Ereyo jacayl
Salaam!βπ -Soo dhawaada walaalayaal Halkani waa ereyo jecel # waxan bilaabnay sameyta Loogada iyo boorarka # Nagula soo xariir #618164025 wixii Fikrad Ah Halkaan igala soo xiriir https://t.me/aadan123
Average views per post by day
By publication day
Show as table
| Date | Avg views per post |
|---|---|
| Nov 5, 2026 | 1,420 |
| Nov 6, 2026 | 1,495 |
| Nov 13, 2026 | 1,040 |
| Nov 24, 2026 | 436 |
Most viewed this month
- 01Views1.5KForwardsβReactions3Commentsβ
- 02Views1.49KForwardsβReactions7Commentsβ
- 03Views1.42KForwardsβReactions8Commentsβ
- 04Views1.04KForwardsβReactions18Commentsβ
Latest posts
Naag aan 5sano kahor asc uqoray baa caawa isoo jawaabtay maxay idinla tahay dhalinyaro πβ #Dr__Ak
Open in TelegramCali waxa uu awoodi waayey in uu ku laabto guriga hooyadii si uu ula heshiiyo, ilaa uu raadsadey odayaal diimeed iyo shakhsiyaad caan ah oo deegaankiisa ka tirsan, si ay u dhex galaan isaga iyo hooyadii, kuwaa oo ugu danbayntii ku qanciyey Cali hooyadii in wiilkeedu aanu isagu Xamsa dilin, isla markaana arrinta oo dhami ay ahayd mid lagu jilaayo filim taariikhi ah.
Open in TelegramJilaaga reer Liibiya ee filimka "The Message" ama fariinta ku jilaayey doorka "Waxshi". Waa muwaadin u dhashay dalka Liibiya oo lagu magacaabo Cali Saalim Gadaara, kaas oo filimka "The Message" ama fariinta ku jilay doorka Waxshi oo ahaa ninkii diley Xamsa Ibnu Cabdulmuddalib "Ilaahay haka raali nodo'e" oo ahaa Nebi Muxammed "scw" adeerkii. Waxaa la sheegaa Gadaara in aanu ahayn jilaa hore u soo jilay filimada, balse uu ahaa farsamo-yaqaan koronto oo ka shaqaynaayey hoteelkii uu deganaa Mustafa Al-Caqaad oo ahaa agaasimihii filimka "The Message". Al-Caqaad ayaa Cali Saalim Gadaara u doortay in uu filimka kaga qayb galo doorka Waxshi, inkasta oo uu Cali aad uga war-wareegey in ogolaado qaadashada jilida doorka Waxshi oo ahaa ninkii Xamse dilay, haddan ugu danbayn wuu ogolaaday, sidoo kale waxaa la sheegaa in Cali Saalim Gadaara hooyadii oo ahayd qof da' ahi ay ka eridey guriga, ka dib markii ay aragtay muqaalka isaga oo Xamse dilaya, muuqaalka oo ka mid ahaa muuqaallada ugu caansan filimka.
Open in TelegramWaan ogahay inay jiraan dad kale laakiin anigu ma doonayo qof kale waxan doonayaa kaliya adiga Xitaa markaad murugooto xitaa markaad qaladaad sameyso xitaa hadaanan aqbali karin mararka qaarkood Sikas taba waan kuu rabaa adiga πβ€π―π― #DR_Ak
Open in TelegramSheekh Khaalid Raashid wuxuu dhiigiisa la dhaqaaqay aflagaadadii ay Denmark u geysatay Nabiga scw, wuxuuna soo jeediyay khudbadiisii caanka aheyd ee "Yaa Umatu Muxamed" waa khudbadii ugu caansaneyd ee qarnigaan sheekh ka jeediyo Minbarka Masaajidka, wuxuuna Sheekh Khaalid ku taliyay in xiriirka loo jaro Denmark sidoo kalana safaaradooda albaabada loo laabo. Balse reer Aala Sacuud waxay abaal uga dhigeen xabsiga, sanadkii 2005-tii ayaana 15 sano xabsi lagu xukumay, 2020-kii markii la gaaray oo uu mudadaas soo dhameystayna waxaa loogu daray 25 sano kale oo xabsi ah, sidaasna looga dhigay mudo 40 sano inuu u xirnaado (Sidee u leedahay hala xiro safaarada Denmark, sidee ayaadna khudbad ugu hiilineysaa, Nabiga scw). Sheekh Khaalid Allaha kasoo furto cadowga sabab kale uma xirna inta ay Aala Sacuud joogaana ilaa 2045-ta laga gaarayo sidaas ayuu usii xirnaan doonaa, qofkii ku siran Aala Sacuud-na asiga ayay u taalaa.
Open in TelegramForwarded from Hal-Abuur cishqaawiπ₯°
Waayuhu ima dhoowrayaane Maxaan murugooday dhaaxo Maxaan anigoon dhaqaaqin Sidii dhagax meel dhakoobo Habeenku iskii dhammaaday Maxaan dhakafaar dareemay Dhafoorkana gacanta saaray Oo ay dhibic roob sideeda Ilmadu dhabankayga qoysay Dhulkana ku habiiraqeeysay Adduunyada dheelligeeda Dhallaankiyo ruuxa dhoohan Waxey u arkaan dhayeele Ninkii leh garaad dhammeysa Maxay u dhigtaa cibaaro Haddaa tahay ruux dhuroobay Amana hadafkii dhaboobay Dhigaal inta kaa dambeyso Dhabbaha guushuu tilmaamo U reeb dhaxal waaye weyne .......... Jacaylkaan kuugu dhaartay Waxaan dhigay iil dhexdiise Muxuu wacadkii dhantaalmay Hankeygina dhaawac gaaray Qalbigi ku dhaweystay eedyay Indhihi ku arkaan dhaliilay Dharbaaxay afkii dhawaaqay Dartaa u dhigaayay maanso. Hal-Abuur Cishqaawi
Open in Telegram*βRuux aad ka cad goosan karin hadduu ciil kubada calooshaa laga xirtayaa. #Dr__Ak
Open in Telegram