✅ Aqoon · xikmad · buugaag · diin 📩 🧨Igudara➕only-call 1️⃣ Aqoon & Fasalo 🎓 • Maanhage · 13k • Farsamada · 27k • Somali English 1 · 15k • Somali English 3 · 28k • Carabi · 11k 2️⃣ Aqoon & Xikmado 🅰️ • Hasan Caashaq · 18k • Dareen Side · 20k • Kobci Aqoontaada · 26k • Qalbi Dhaye · 18k • Xikmado · 42k • Noqo Xiddig · 16k • Dunida Suugaanta · 20k • Aisha Ahmed · 19k 3️⃣ Buugaag & Akhris 📚 • Somali Library · 76k • Somali Books · 160k 4️⃣ Diinta & Duunyada 🌙 • Kalimat Kariim · 15k • Al Xakiim · 20k • Albaani · 16k • Hogaan Dumar · 18k • Nasteex Media · 19k • Etminnan · 17k • Quruxda Islaamka · 26k ✅✅ @aqoon_aroor
Open in TelegramPosts of Hanti iyo Horumar🤑🥇
Qofka wax kasta ka hor sii odorosa, tallaabo kastana kun jeer ka fiirsada, wuxuu la mid yahay qof doonaya inuu barto dhammaan siraha badda ka hor inta aanu safarkiisa bilaabin, isaga oo ugu dambayn luminaya waqtigii uu ku dhaqaaqi lahaa. @mrxoosh
Open in TelegramNabad galyo korkiina ha ahaato qaraabo. Waalidku waa inuu carruurtiisa u caddaalad sameeyaa, xitaa haddii uu midkood qalbigiisa uga dhow yahay kuwa kale. Jacaylku waa dareen qalbiga ku jira oo laga yaabo inuu kala duwanaado, balse caddaaladdu waa waajib aan la dayici karin. Waa inaanu waalidku u oggolaan jacaylka uu ilmo gaar ah u qabo inuu sabab u noqdo inuu carruurta kale xaqooda duudsiyo, uu ilaawo mudnaantooda qalbiyadoodana dhaawaco ama dareensiiyo inay ka qiimo yar yihiin walaalahood. Ilmuhu dhammaantood waxay u baahan yihiin jacayl, daryeel, qadarin iyo caddaalad. Waxa laga yaabaa in waalidku mid si gaar ah u jeclaado, laakiin waa inuu ka taxaddaraa in dareenkaasi aanu isu beddelin eex iyo dulmi. Waayo, caddaaladdu ma aha in qalbigu qof walba isku si u jeclaado, balse waa in qof walba la siiyo xaqiisa, lana dhowro sharaftiisa iyo dareenkiisa lana daryeelo. ❤️ Waan idiin xiisay oo waan idinka baadiyoobay mudadaba, qof kastoo idinka mida inoo halkiisa ku wanaagsan yahay Baan idiin rajaynayaa, insha allaah soo naqosho wacan Baan idin leeyahay mashquul dheer ka dib waynu wada joognaa qaraabo😹 @mizki_maxamuud
Open in TelegramYar saxiibkey ah ayaa i weydiiyey, "Waa maxay goobaha aad ugu jeceshahay dunnidaan ?" Waxaan ku iri, "Waa qabriga," sababtoo ah waa meel dagan oo xasiloon — meel aan ahayn sida dunida oo buuq iyo tartan ka buuxo. Qabrigu waa meesha keliya ee qofka loo siman yahay, aan loo eegin maalkiisa, jinsigiisa, ama darajadiisa. Waa meel runta lagu ogaado, halkaas oo qofka loo arko sida uu run ahaantii ahaa, ma aha sida uu iska dhigi jirey . Dadku halkaas way ku amaanayaan, kuu soo duceynayaan, kuwii ku jeclaana way ku sii jeclaanayaan — sababtoo ah dhimashadu waxay dadka xusuusisaa wanaagga, waxayna tirtirtaa xumaantii yarayd. Qabrigu maaha meel tartan lagu jiro, maaha meel la isku tarakoobo ,la isku hooseeyo markaan adaa ugu sareeya dadka waxaan darajadaas ku gaartay waxaad tahay marxuum ma lihid magac aan ka eheyn marxuum . Dadkii aad ka tagtana, waxay u fiirindoonaan si ka duwan sida ay u fiirin jireen markaad dunida joogtay — waxay arkaan oo kaliya waxa run ahaantii muhiimka ahaa, waxayna illoobaan waxyaalihii yaryaraa ee aan qiimaha lahayn. Haddaba, haddii qabrigu yahay meesha aan ugu jeceshahay, sababtu maaha inaan dhimasho jeclahay, laakiin waa inaan jeclahay xaqiiqada, xasilloonida, iyo caddaaladda aan ka helo meeshaas — waxyaabaha dunidan aan si sahlan looga helin. @mrxoosh
Open in TelegramCaruurta waxbara oo koriyo, si aad uga maarantaan marka ay weynaadaan, inaad ku dhibtootaan korintaankooda. Ilmaha waa sida laanta oo kale: marka ay yartahay waa la sixi karaa, lakiin marka ay noqoto alwaax, in la jibiyo mahee, si kale luguma sixi karo. @mrxoosh
Open in TelegramMa garan karo sababta ay Soomaalideennu noloshooda uga fogaatay xaqiiqada.❗️ Badankeen nolosha uguma noolaanno sida ay dhab ahaan tahay; waxa aynu nafaheena ku barbaarinay, ama nalagu soo barbaariyey, waa khiyaali, filashooyin iyo been la isku qurxiyey. Ilaa heer aynu maanta gaadhnay in dad badan oo inaga mid ahi ay ku nool yihiin nolol inta badan khiyaali ku dhisan, nolol aan lahayn jiho cad iyo meel ay u socoto. Waxaase ka sii murugo badan in aynu gaadhnay heer aynu luminay xitaa dareenno badan oo bani’aadamku isku gudbin jiray, kuwaas oo nolosha siin jiray xasillooni, macne iyo dhadhan. Waxaad arkaysaa qof jilaya jacaylkii, walaaltinimadii, waalidnimadii iyo saaxiibtinimadii. Wax kasta oo nolosha macno u samayn karayey waxay si tartiib ah dhexdeena uga noqdeen wax la kala gadan karo; dareenkii wuxuu noqday muuqaal la matalo, xiriirkiina wuxuu noqday dano la kala leeyahay. Beentii iyo khiyaanadiina waxay dhexdeena ka noqdeen wax caadi ah, oo xitaa qayb ka mid ah nolol-maalmeedkeenna ayay noqdeen. Waxaan la qabsanay waxyaabo ay ahayd in aynu ka naxno, ilaa heer aynaan mar dambe kala garan karin waxa dhab ah iyo waxa aynu iska matalayno. Waxaa laga yaabaa in dhibka ugu weyn aanu ahayn in aynu been ku noolnahay oo keliya, balse uu yahay in aynu muddo dheer ku noolaanayno beentaas ilaa ay run inoo noqoto. @mizki_maxamuud
Open in TelegramAadaabta booqashada qofka xanuunsan waa arrin muhiim ah oo qof kastaa ay tahay inuu barto ilaaliyona. Marka aad booqanayso qof xanuunsan, gaar ahaan marka aad isbitaal tagayso, xusuusnow in aad leedahay masuuliyada ka weyn oo ah inaad ilaaliso sharafta, dareenka iyo raaxada bukaanka, sidoo kalena aad tixgeliso bukaannada kale ee meesha kula jira. Ka fogow eray kasta oo qalbiga bukaanka dhaawici kara, cabsi gelin kara ama rajo-beel ku abuuri kara. Ha uga sheekayn cudurro kale oo aad u xun, ha u sheegin sheekooyin murugo leh, hana isticmaalin hadallo qofka ku dhalin kara inuu quusto. Mararka qaar hal eray oo aan laga fiirsan ayaa qalbiga qof xanuunsan ku reebi kara dhaawac weyn,ogaadana xanuunada jidhka waala dawayn karaa halka kuwa qlbiga ay adagtahay inay daawoobaan. Sidoo kale ka ilaali buuqa, codka dheer, qosolka badan iyo dadka faraha badan. Qofka xanuunsan wuxuu u baahan yahay deganaan iyo nasasho. Ha ka dhigin booqashadu culays kale oo ku kordha daalkiisa. Haddii dad badan yimaadaan, waxaa wanaagsan in la is yareeyo, si bukaanku u helo fursad uu ku nasto. Ka ilaali sidoo kale in bukaanka korkiisa lagu sheekeysto ama laga hadlo xaaladdiisa iyadoo aan loo tixgelinayn dareenkiisa. Ha ka dhigin cudurkiisa mawduuc ay dadku dhexdiisa kaga sheekaystaan. Waxa aad samayn kartaa wax ka qiimo badan hadallo badan: u soo dhawoow si deggan, gacanta qabso haddii ay ku habboon tahay, una sheeg erayo rajo iyo iimaan xambaarsan. Waxaad ku oran kartaa: “Insha Allah waad ka kici doontaa. Ilaahay baa weyn, garabkaagana ah wuu kula jiraa. Ilaahay wuu ku jecel yahay, mararka qaarna addoon uu jecel yahay ayuu imtixaan ku mariyaa si uu darajadiisa u kordhiyo, dambiyadiisana uga dhaafo, xaggiisana ugu soo dhoweeyo. Ha quusan, Alle naxariistiisa ha ka quusan. Wax kasta oo kugu dhacaya wuxuu leeyahay xikmad, adiguna Alle ku kalsoonow kuma dayacayo marnaba .” Ku dhiirrigeli inuu Alle xuso, ducaysto, samir yeesho oo rajada wanaagga ilaashado. Haddii uu awoodo, xusuusi inuu badiyo dikriga iyo ducada, kuna celceliyo erayada qalbiga dejinaya. Booqashada bukaanku ma aha oo keliya inaad qofka aragto; waa inaad u tagto adigoo qalbigiisa dejinaya, rajadiisa soo noolaynaya, culayskana ka yareynaya. Mararka qaar waxa bukaanku u baahan yahay ma aha hadal badan ee waa qof si deggan agtiisa u fadhiya oo dareensiiya: “Kaligaa ma tihid. Ilaahay baa kula jira, annaguna waan kula jirnaa.” Haddaba, marka aad qof xanuunsan booqanayso, booqashadaada ka dhig naxariis, degganaan, rajo iyo duco. Ha noqon qof booqashadiisu bukaanka daaliso; noqo qof uu markuu baxo qalbigiisu ka dareemo iftiin iyo rajo. Ilaahay dhammaan bukaannada ha u fududeeyo xanuunkooda, caafimaad taam ahna ha siiyo, dhibkoodana ha uga dhigo kafaaro-dambi iyo darajo kororsi,inakana ha inaga yeelo kuwo ku cibro qaata xanuunkooda garanaya nimcada caafimaadku leeyahay ilaahayna uga mahadceliya nimcadaas ka maqan kuwa ay booqanayaan aamiin. Aamiin. @mizki_maxamuud
Open in TelegramForwarded from صوتيات قرآنية 🔖
- ﴿ادعوا رَبَّكُم تَضَرُّعًا وَخُفيَةً إِنَّهُ لا يُحِبُّ المُعتَدينَ﴾. - القارئ: أبو بكر الشاطري.
Open in TelegramMa tahay arday oo ma doonaysa inaad turkiga ku tagto si fudud, Hadaba SomApply waxay kaa caawinaysa inaad hesho aqbalaada-jaamacadaha turkiga private iyo kuwa dawli ahba mudo ka yar 14 bari dalbo hada aqbalaada jaamacadaha turkigoo adigoo akoon ka furanaya linkigan https://www.somapply.com/ kadib markaad dekumintiskaga submit garayso noogu reeb fariin whatsapkeena +905527907294 si aan kuugu hawl-galno si dag dag ah . wixii faah faahina oo intaasi dheer nagala soo xiriir talafeen numberka whatsppka ah ee SomApply.com +905527907294 ama email = [email protected]
Open in TelegramShimbirtu waxay ku degtaa meesha ay shinbiraha ay isku midka yihiin ama isku eg yihiin joogaan. Adna waxaad ku degtaa dadka kuu aragtida dhow la jaar noqo kuwa u saaxiibka ah ximada iyo garaadka. @mizki_maxamuud
Open in TelegramJune👏bil oo kaliya may ii ahayn Alxamdulillah bil wadatay khyr badan fursado Kala duwan iyo cilmiyo cusub. Maalmuhu xawaare ilma aragtay ah bay jarayaan dadka dhaxdooda waxaa nasiib badan oo mudnaanta leh kuwa ka faaiidaystay ugu yaraan u dedaalay riyooyinkooda sidii ay u rumayn lahaayeen, sanadkii Kala badh baa tagay durba, dadkii odhan jiray waxaas sanadkaan bilaabayaa ee bilaabay hadana dhex uga tagay wali sanadkii baynu ku jiraa ee soo dedaala fursaduna wakhti ay timaado oo u gaar ah ma leh yadoo ordaysa ama gaabinaysay ku soo mariye ee u diyaar ahow mar waliba Ilaahay ha Ina waafajiyo wax kastoo wanaagsan kuwo tacabkoodu khasaarina ha inaga yeelo, kuwo markay daalaan natiijo ay ku nastaan hela rabi ha inaga dhigo. @mizki_maxamuud
Open in TelegramIbnu Al-Qayyim — Alle ha u naxariistee — wuxuu yidhi: “Marka maalinta Qiyaamaha xijaabka dadka laga qaado oo loo muujiyo ajarka iyo abaalmarinta camalladooda, ma arki doonaan camal ka ajar iyo abaal badan xuska Alle (dikriga). Markaas dad baa qoomamayn doona oo oran doona: ‘Wax nooga fudud ma jirin sida dikriga.’ Macnaha guud: Qofku mararka qaar wuxuu u arkaa dikriga wax yar oo sahlan, sida Subxaanallaah, Alxamdulillaah, Allaahu Akbar, iyo Astaghfirullaah, laakiin maalinta Qiyaamaha ayuu ogaan doonaa abaalmarinta weyn ee ku jirtay. aduunkana dikrigu waa barako iyo liibaan . @mizki_maxamuud
Open in TelegramNolosha aad dib u dhigato waligeed ma timaaddo.🤚 Goorma ayaad bilaabi doontaa waxyaabihii aad muddada dheer rabtay inaad samayso? Goorma ayaad bilaabi doontaa jimicsiga? Goorma ayaad qaadan doontaa buug oo aad akhrin doontaa? Ama aad koorsooyin baran doontaa? Ama aad Qur'aanka xifdin doontaa? Dhammaan kuwani waa arrimo aad dib u dhigaysay marba marka ka dambaysa. Xaqiiqduse waa in nolosha dib loo dhigay aysan waligeed iman. Sida uu yiri qoraaga caanka ah ee (baplo Coelho) "Waxaad mar walba tiraahdaa: 'Maalin uun ayaan samayn doonaa', laakiin maalintaas 'maalin uun' ah waligeed ma timaaddo." Adigu cimrigan hal mar oo keliya ayaad noolaanaysaa, haddana waxaad dib u dhigaysaa noloshaadii iyo riyooyinkaagii. Ha sugin berri si aad u bilowdo waxa maanta aad qaban karto. Waxaa laga yaabaa in tallaabada yar ee aad maanta qaaddo ay ka qiimo badan tahay boqol qorshe oo aad berri u dhigato. 🤍 @mizki_maxamuud
Open in TelegramAsc dhalinyaro group ka dhanka discussion waxaa jira dad soo dhiga waxyaalo xun xun (porn) waxaan go,aan ku gaaray inaan xiro qeybtaas marka sababtaas darteyd ayaan u xirey . Kheyr badan . @mrxoosh Wixii hadda ka dambeeye post aad ka heshaan like ya haka ilaawina .
Open in Telegram﴿لَن تَنَالُوا الْبِرَّ حَتَّىٰ تُنفِقُوا مِمَّا تُحِبُّونَ﴾ "Ma gaari doontaan wanaaga dhammaystiran ilaa aad wax ka bixisaan waxa aad jeceshihiin." (Suuradda Aala-Cimraan: 92) @mizki_maxamuud
Open in Telegram{كَيْفَ تَصْبِرُ عَلَىٰ مَا لَمْ تُحِطْ بِهِ خُبْرًا} Sidee baad ugu samri kartaa wax aadan aqoon buuxda u lahayn? Way ku adag tahay bini’aadamka, caqligiisa xaddidan iyo qalbigiisa walwalsan, inuu fahmo wax kasta oo ku dhacaya. Inuu garto xikmadda ku duugan dib-u-dhac daaliyay, murugo qalbigiisa cuslaysay, ama imtixaan u yimid isaga oo aan garanayn sababta uu u yimid. Annagu waxaan aragnaa oo keliya qayb yar oo sheekada ka mid ah, halka Alle uu arko sheekada oo dhan, isaga oo ku eegaya naxariistiisa iyo xikmaddiisa dhamaystiran. Imisa arrimood ayaan u malaynay inay shar yihiin, dabadeedna markii dambe ogaanay inay ahaayeen naxariis qarsoon. Imisa albaab ayaa wajiyadeenna laga xidhay, halka Alle noo furayay jid ka xasilloon, kana khayr badan wixii aynu rajaynaynay. Waxaa hubaal ah in qorshaha Alle uu ka qurux badan yahay qorshaheenna, naxariistiisuna ay ka ballaaran tahay fahamkeenna. Sidaas darteed, ku kalsoonow Rabbigaaga . @mizki_maxamuud
Open in TelegramHighest rating I ever get in chess, 200 Elo is coming. Is there anyone who play chess!!
Open in TelegramHal caado (habit) oo haddii aad sameysid aad guuleysaneyd waa inaad maskaxda gashato in bari (tomorrow) luguu balan qaadin. Seexo caawa adoo maskaxda ku haya weedha die empty. Dhimo saxiib Adoo maran oo gaaray, plan kasta iyo raali galinta rabigaa . Seexo saaxiib, adoo ka jawaabay su'aasha ah: "Did I improve today?" "Yes, I did." Waxa ugu xun ee uu qof ku jawaabo maalinta aakhiro marka uu Eebbe ku weydiiyo "Maxaad ku bixisay dhalinyaronimaadaadii?" waa: "TikTok baan daawanayey!" Balanteenu waa die empty. @mrxoosh
Open in Telegram“Ha quudhsan naftaada. Is-dullaynta iyo yasidda naftu waa dhaqan khaldan. Dadka qaar waxay u maleeyaan in haddii ay naftooda hoos u dhigaan ay ka fogaanayaan kibirka, balse taas sax ma aha. Qofka naftiisa quudhsada wuxuu geli karaa dabeecad aad u liidata oo ah inuu aqbalo dullinimo iyo hoosaysiin. Sidaas darteed qofku ma aha inuu naftiisa liido ama necbaado. Nabigu scw wuu inaga reebay arrintaas isagoo yiri: ‘Qofkiinna yuusan odhan: naftaydu waa xun tahay…’ Ka fogaanshaha kibirka laguma gaaro yasidda nafta, balse waxaa lagu gaaraa in qofku ogaado qiimihiisa dhabta ah, xadkiisa, isla markaana ku dadaalo hagaajinta naftiisa.” @mizki_maxamuud
Open in Telegram