~ Ha sir wicin qof kaa jeeda, hana sugin qof maarmay Hana sigan mar mooyane. • Abwaan Hadrawi
Open in TelegramPosts of MAAN - KAAL
~ Marka aad jabto oo aad dhibaato Mudato… waxaa kaa tegi doona 90% dadka aad u malaynaysay inay saaxiibbo dhab ah ahaayeen.
Open in TelegramMa jiro Qof Guul gaadhey oo aana Rafaadin Saas awgeed Taladeydu Waa "Dhib La`aan ha sugin Dheef!
Open in Telegram~ Xidhiidhadaadu waa ay isbeddelayaan… marka xaaladdaada dhaqaale iyo aqooneedba isbedalaaan.
Open in Telegram~ Qofna haka sugin kaalmo… xataa dadka kuugu dhow maxaa yeelay waxaaa laga yaabaa xattaa inaanay fahmin halganka aad ku jirto iyo qaabka aad wax u dooneysee.
Open in Telegram~ Dadka qaarkood ma rabaan inaad burburto oo gebi ahaanba aad meeshaa ka baxdo… ee waxay rabaan oo keliya inaad sii ahaato qof ay ku danaystaan oo duruufta uga faa’iidaystaan.
Open in Telegram"Mid ka mid ah Wiilasheyda oo hada Xaasle 4 Caruur ah dhalay ah ayaa Qadar anagoo joogna xanuunsaday oo Caloosha laga qabtay, ilaa uu sariir la koray oo Oxygen lagu xiray koomana uu la galay, Dowladda Qadar ayaa igu tiri Wiilka waxaan u diraynaa Dhakhtar Arimaha Caloosha takhasus ku eh oo England jooga, wixi qarash ahna anagaa qabna" "Marki Safarkii 4 Maalin ka harsan tahay ayaa waxaa la ogaaday in dhakharkii fasax galay, waxaana nalagu wargalshay in Safarkii uu dib u dhacay, Wiilka dhakhtarka lagama saari karo Oxygen tu joogto ayeey ugu xiran tahay walaacu waa intii la doono, anagoo Isbitaalka ku yaal Qadar ee Wiilka aan ku haynay joogna ayaa dhakhtar Bakistaani ah igu yiri inta gaar iila baxay Wiilkaan Isbitaalka ka saaro oo Qur'aan saar wax kale uma baahna, Hana isheegin hadii kale shaqada ayaa layga burinayaa ayuu igu yiri" "Markiba go'aankiisa ayaan qaatay waxaana dhaqaatiirti ku iri Wiilkeyga waa la baxayaa, waa layga diiday waxaana laygu yiri ma dhici karto Ninkaan xaaladiisa ma sahlana, waa ku madax adeegay oo waxaan ku iri sow anigu Aabbihii maahi ilaa marki dambe laygu yiri Saxiix wixii ka yimaada inaad adiga Masuul ka tahay, waan saxiixay Wiilkeygi ayaan soo kaxaystay Guriga ayaan keenay" "Ardaydii iyo macalimiintii ayaan isugu yeeray waxaana ku heshiinay in aan 7 Maalin oo isku xigta Maalin Walba qur'aanka ku dhameeno dushiisa oo aan qaybsanno, Maalinki koobaad aan bilownay ilaa Maalinki Sadaxaad Ninki Faleembada ay Cunada u ahayd wuxuu bilaabay in uu wax liqo, miirkiisu usoo laabto, Maalinki Lixaad markaan mareenay wuxuu bilaabay inuu soo fariisto socod bilaabo aadna u caafimaado, kadibna uuba na weydiiyo aaway Xaaskeygi oo markaas Xaasle ayuu ahaa" "Alle mahadii Wiilki oo noo fiicnaaday ayaan isbitaalki ku celinay dhakhaatiirti hawshiisi gacanta ku heesay waaba yaabeen war Ninkan sow maaha kii Gaari in la saaro mooyee aan kici karin, maxaad ku sameyseen, waxaan u sheegnay un in aan qur'aan ku akhrinay allena inoo caafiyey. "Dad ayaa igula talshay in Fursaddi Dowladda Qadar nasiisay aan uga faa'iideysto in aan dacwada ku fidiyo oo Aan bulshada la kulmo Halka wiilkeyguna uu uga faa'iideyto baaris guud oo uu maro, kadibna Wiilki loo qorsheeyey awal 6 Kursi oo isku xigta in Diyaarada looga qabto si sariir looga dhigo iyo anigi oo soconayna ayaa alle fadligii Diyaaradi fuulnay oo England u amba baxnay" "Markaa Isbitaalki tagnay ileen magaca iyo xaalka Wiilka Dhakhtarka waa loo gudbiyee waxaan irida uga galinay Wiilki oo soconaya, kadibna wuxuu yiri war Ninki xanuunsanaa oo dowladda Qadar iisoo gudbisay Nin sariir saaaran ayuu ahaaye waa maxay ninkan soconaya ma mid kale ayaad kusoo bedesheen ayuu na weydiiyey kadibna waxaan ugu jawaabay in uu isagii yahay, maxaa ku sameyseen ayuu na weydiiyey kadibna waxaan u sheegnay in aan Qur'aan uu Nabi Maxamed SCW Alle kusoo dajiyey ku akhrinay sidaasna uu ku caafimaaday" "Dhakhtarki wuxuu yiri anigu layaab ayeey ila tahay waxa aad sheegeysaan xaalada la iiga soo gudbiyey Ninkan iyo sida uu hada yahay waa kaaf iyo kala dheeri, balse baaris 2 bil qaadaneysa ayaan ku sameynayaa Ninkan ayuu yiri Maadaama Qadar ay Lacagta ka shubtay, labadaas bil uu wiilkeygu baarista ku jiray aniguna Masjidka ayaan kulamo Diimeed ku qabanayey oon Soomaalida muxaadaro ugu qabanayey" "2 Bil kadib waxay soo saareen jawaab ah in Wiilkeygu caafimaad qabo, taasoo cadeeneysa inaan helnay Dawadii Alle oo ah mid tooda ka qiima badan kana fiican, hadaba yaqiin la imaada oo Qur'aanka cidi idinka xanuunsan saara, Alle ayaaba Qur'aankiisa noogu sheegay in uu Dawo yahay Qur'aanku in aan isku akhrinana ay faa'iido weyn noogu jirto" Sheikh Cabdirashiid Sheikh Cali Suufi.
Open in TelegramNin xikmad badan ayaa la waydiiyay ma jiraa wax ka xun qofka bakhiilka ah?" wuxuu yiri "haa, waa qofka deeqsiga ah marka uu ka sheekeeyo dadkii uu wanaajiyaY😔
Open in TelegramHaday Ku Dhantahay Iyo Haday Dheeli Tahay Ha U Sheegin Aadmiga Halka Aad U Nugushahay "🫡
Open in TelegramMarnaba ha ilaawin in noloshan adduunyadu tahay ku meel gaar.🍂☘️🥰 Waxaad sameyneyso Alle dartii u sameey waxaad iska deyneysana Alle dartii udaa. 🌿🌼 Dadkana u wanaag sameey adigoo Alle khayr ka rajeeynaya. 🌿🤍
Open in TelegramHa rumaysan nin iska hadlaya assaga iyo haweeney ka faalloonaysa haweenka kale maxaaayee waxaa badan in aynan labadaas mawduuc ka run sheegin labadooduba.!
Open in TelegramGudaheenna waxaa ka socda gugac, biriq, duufaanno iyo roobab aysan marna saadaasha hawadu sheegi karin allow amuuRaha Sahal aDigaa xaakime🤲🏼🥺
Open in TelegramAdduunkaan ma ahan sida hooyadaa oo aad inta ka xanaaqdid aad ku qaylinayso maalinkii, habeenkiina casho kuu wacayso. Adduunku wuu iska kaa dhaafayaa ilaaa aad baahi u dhimatid.
Open in TelegramHaddii aad doonaysid in aad noolaatid adigoo keligaa ah, dadka u sheeg in aad sabool tahay🙋♂️🔉.
Open in TelegramLix lagu daray afar waa toban, saddex lagu daray toddobadana waa toban. Marmarka qaar in aad adigu saxantahay kama dhigna in aan anigu qaldanahay AdiGuNa aad markasta Saxantahay🌪⛰️
Open in TelegramWaqtigu wuxuu beddelaa dhaqanka dadka ee ma beddelo jiritaankooda dambe, qofka asalka ihi wuxuu ahaanayaa asal xataa haddii uu derin ku seexdo midka liitana wuxuu ahaanayaa mid liita xataa haddii xariir loo goglo🛏🛷
Open in TelegramMarkii ay noloshu ku siiso hal sabab oo loo quusto waxaad adigu siisaa kun sabab oo aad howlahaada ku sii wadatid, maxaayeelay ma jiro wax ka xoog badan arlada dusheeda doonista insaanka. 😇
Open in TelegramShimbirka laanta yar ku taagani kalama jecla in ay la jabto, maxaa yeelay wuxuu ku kalsoonyahay baalashiisa🕊🪽
Open in Telegram