahaya caqabado waaweyn oo dhanka dhismaha ah, kuwaas oo saameyn ku yeeshay tayada waxbarashada iyo raaxada ardayda. Sidaas darteed, waxaan diyaarinay mashruucan si loo dayactiro loona horumariyo xaaladda guud ee dugsiga.
Open in TelegramMACALLINKA MUSLIMKA AH UMA BAAHNA MAALIN AY UNESCO U ASTEYSEY! Macallinka Muslimka ahi qiimihiisa kama helo UNESCO, mana u baahna maalin sannadle ah oo hay'ad caalami ahi u asteeyso si loo ogaado sharaftiisa. Qiimihiisa waxaa muujiyay Qur'aanka iyo Sunnada. Alle wuxuu yiri: ﴿قُلْ هَلْ يَسْتَوِي الَّذِينَ يَعْلَمُونَ وَالَّذِينَ لَا يَعْلَمُونَ﴾ Rasuulka ﷺ wuxuu yiri: «خَيْرُكُمْ مَنْ تَعَلَّمَ الْقُرْآنَ وَعَلَّمَهُ» Kuwa idiinku khayrka badan waa kuwa Qur'aanka barta oo dadka bara. Macallinka waa in la qadariyo, la maamuuso, lana garab istaago sannadka oo dhan, ee aan sharaftiisa lagu koobin maalin sannadle ah. Sharafta macallinku ma aha mid UNESCO siisay; waa sharaf ay Qur'aanka iyo Sunnadu muujiyeen. Aan ku dadaalno inaan ku dayanno Qur'aanka iyo Sunnada, kana fogaanno munaasabadaha aan shareecadeennu jideyn.
Open in TelegramGACAN-QABASHADAADA WAA MUSTAQBALKOODA https://youtube.com/watch?v=8yelWHT_1dc&si=MHi8KaL6OuN4IB23
Open in TelegramHab casri ah u maamul dugsigaada https://youtube.com/shorts/8q22EL02RPM?si=vYvihTtiC2Q3dM9y
Open in TelegramForwarded from مَعْهَدُ الْمَعَالِي لِلْعُلُومِ الشَّرْعِيَّةِ وَالْعَرَبِيَّةِ
📑 Warbixin kooban & isdiiwaangelin: Fadlan iska diiwaangeli halkaan 👇👇 https://form.svhrt.com/6a8137ad77f2b4f473e343e7� 📆 Taariikhda bilaabashada: 6/3/1448 Hijri — oo ku beegan 19/8/2026 Miilaadi 📌 Dawraddu waa lacag la’aan 📍 Shahaadooyin ayaa la bixin doonaa 🔖 Maalmaha duruusta: 3 maalmood (Arbaco, Khamiis iyo Jimco) 📍 Habka duruusta: Online (casharrada waxaa lagu baahin doonaa internetka) 📝 Telegram: https://t.me/machadka_al_macaalii� 📌 WhatsApp: https://chat.whatsapp.com/Gz6Wrzy57qv5tMB4vHLNlo?s=cl&p=a&ilr=4� 🔖 Facebook: https://www.facebook.com/share/1GjZ25kUqT/� 📞 Wixii faahfaahin ah kala xiriir: 📱 +252 61 5742925 📱 +254 788104122
Open in TelegramConnections
Similar channels
Manhajonline@manhajonlineReligion2.85K
👳♂️ JIILKA WACYIGA👳♀™@jiilka_wacyiga1Religion5.47K
Cilmi Faafiye📖📚 با حث@elmidaadiyeReligion5.89K
Faafinta kheyrka@faafinta_khayrkaReligion6.45K
Xafso carap🍁👸@xafso143Religion2.02K
Xikmado Soomaali ™@xikmadosomaliReligion8.7K
Albaani ²⁴™| قناةالألباني@albaanichannel252Religion13.7K
Hogaan Dumar@hogaan_dumarReligion15.5K