Account

Posts of Xafso carap🍁👸

newest first

#1510Text

Forwarded from FAHANKA NOLOSHA 🌍💕

🌿 NASEEXO MUHIIM AH OO KU SAABSAN SUGIDDA XIFDIGA QUR’AANKA KARIIMKA AH Qof kasta oo doonaya inuu Qur’aanka Kariimka ah si wanaagsan u xifdiyo, una akhriyo akhris sugan oo tajwiid leh, waxaa muhiim ah inuu ilaaliyo qodobadan: 1. Qadar yar oo si wanaagsan loo akhriyo ayaa ka faa'iido badan qadar badan oo degdeg lagu dhaafo. Ha ku degdegin tirada bogagga ama casharrada aad akhrinayso. Waxaa ka muhiimsan inaad xaraf kasta siiso xaqiisa, ilaaliso makhaarijta xuruufta iyo sifaadkooda, kuna dadaasho itqaanka. 2. Ku celcelin badan. Ku celcelintu waa furaha xifdiga sugan. Waxay kaa caawinaysaa laba arrimood oo waaweyn: In xifdigaagu adkaado oo sugmo. In carrabkaagu la qabsado akhriska Qur’aanka ee tajwiidka leh. 3. Dhagaysiga qaari mutqin ah. Xitaa haddii aad Qur’aanka xifdisan tahay, ha ka maarmin dhagaysiga qaari si wanaagsan u akhriya Qur’aanka. Dhagaysigu wuxuu kaa caawinayaa inaad barato sida saxda ah ee loo dhawaaqo xuruufta, loona ilaaliyo axkaamta tajwiidka. 4. Ku akhri Qur’aanka tajwiid iyo itqaan. Ha ka dhigin himiladaadu oo keliya inaad Qur’aanka dhamayso ama xifdiso, balse ku dadaal inaad xaraf kasta siiso xaqiisa iyo mustaxiqqiisa, adigoo ilaalinaya axkaamta tajwiidka. 5. La joog Macalin ehel u ah Qur’aanka. Waxaa muhiim ah inaad hesho macallin ama qof mutqin ah oo kuu saxa dhawaaqa xuruufta, kaa saxa khaladaadka akhriska, isla markaana kuu suga xifdigaaga. 🌱 Xusuusnow: Qur’aanka laguma gaaro degdeg iyo tiro badan oo keliya, balse waxaa lagu gaaraa sabir, ku celcelin, sixid iyo joogtayn. Alle ha inaga dhigo ehelka Qur’aanka, kuwa xifdiya, si wanaagsan u akhriya, kuna camal fala. إتقانٌ في التلاوة، وإحكامٌ في الحفظ، وثباتٌ في المراجعة. 📖 XALAQADA NAAFIC AL-MADANI لتصحيح التلاوة وتحفيظ القرآن الكريم Online Sugid iyo Itqaan. Ku soobir oo laxirir lambarkaas 0616671435

Open in Telegram
Views160+52%vs avg
Forwards—
Reactions2
Comments—
#1509Text
Views778+641%vs avg
Forwards—
Reactions6
Comments—
#1508Text

Forwarded from FAHANKA NOLOSHA 🌍💕

#Musiibada_baraha_bulshadu ku hayso dhalinyarada. Sidee qofku wax u qabsan karaa isagoo sidaas waqti badan ku luminaya? Sidee qof maalin kasta u raaci karaa dantisav Facebook, isagoo daawanaya story-yada, reels-yada, isla markaana mar kasta rogaya wararka cusub; dabadeedna u gudbaya Messenger si uu uga jawaabo farriimaha loo soo diray? Kadib wuxuu u gudbaa WhatsApp, wuxuu uga jawaabaa qofkii la soo xiriiray, wuxuu daawadaa status-yada, qaarna wuu ka faalloodaa. Markaas wuxuu u gudbaa Instagram, si uu u arko faallooyinka lagu qoray sawirkiisii ugu dambeeyay, wuuna uga jawaabaa. Intaas kadibna wuxuu bilaabaa inuu daawado muuqaallada, stories-ka iyo reels-ka, ugu dambayntiina wuxuu uga jawaabaa farriimaha Instagram-ka. Markuu intaas dhammeeyo, wuxuu furaa YouTube, wuxuuna daawanayaa muuqaal ku saabsan qof hebel oo xaaskiisa ka sameeyay kaftan ama prank; isagoo leh: “Kaftan aan caadi ahayn, ha seegin!” Markuu muuqaalkii dhammeeyana wuxuu u gudbaa muuqaallo kale oo gaagaaban, isagoo midba midka kale ka daba rogaya. Ogeysiisyaduna ma dhammaanayaan; midba meel ayuu qofka uga yeerayaa, meelba meel ayuu uga jiidayaa. Intuu wareeggan ku dhex wareegayo barahaas kala duwan, isla markiiba wuxuu dib uga bilaabayaa bilowgii: Facebook ayuu mar kale furayaa! Haddaba sidee qofkani wax u qabsan karaa? Qofkan oo ah hab-dhaqanka ay ku nool yihiin dhallinyaro badan, marka laga reebo kuwa Alle u naxariisto, sidee buu: Shaqadiisa u gudan karaa? Waxbarashadiisa u dadaali karaa oo naftiisa bulshada dhexdeeda kor ugu qaadi karaa? Salaadihiisa u ilaalin karaa? Xuquuqda qoyskiisa u gudan karaa? Wirdiisa Qur’aanka u akhrisan karaa? Jimicsigiisa u samayn karaa? Xifdinta Qur’aanka u bilaabi karaa? Cilmiga shareecada u baran karaa? Xirfad cusub u baran karaa? Buug cusub u akhrisan karaa? Noloshiisana wax ugu kordhin karaa? Sidee buu uga bixi karaa nolosha khiyaaliga ah ee muuqaalka, is-muujinta iyo faanka aan xaqiiqda ku dhisnayn, una bilaabi karaa nolol dhab ah oo qiimo leh? Kadib haddana qofkani wuxuu yimaadaa isagoo ka cabanaya nolosha, nasiibkiisana ka tiiraanyaysan! Runtii wuxuu run sheegay Nebigeenna ﷺ markii uu yiri: “Laba nimco ayaa dad badan lagu khasaaraa: caafimaadka iyo firaaqada.” 🤍 Walaalkayow, ka faa’iidayso inta kaaga hartay! Alle kaalmo ka dalab. hana isdhiibin. Ha lumin waqtigaaga; waayo waxa maanta kaa lumaya berri dib kuuguma soo noqonayo. #madal_waacid #Facebook. #soomalia@FAHANKANOLOSHA35

Open in Telegram
Views779+642%vs avg
Forwards—
Reactions1
Comments—
#1507Photo
Views741+606%vs avg
Forwards—
Reactions1
Comments—
#1505Photo
Views735+600%vs avg
Forwards—
Reactions6
Comments—
#1504Text
Views597+469%vs avg
Forwards—
Reactions3
Comments—
#1503Text
Views525+400%vs avg
Forwards—
Reactions2
Comments—
#1502Text
Views564+437%vs avg
Forwards—
Reactions3
Comments—
#1501Text
Views635+505%vs avg
Forwards—
Reactions3
Comments—
#1495Text
Views1,110×11vs avg
Forwards—
Reactions3
Comments—
#1494Text
Views1,050×10vs avg
Forwards—
Reactions5
Comments—
#1493Photo
Views1,010+862%vs avg
Forwards—
Reactions6
Comments—
#1492Photo
Views855+714%vs avg
Forwards—
Reactions7
Comments—