Account

Posts of Fardawsa Fiican1

newest first

#2984Photo
Views140−60%vs avg
Forwards—
Reactions2
Comments—
#2983Link preview
Views138−60%vs avg
Forwards—
Reactions—
Comments—
#2982Photo
Views272−22%vs avg
Forwards—
Reactions2
Comments—
#2976Photo
Views538+55%vs avg
Forwards—
Reactions5
Comments—
#2975Text
Views464+33%vs avg
Forwards—
Reactions2
Comments—
#2973Text

Waqtigeenna maanta waxaa soo baxay nooc ka mid ah eegmada xaaraanta ah ee indhaha, kaas oo aan haba yaraatee ka jirin waayihii hore. Waana in qofku waxyaabaha xaaraanta ah ka eego aaladaha casriga ah. Tani waa masiibada ugu weyn ee masiibooyinka, balaayada ugu daran ee balaayooyinka. Immisa cudur iyo dhibaatooyin kala duwan ayay arrintani ku abuurtay quluubta! Waxay noqotay albaab shar ah iyo marin uu fasahaadku ka soo galo, dad badan oo aan si wanaagsan aaladahan ugu adeegsan waxyaabaha khayrka leh. Sidaas ayay aaladahani u noqdeen habab lagu dumiyo wanaagga, laguna faafiyo sharka iyo fasahaadka, isla markaana lagu furo albaabbo badan oo shar ah. Alle SWT wuxuu yiri: ﴿قُلْ لِلْمُؤْمِنِينَ يَغُضُّوا مِنْ أَبْصَارِهِمْ وَيَحْفَظُوا فُرُوجَهُمْ﴾ Macnaha: “U sheeg mu’miniinta inay hoos u dhigaan araggooda, ayna ilaaliyaan xubnahooda taranka.” (Suurat An-Nuur: 30) Aayadda xigta hadii la eegana indha laabashadu dumarka iyo ragga labadaba waa laga raba ragga kali lagama rabo. Gabdhuhu waxa macquul inee badankood is oranayaan adiga jirkaaga iska feedo oo ha asturin danbiga ciddii ku eegta unbaa leh!! May may inantii jirkeeda ciji in la eg muujisaa danbiga qofka eegay iyo keedaba wee qaadanee Hablaha waxaa cod dheer ku leeyahay GURYIHIINA KU NAGAADA Status, Facebook, TikTok, YouTube, Instagram, Telegram IWM dhammaan waa wareeg iyo suuqyo joog oo casri ah ee hala asturnaado hablo. Gunaanad Qof waloo wiil iyo gabar indhahaaga laabo, cawrooyinkaaga xifdi, Ilaahay ka cabso kaligaa iyo bulshaba, xiriirada xaaraanta ka fogoow ilaahay idankiise waa guulaysanee #Dhawrsanaan Habeen san💫🕊📚

Open in Telegram
Views777+123%vs avg
Forwards—
Reactions13
Comments—
#2972Text
Views622+79%vs avg
Forwards—
Reactions1
Comments—
#2971Text
Views974+180%vs avg
Forwards—
Reactions1
Comments—
#2967Text
Views982+182%vs avg
Forwards—
Reactions5
Comments—
#2964Text

Forwarded from 📩 📜 𝐃𝐇𝐀𝐌𝐁𝐀𝐀𝐋𝐀𝐃𝐀 𝐍𝐎𝐋𝐎𝐒𝐇𝐀 🕊🌿📩

Muxuu yahay Xabsiga ugu daran ee uu ninku ku noolaan karo… isaga oo aan xitaa dareemin?!😲 Ragga qaar waxay u haystaan inay yihiin kuwo xor ah, sababtoo ah ma jiro qof ka hor istaagaya inay sameeyaan waxa ay doonayaan. Laakiin xaqiiqadu waxay tahay inay ku nool yihiin xabsiga aysan indhahoodu arag. Waa xabsiga caadooyinka aysan awoodin inay ka tagaan; waa xabsiga hawada iyo rabitaanka nafta aysan awoodin inay iska caabiyaan; waana xabsiga caajiska, kaas oo maalin kasta dib u dhigaya riyooyinkooda iyo himilooyinkooda. Nooca xabsiyada ugu khatarta badan ma aha kuwa albaabbada laguugu xiro; balse waa kuwa kaa dhiga inaad sannado badan oo noloshaada ah ku qaadato adigoo aaminsan inaad xaalad wanaagsan ku sugan tahay, halka dhab ahaantii aad maalin kasta sii fogaanayso ninkii wanaagsan ee aad awoodi lahayd inaad noqoto. Haddaba ka warran nin garanaya waxa waajibka ku ah inuu sameeyo, laakiin aan samayn? Garanaya waxa isaga dhibaya, haddana marar badan ku soo noq noqda? Noloshiisana ka cabanaya, isagoo haddana ku celcelinaya isla falalkii shalay? Arrintani ma aha aqoon-darro; ee waa nafta oo aan si wanaagsan loo xukumin, iyo xakamaynta nafta oo liidata. Sidaas darteed, dagaalka ugu weyn ee uu ninku noloshiisa la galo ma aha dagaalka uu dadka la galo, mana aha kan duruufaha, mana aha kan tartamayaasha; ee waa dagaalka uu naftiisa la galo. Ninka naftiisa ka adkaada, waxaa adkaanaysa inay duruufuhu jebiyaan. Waxaa adkaanaysa inay rabitaannada iyo shahwaduhu ay iibsadaan ama hoggaamiyaan. Waxaa adkaanaysa in noloshu ay ka adkaato ama ay ruxdo. Xaqiiqada ay dad badani fahmaan marka ay goor dambe tahay ayaa ah: Xorriyadda dhabta ahi macnaheedu ma aha inaad samayso wax kasta oo aad doonayso; balse waxay tahay inaad awood u yeelato inaad diiddo waxa ku daciifinaya, xitaa haddii naftaadu si weyn u rabto. GUNAANAD Qoraalku wuxuu leeyahay in qofku uusan xor dhab ah ahayn haddii uu addoon u yahay caadooyinkiisa, caajiskiisa,danbiyadiisa iyo rabitaankiisa. Xorriyadda dhabta ahi waa in qofku naftiisa xukumo, waxa dhibaya diido, oo uu awood u yeesho inuu sameeyo waxa saxda ah xitaa marka naftiisu doonayso wax kale. Habeen wacan. 🕊💫📚 #DHAMBAALADA # 𝗠𝗔𝗫𝗔𝗔𝗗 Xakameynta nafta ugu daalee?

Open in Telegram
Views631+81%vs avg
Forwards—
Reactions6
Comments—