"Waan ka badbaaday dhamaan masaskii sunta ahaa. Laakiin waxaa jirtay balanbaalis aan dhayalsaday Middaas oo ugu danbayn geeridayda sababtay".
Открыть в TelegramПосты канала Dhigaal_wanaag
Haddii awoodda mushaharkaagu kuugu filan yahay inuu daboolo cuntada iyo hoyga. Taasi maaha shaqo. Barigii hore waxaa loo yaqaanay "ADDOONSASHO"!. George Orwell
Открыть в Telegram"Waligaa ha qaban wax ay dadka kale qaban karaan ama ay qaban doonaan. Haddii ay jiraan waxyaabo aanay qaban karin ama aanay qaban doonin".
Открыть в TelegramFarshaxanka urta nolosha dhabt ah Waxaan jeclahay inaan akhriyo ereyada dadka si buuxda uga soo qora maskaxdooda. Anigoo og in ka hor intaysan ereyadaasi i soo gaarin, ay fadhiyeen meel caadi ah. Goobaha qaxwaha, geeska sariirta, gaariga dhexdiisa, geeska maktabadaha. Waxaan si dhow u akhrinayaa wax dhex maraya oo u beddelayo luqadda. Waxaan jeclahay fikirka qof kaligiis ah oo fikirradiisa wata, oo kala furfuraya. Ma aha wax soo bandhigid ama khudbad laga shaqeeyay oo la rabo in meel faagaare ah laga soo jeediyo. Ma aha ereyo laga soo guuriyay cid ama buug si xurmo iyo ammaan loogu helo. Waa farshaxan aan loo habayn sacab. Ma aha hees la qoray, ka dib saacado badan oo la ciyaarayay, dhan kasta laga toostoosiyay, ereyada isdhaafay dib loo qoray, laxanka loo xulay, kaddib dadka lala wadaagay. Waxaan rabaa farshaxanka urta nolosha dhabta ah. Qoraalka, heesta, sawirka wali sita nafta qofka sameeyay. Heesaha ka dhashay nasasho la'aan ama qalbi jab, ama xiisaha. Waxaan rabaa inaan helo dad ka hadlaya waayo-aragnimo nool, ee aan ahayn hadallo la sameeyay. Waxaa jira farqi u dhexeeya macnaha (meaning) iyo nuxurka (essence), macnaha waa la hagaajiyaa, nuxurkana waa la muujiyaa. Aad ayey muhiim u tahay in farshaxanka dhabta ahi uu sii jiro. Waxaa ku jira xusuus-qorka codka aan la safayn ka hor inta aan la qorin, cutub la qoray oo dib loo qoray toban jeer. Qofka geesinnimada leh ee odhan kara, "Tani waa sida aan dareemayay," iyada oo aan hal erey laga beddelin. Qoraalkaasi ama buuggaasi waa kuwa aan ugu jeclahay wax aan akhriyo. ~Ahmed Qaydare.
Открыть в TelegramBadiya oo ku saliya suubanaheena Si gaar ahna ku jimcaysta❤️ اللَّهُمَّ صَلِّ وَسَلِّمْ وَبَارِكْ على نَبِيِّنَا مُحمَّد ♥️
Открыть в TelegramKu mahadsanid rabbiyow inaad nasoo gaadhsiisay subax kale oo qurxan. Waxaan ku kalsoonahay awoodada oo yaqiinsanahay qaddartaada. Samee wax uun sir ah oo adiyo rabbi idiin dhexeeya waynee oo ku dadaal cibaadada waa inta la inoo abuuraye.
Открыть в TelegramAwoodda rabbi baynu hoos joognaa. Si walba oo xaaladuhu kugu adkaadan aadna u malaysid in dunidu kugu soo yaraatay. Si walba oo arimuhu kaga kala daadsan yihiin iyo qaabwalba oo xaalku kugu xun yahay. Waxa jira hal il oo aan mar qudha daynayn inay soo burqato Waa rabbiga ee bari oo awoodiisa ku tiirso.
Открыть в TelegramNoloshu waa giddi (totality); uma baahnid inaad wax ku qasabto, uma baahnid inaad qaabayso, uma baahnid inaad siiso qaab, edbin iyo nidaam. Noloshu waxay leedahay nidaam u gaar ah, waxay leedahay edbin u gaar ah. Si fudud ula soco. Ha isku dayin inaad riixdo biyaha webiga. Webigu wuu socdaa; noqo mid la socda, wabiguna wuxuu ku geyn doonaa badda. Ahmed Qaydare
Открыть в Telegramقال رسول الله ﷺ: "مَن صَلَّى عَلَيَّ صَلَاةً وَاحِدَةً، صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ بِهَا عَشْرًا." اللَّهُمَّ صَلِّ وَسَلِّمْ وَبَارِكْ على نَبِيِّنَا مُحمَّد ♥️
Открыть в TelegramWaayo-aragnimadu shanlo ay noloshu siiso nin bidaar leh. Waa hadiyadda ugu jees-jeeska badan ee noloshu bixiso; waxay ku siisaa jawaabaha marka su'aalihii dhammaadeen, sida in lagu siiyay shanlo goor ay timihii kaa daateen. Waa goor aad gabowday, waxaad markaas si cad u aragtaa khaladaadkii, waddooyinkii saxnaa iyo wixii ay ahayd inaad samayso, balse aragtidaas iyo waayo aragnimadaasi waxay timaaddaa xilli aan dib loogu noqon karin halkii laga soo maray, anfacaadna aysan lahayn. Reer xamarku waxa ay dhahaan "adoo sugayay ku qadinee, adoo samrayna way ku siinee". Waa runtood. Mohamed Dafle.
Открыть в TelegramAabahay dhihi jiray:waxkasta oo aad qabanaysid u qabo si 100% ah. Kolka ay shaqo tahay,shaqee, Kolka aad qoslaysid,qosol Marka aad wax cunaysidna cun sidii oo ay tahay markaagii kuugu dambaysay.
Открыть в TelegramI’m telling myself, don’t stop, don’t give up. I don’t care if it takes time I will achieve my dreams. "Naftaydaan la hadlayaa,Ha joogsan,Ha isdhiibin,Waxba igama galin haddii ay wakhti qaadanayso waan gaadhi doona riyooyinkayga.
Открыть в TelegramKaftan. Wuxu yidhi: Roob xoogan baa da'ayey kadib inan qurxoon baa daad dhexgashay waliba way qaylinaysay Anna hindigaan badsan jiray yaraantii oo intaan soo cararay baan damcay in aan badbaadiyo Markii aan gaadhay bay i tidhi ha taaban waryaa!,yaa ku dalbaday? Dadkii meesha joogay oo ciyaal u badnaana qosol bay la daateen xataa qaar baa i duubayey😁 Alla ileen ciil looma dhinto.
Открыть в TelegramKala weecad keenii Wadnahaygu kari waa Wal wal iyi dhib badan maray Waleecaaday awgaa Ku wareegay meelihii Waagii bartii uu Wacadkeenu ka unkamay Weheshaday xasuusii Wakhtigii samaa tabay. 2/8/2024
Открыть в TelegramQofkasta oo diyaarada saarani waxa uu xambaarsan yahay qiso aynaan ujeedin. Mid waa dulimaadkiisii koowaad:wuu shoogsan yahay. Midkood sanado badan kadib ayuu kusoo laabtay dalkiisii hooyo(home). Mid waxa uu u baxay safar ganacsi ama waxbarasho. Midkale qof uu u xiisay ayuu ka fogaanaya ama la kulmaya. Kuwo kalena riyooyin ayey eryanayaan si ay u rumeeyaan. Waligaa dhimirsanow ma ogid qofna wax u gaar ah nolosha aduunkuna waa tabtaas.
Открыть в TelegramIntani waa turjumaad tiraabaysan oo aan ku sameeyay gabayga “Meeyay Saaxiibkay Xasan? - أين صاحبي حسن؟” ee gabyaaga reer Ciraaq ee Axmed Madar. ** Madaxweynihii talada lagu aaminay ayaa gartay in uu soo gaadho degmooyin dalka ka tirsan. Kolkii uu noo yimi wuxuu nagaga naxsaday annaga oo didsan: “Sheegta cabashadiinna oo tirsan, runtana ku mitida korna u dhaha baahiyihiinna oo fidsan. Hana biqina, waa la dhaafay xilligii cabsida e.” Saaxiibkay Xasan baa dhiirraday. “Mudane,” ayuu isla taagay, “roodhi iyo caano ma haynno. Oo cidna guri ku ma hoynno. Wax shaqo ah maba haynno. Masaakiintayaduna dawada ma goynno. Maxaa xal ah, mudane, intaa midna ma haynno?” Madaxweynihii murugaa saaqday. Inta uu madoobaaday oo is cuncunay ayuu ku taahay, “Ilaahow god igu rid haddaan ogaa! Ma waxaas oo dhan baa iga hoos oognaa! Waad ku mahadsan tahay baraarujintaa. Berriba kimistu way idin la joogtaa.” ** Sannad baa la kala maqnaa. Waa in uu soo noqdaa. Markii uu yimiba isla intii ayuu na yidhi annagoo sidii hore ka jilicsan: “Sheegta cabashadiinna oo tirsan, runtana ku mitida korna u dhaha baahiyihiinna oo fidsan. Hana biqina, waa la dhaafay xilligii cabsida e.” Cid cabataa la waayay. Dabadeed anigaa istaagay. Hareerahaan eegay oo aan su’aalay, “meeye roodhidii iyo caanihii? Meeye guryihii? Meeday shaqadii maqnayd? Oo meeday dawadii jabnayd? Waxaas oo dhan ka horra, meeyay saaxiibkay Xasan?” W/T Aw Guudcadde.
Открыть в Telegram