"Waan ka badbaaday dhamaan masaskii sunta ahaa. Laakiin waxaa jirtay balanbaalis aan dhayalsaday Middaas oo ugu danbayn geeridayda sababtay".
Open in TelegramDhigaal_wanaag
Dhigaal wanaagsan
Average views per post by day
By publication day
Show as table
| Date | Avg views per post |
|---|---|
| Nov 13, 2026 | 46 |
| Nov 22, 2026 | 23 |
Most viewed this month
- 01Views46Forwards—Reactions—Comments—
- 02Views23Forwards—Reactions—Comments—
- 03Views23Forwards—Reactions—Comments—
Latest posts
Haddii awoodda mushaharkaagu kuugu filan yahay inuu daboolo cuntada iyo hoyga. Taasi maaha shaqo. Barigii hore waxaa loo yaqaanay "ADDOONSASHO"!. George Orwell
Open in Telegram"Waligaa ha qaban wax ay dadka kale qaban karaan ama ay qaban doonaan. Haddii ay jiraan waxyaabo aanay qaban karin ama aanay qaban doonin".
Open in TelegramFarshaxanka urta nolosha dhabt ah Waxaan jeclahay inaan akhriyo ereyada dadka si buuxda uga soo qora maskaxdooda. Anigoo og in ka hor intaysan ereyadaasi i soo gaarin, ay fadhiyeen meel caadi ah. Goobaha qaxwaha, geeska sariirta, gaariga dhexdiisa, geeska maktabadaha. Waxaan si dhow u akhrinayaa wax dhex maraya oo u beddelayo luqadda. Waxaan jeclahay fikirka qof kaligiis ah oo fikirradiisa wata, oo kala furfuraya. Ma aha wax soo bandhigid ama khudbad laga shaqeeyay oo la rabo in meel faagaare ah laga soo jeediyo. Ma aha ereyo laga soo guuriyay cid ama buug si xurmo iyo ammaan loogu helo. Waa farshaxan aan loo habayn sacab. Ma aha hees la qoray, ka dib saacado badan oo la ciyaarayay, dhan kasta laga toostoosiyay, ereyada isdhaafay dib loo qoray, laxanka loo xulay, kaddib dadka lala wadaagay. Waxaan rabaa farshaxanka urta nolosha dhabta ah. Qoraalka, heesta, sawirka wali sita nafta qofka sameeyay. Heesaha ka dhashay nasasho la'aan ama qalbi jab, ama xiisaha. Waxaan rabaa inaan helo dad ka hadlaya waayo-aragnimo nool, ee aan ahayn hadallo la sameeyay. Waxaa jira farqi u dhexeeya macnaha (meaning) iyo nuxurka (essence), macnaha waa la hagaajiyaa, nuxurkana waa la muujiyaa. Aad ayey muhiim u tahay in farshaxanka dhabta ahi uu sii jiro. Waxaa ku jira xusuus-qorka codka aan la safayn ka hor inta aan la qorin, cutub la qoray oo dib loo qoray toban jeer. Qofka geesinnimada leh ee odhan kara, "Tani waa sida aan dareemayay," iyada oo aan hal erey laga beddelin. Qoraalkaasi ama buuggaasi waa kuwa aan ugu jeclahay wax aan akhriyo. ~Ahmed Qaydare.
Open in TelegramBadiya oo ku saliya suubanaheena Si gaar ahna ku jimcaysta❤️ اللَّهُمَّ صَلِّ وَسَلِّمْ وَبَارِكْ على نَبِيِّنَا مُحمَّد ♥️
Open in TelegramKu mahadsanid rabbiyow inaad nasoo gaadhsiisay subax kale oo qurxan. Waxaan ku kalsoonahay awoodada oo yaqiinsanahay qaddartaada. Samee wax uun sir ah oo adiyo rabbi idiin dhexeeya waynee oo ku dadaal cibaadada waa inta la inoo abuuraye.
Open in TelegramAwoodda rabbi baynu hoos joognaa. Si walba oo xaaladuhu kugu adkaadan aadna u malaysid in dunidu kugu soo yaraatay. Si walba oo arimuhu kaga kala daadsan yihiin iyo qaabwalba oo xaalku kugu xun yahay. Waxa jira hal il oo aan mar qudha daynayn inay soo burqato Waa rabbiga ee bari oo awoodiisa ku tiirso.
Open in TelegramNoloshu waa giddi (totality); uma baahnid inaad wax ku qasabto, uma baahnid inaad qaabayso, uma baahnid inaad siiso qaab, edbin iyo nidaam. Noloshu waxay leedahay nidaam u gaar ah, waxay leedahay edbin u gaar ah. Si fudud ula soco. Ha isku dayin inaad riixdo biyaha webiga. Webigu wuu socdaa; noqo mid la socda, wabiguna wuxuu ku geyn doonaa badda. Ahmed Qaydare
Open in Telegramقال رسول الله ﷺ: "مَن صَلَّى عَلَيَّ صَلَاةً وَاحِدَةً، صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ بِهَا عَشْرًا." اللَّهُمَّ صَلِّ وَسَلِّمْ وَبَارِكْ على نَبِيِّنَا مُحمَّد ♥️
Open in TelegramWaayo-aragnimadu shanlo ay noloshu siiso nin bidaar leh. Waa hadiyadda ugu jees-jeeska badan ee noloshu bixiso; waxay ku siisaa jawaabaha marka su'aalihii dhammaadeen, sida in lagu siiyay shanlo goor ay timihii kaa daateen. Waa goor aad gabowday, waxaad markaas si cad u aragtaa khaladaadkii, waddooyinkii saxnaa iyo wixii ay ahayd inaad samayso, balse aragtidaas iyo waayo aragnimadaasi waxay timaaddaa xilli aan dib loogu noqon karin halkii laga soo maray, anfacaadna aysan lahayn. Reer xamarku waxa ay dhahaan "adoo sugayay ku qadinee, adoo samrayna way ku siinee". Waa runtood. Mohamed Dafle.
Open in Telegram